Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Jun 27, 2012
Munaasibad loogu Dabaaldegayo maalintii ugu horeysay ee calan soomaali leedahay la taago oo xalay xarunta madaxtooyadda Somaliland laga xusay
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalintii calankii ugu horeeyey ee soomaali yeelato laga taagay magaaladda Hargeysa ee 26 june, 1960, ayaa xalay si weyn dabaaldeg loogu sameeyey xarunta madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamed (Siillaanyo), ayaa xalay munaasibad iskugu jirta Casho sharaf iyo madadaalo ku casuumay in ka badan laba boqol oo qof oo iskugu jira waxgaradka, madax dhaqameedka, siyaasiyiin iyo bulshadda qaybaheedda kala duwan xarunta madaxtooyadda, halkaas oo khudbad kooban oo uu kaga hadlayo mustaqbalka Somaliland iyo sida ay uga go’antahay madax banaanida Somaliland ka jeediyey, isla markaana dadkii madasha iskugu yimid ku hambalyeeyey qiimaha ay maalintani leedahay.
Madaxweynaha waxa garab fadhiyey madaxweyne ku xigeenka Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, madaxweynihii hore ee Somalilnad Daahir Rayaale Kaahin, madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, guddoomiyaha goloha Wakiiladda, Md:Cabdiraxmaan Cirro, xoghayaha guud ee golaha Guurtidda, Taliyeyaasha ciimadda Milatariga, Booliska, Aslaabtu iyo Badda iyo dadweyne kale.
Xaga marwooyinka madaxweyneyaasha waxa is ag fadhiyey, marwadda kowaad ee dalka Marwo: Aamino Waris, marwadda labaad ee madaxweyne ku xigeenka Marwo: Raxma X. Maxamuud Suldaan, marwaddii madaxweynihii hore Marwo: Hudda Barkhad, marwaddii hore ee madaxweynihii geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Khaltuun X. Daahir iyo wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo, ayaa dadka uga sheekeeyey taariikhdii ay Somaliland soo martay iyo wakhtigii gumaysiga ingiriisku dalkan ka talin jiray, waxaanu xusay in midowgii labadda dalka uu keenay hami wakhtigaasi socday oo ahaa in shanta soomaali la isku keeno, taasina markii dambe socon wayday.
“Dabaal-degani wuxuu mar walba inoo noqon doonaa wax mar walba ina xasuusinaya taariikhdii aynu soo marnay.Waxaanu halkan ka cadaynaynaa Somaliland oo maanta dumuqraadiyad iyo xasilooni haysata oo dad isku xidhan oo masiirkooda iyo mustaqbalkooda u midaysan inaanu nahay ayaanu u cadaynaynaa dunidda. ILAAHAY-na waxaanu ka baryaynaa inuu inagu guuleeyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalada u socda Somaliland iyo Somalia, waxanu yidhi “Waxaynu u caddaynaynaa caalamka iyo cid kasta oo ina dhageysanaysa wada hadal ha la galo ama yaan la geline’e danno faro badan ayaa iskaga xidhan Mandaqadda.
Dano badan ayaa inagaga xidhan walaalaheena Soomaaliya. laakiin waxaanu mar walba ku adag nahay oo aanaan gorgortan ka galaynin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isu taageedda”
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Degmada Baydhabo
6/27/2012 8:40 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ee ku sugan degmadaas ay toogasho ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho oo soo xulay Gudigga loogu talogalay xallinta khilaafaadka Odoyaasha
6/27/2012 8:06 AM EST
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay wax walba ku garab Isgaataan Soomaaliya
6/27/2012 7:43 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay munaasabad maanta loo qabtay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii Jabuuti ay xorriyadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ayaa sheegay inay wax walba ku garab-istaagayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland oo Muqdisho kula kulmay Dhallinyarada Soomaaliyeed
6/27/2012 7:42 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland ahna guddoomiyaha xisbiga mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Abuukar Sheekh Xasan (M. Deeq) oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa degmada Dharkeynley ee Muqisho kula kulmay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
Maydadka Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku dhintay gaari booyad ah oo ay ku neef-qabatoomeen
6/27/2012 6:34 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 43-qof oo la rumeysan yahay inay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa laga helay maydadkooda gaari booyad ah oo ay doonayeen inay kaga tallaabaan xuduudda dalka Tanzania.
Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Itoobiya oo ka shiray Ammaanka guud ee Degmada Baladweyne
6/27/2012 6:04 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne ku dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada Itoobiya ee gacanta militari siinaya maamulka gobollka, ayaa si gaar ah diirada loogu saaray xaalada nabad-galyo ee magaalada Beledweyne.
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay weerar gaadmo ah ku dishay 23-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya
6/27/2012 4:36 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Haluqa oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen askar badan oo Kenya ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Burundi oo sheegay in Ciidamadiisu aysan ka baxayn Soomaaliya inta nabadda laga soo celinayo
6/27/2012 4:17 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas isaga soo bixi doonaan markii ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, sidoo kalena ay fasaxdo dowladda Soomaaliya oo ay caawinayaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay qabteen Ruuxii ka dambeeyay dhaawaca Guddoomiyihii Maxkamadda Hargeysa
6/27/2012 4:02 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyey toogashadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ee dhowaanta lagu toogtay bariga magaaladda Hargeysa.
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo lagu wado inay ku kulmaan Magaalada Dubai
6/27/2012 3:59 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ku kulmaan magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga oo isku soo taagay xilka Madaxnimo ee dalka
6/27/2012 3:56 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, Cusman Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan ka qaybgala doorshooyinka madaxweyne ee Soomaaliya ee dhacaya bisha Ogoosto sannadkan.
Somali News
Warbixin Gabayada lagu soo bandhigayo Olympikada London
-
HOL
6/27/2012 8:26 PM EST
Warbixin Abwaan Cabdullahi Bootaan Xasan kaga qayb-galayo Olympikada London
Somali piracy: A threat and an opportunity for major rival powers
-
Korea Herald
6/27/2012 7:51 AM EST
The coasts of Somalia and the Gulf of Aden have been home for some of the worst acts of piracy for years, costing lives and billions of dollars in damage every year and threatening Indian Ocean trade and shipment in one of the most vital trade routes in the world.
Benadir Clans’ elders meet to discuss stabilization of Benadir region
-
HOL
6/27/2012 7:08 AM EST
Almost 50 people from all Benadir councils of elders, women groups, youth and religious leaders have met in Mogadishu on 25th June 2012. In the meeting the elders and other civil society groups discussed the current security problems in Benadir region and what can be done by whom and the role of traditional elders in stabilization of Benadir region.
Police escape landmine attack in Daadab
-
KBC
6/27/2012 6:32 AM EST
Police patrolling a refugee camp in Dadaab narrowly escaped death Tuesday when an Improvised Electronic Device (IED) exploded a few seconds before their vehicle reached the spot.
GCC should support new Somali drive for peace
-
Gulf News
6/27/2012 6:23 AM EST
Somali communities emerging from Al Qaida control need the new constitution to offer an effective alternative.
Increasing Number of Somalis Fleeing Insecurity, Hunger
-
VOA
6/27/2012 6:17 AM EST
The United Nations refugee agency (UNHCR) says insecurity and lack of food continue to drive a large number of Somalis to flee their homes.
Somalia Celebrates Olympic Day In 20 Years
-
P.M. News
6/27/2012 6:13 AM EST
This year, the international Olympic day commemorations were observed with sports and dance in Somalia after failing to mark it for past two decades as Somalia emerges from years of conflicts to the atmosphere of peace and stability.
Red Cross chief exits after taking on Bush, Bashar
-
Reuters
6/27/2012 2:00 AM EST
GENEVA, June 26 (Reuters) - He struck a unique deal with Syrian President Bashar al-Assad, fought what he viewed as excesses in the U.S. "war on terror", compiled reports that exposed U.S. mistreatment of detainees in Iraq, and fought for inmates' rights at Guantanamo.
UAE leads global voices against maritime piracy
-
Khaleej Times
6/27/2012 1:59 AM EST
In the fight against maritime piracy, humans pay the most with their lives. Ask families of captured crew about the months of agony and sleepless nights. Some ships like the MV Iceberg 1 have been missing for over two years — the longest in the captivity of Somali pirates. Efforts to free others like the MV Albedo have run into rough weather, with pirates upping their demands and threatening the kin of their victims.
Peace returns to Mogadishu
-
The Independent
6/27/2012 1:56 AM EST
The blue and white uniform looks new and its wearer seems small and uncertain amid the mayhem of a Mogadishu rush hour. The drivers, many of whom are armed, are not yet used to the sight of a traffic policeman. It's something most Somalis haven't seen in their capital for 20 years.
Sweet homecoming for Somali pirate captives
-
Times Live
6/27/2012 1:45 AM EST
BRUNO Pelizzari and Debbie Calitz, the couple freed from pirates in Somalia last week, are expected back in Johannesburg today.
43 migrants from Ethiopia and Somalia found dead in a truck
-
Nazret
6/27/2012 1:29 AM EST
SOME 43 foreign nationals believed to be of Somali and Ethiopian origin have been found dead in a truck that they were reportedly traveling in from Arusha to Mbeya through Dodoma.