Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, July 5 , 2012
C/RAXMAAN C/QAADIR: “Umadda Somaliland waa Ummad Wanaagsan oo u baahan cadaalad iyo madax daacad ah”
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan C/Qaadir oo jug ka soo gaadhay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Taladda haya ee KULMIYE oo muddo xaalad caafimaad ku maqnaa dalka Ingiriiska ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana duleedka magaaladda Hargeysa kaga hor tagay boqolaal Dadweyne iyo gaadiid faro badan oo ku soo dhoweeyey magaaladdda Hargeysa.
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah ururadda hadhay, siyaasiyiin madax banaan, xisbiyadda Qaranka iyo madaxda sar-sare ee ururka XAQSOOR ayaa loogu sameeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Hotel Kaah ee magaaladda Hargeysa.
“Waxaynu dadka kale kaga duwanahay waa gobonimada aanu xaqdarada kaga dagaalano, waxa jira xadiis odhanaya walaalkaa haddii uu gardaran yahayna u hiili, haddii laga gardaran yahayna u hiili”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo sheegay inuu ku faraxsan yahay siday shacabku ugu hiiliyeen dulmigii lagu sameeyey, isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “umadda somaliland waa ummad wanaagsan oo kaliya u u baahan cadaalad iyo madax daacad ah, shacab ka wanaagsan ma jiro, afar qaaradood ayaan ku noolaa, intaas oo dad oo kala jaad ah ayaan la soo dhaqmay, dadkaasi markaan dadka Somaliland ka dhex arko wanaagooda waxtarkooda gobonimadooda mar walba waan u qushuucaa, waxaan ilaahay ka baryeyaa madaxdii u qalmaysay, ee wax u tari lahayd inay mar un hesho”ayuu yidhi
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay afhayeenka xisbiga mucaaradka ah UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo si weyn u dhaliilay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga kulmiye, isagoo sheegay inuu ka xun yahay in aanay soo dhoweyn saaxiibkoodii xisbiga ay ku wada jiri jireen.
“Anigu daalin iyo midluun, madluun baan u hiilinayaa, cadaalada iyo cadaala daradana cadaalada ayaan u hiilinayaa,beenta iyo runtana runta ayan u hiilinayaa”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Gur, waxaanu intaas ku daray “ Wixii uu kulmiye foolxumada u yaqaanay markii ay ololaha doorashada ku jireen waxa iska cad inay maanta qurux u yaqaanaan oo ay ku faanayaan, wixii ay wanaaga u yaqaaneen ee balanqaadadooda ku jiray ee ay ka mid ahaayeen cadaalada,madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka maanta waa wax la fool xun indhahooda”ayuu yidhi.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiiladda ayaa sheegay in xaqdarada iyo dulmiga aan cidnaba lagu taageerin, isla markaana bulshadda ugu baaqay inay taageeraan cadaaladda, “ maanta waxaynu ku soo dhoweynaynaa anagoo ka kala socona ururo badan oo bulshadda ah, xildhibaano, siyaasiyiin iyo ururo kale duwan oo siyaasadeed ururada bulshadda”ayuu yidhi XIldhibaan Raygal.
“anigu shir ceebeed baan u aqaanaa shirkii kulmiye, dhaawacii ka soo gaadhay oo uu hore ugu dhaawacmay maanta waxaan ku faraxsanahay inaynu ku soo dhoweyno isagoo caafimaad qaba, waxaanu u soo dhoweynaynaa dadka meesha iskugu yimid waa dad ka damqanaya xaqdarada, cadaalad darada iyo hab dhaqanka hadhaagii xukuumadiii hore ee laga dagaalamay”ayuu yidhi xildhibaan Rayte, waxaanu shacabka ugu baaqay inay cadaaladda taageeraan.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah golaha Wakiiladda, gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Jamhuuriga, gudoomiye ku xigeenka urur XAQSOOR
Cali Maxamuud (Cali Sandule) oo iyagu si weyn oo aan kala hadh lahayn uso dhoweeyey.
Siyaasigan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa shir weynihii golaha dhexe ee KULMIYE si jujuub ah xilka looga qaaday, iyago markii dambana shirka dibadda looga tuuray, taas oo jug weyni ka soo gaadhay dhabarka iyo qoorta, ka dibna xaalad caafimaad oo degdeg ah dibadda loogu qaaday, haseyeeshee, ururadda siyaasadda ayaa tartan ugu jira sidii uu ugu soo biiri lahaa.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Maktabadda wareegta ee Buugaagta oo safar aqoon korodhsi ah ku maraya degmooyinka Somaliland
7/5/2012 12:37 PM EST
Khamiis, July, 5 2012 (HOL)- Maktabada wareegta oo qayb ka ah carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo maalmaha soo socda lagu qaban doono magaaladda Hargeysa, ayaa safar ku tagay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana soo dhoweyey ardayda jaamacadaha Boorame iyo Naadiga Akhriska gobolka Awdal ee Maskax-maal.
Hay'ad Samafal oo sheegtay in boqolaal kun oo qof ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ku wajahan Soomaaliya
7/5/2012 8:34 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hay'adaha Save the Children ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo khamiis ah ku sheegtay in boqolaal kun oo Soomaali ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ba'an oo Soomaaliya ku wajahan, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan di'i lahaa.
Murashaxa Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyoow oo soo jeediyay in loo diyaar-garoobo Tartan doorasho oo xalaal ah
7/5/2012 8:17 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa soo jeediyay in loo diyaar-garoobo tartan doorasho oo xalaal ah, xilli uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Fannaaniinta Kooxda Qayla-dhaan iyo Mas'uuliyiinta Hay'adda CCD oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdihso
7/5/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo ay ka mid ahaayeen fannaaniinta kooxda Qayla-dhaan sida Jooqle Shire Jaamac iyo, Cabdixakiim Ciise Guuleed (Farayare) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Howlgallo ay Ciidamada Dowladda KMG ka sameeyeen Magaalada Muqdisho oo lagu soo qab-qabtay Kumannaan Dhallinyaro ah
7/5/2012 7:28 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in 3,000 oo dhallihyaro ah lagu qabtay howgallo ay ciidamada dowladda KMG ah ka sameeyeen Muqdisho, iyadoo 235 ka mid ah la sheegay in la ogaaday inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Wafdi ka Socday Hay'adda NRC iyo Dowladda Kenya oo Dhoobley kulamo kula qaatay Saraakiisha DKMG iyo kuwa Raaskaambooni
7/5/2012 6:52 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdigan oo ka socda Hay'adda NRC islamarkaasina ay wehlinayeen wufuud ka socota dowladda Kenya ayaa magaalada Dhoobley kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka.
Madaxweyane Sheekh Shariif oo booqday Xarunta Shirkad Lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla Suudaan
7/5/2012 4:02 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday xarunta shirkad lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla dalka Suudaan, isagoo kulan la qaatay madaxa shirkaddaas daabacaadda sameysa.
Ciidamada Dowladda KMG ah oo howgallo baaritaanno kawada degmooyinka Muqdisho ka tirsan iyo Ceelasha Biyaha
7/5/2012 3:59 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saakay howgallo ka billaabay degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Qarax khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir
7/5/2012 3:59 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ruuxii aasayay ayaa ku dhintay miino xalay ka qaraxday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo maamulka degmadaas uu sheegay inaysan jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaartay qaraxaas.
Somali News
US hits Shebab network with new sanctions
-
AFP
7/5/2012 2:24 PM EST
The United States placed sanctions Thursday on six alleged backers of Al-Qaeda-linked Shebab rebels in Somalia, naming them as two Eritrean government officials, a Sudanese national and three Kenyans.
Jerry John Rawlings condemns illegal fishing and dumping of toxic of the Somali Coasline
-
GNA
7/5/2012 11:55 AM EST
Former President and African Union (AU) High Representative for Somalia Jerry John Rawlings has condemned illegal fishing and dumping of toxic waste on parts of the Somali coastline which has caused extensive damage including fish contamination and birth abnormalities to humans.
North Eastern police boss moved in shuffle
-
Daily Nation
7/5/2012 7:26 AM EST
The entire police command in North Eastern province has been moved in the wake of the latest terror attacks in the area.
Somalia could face fresh humanitarian crisis
-
gulfnews
7/5/2012 7:20 AM EST
Displacement, poor rains and late harvest may reverse recovery from disaster.
700 police posted to northern Kenya in terror war
-
Daily Nation
7/5/2012 7:16 AM EST
A seven hundred strong police contingent has been posted to North Eastern province in the wake of increased terror attacks.
CIA steps up harassment enforcement
-
UPI
7/5/2012 7:10 AM EST
The CIA says it is increasing enforcement of its sexual harassment policy following complaints of violations in war zones.
U.S. Warns Kenya About Deal with Iran
-
TIME
7/5/2012 7:07 AM EST
Kenya risks being penalized if it sees through an oil deal with Iran which would breach U.S. and European union sanctions to deprive funding for the Iranian government and what is believed to be an effort by Iran to build nuclear weapons.
Somali gov’t signs action plan to end army’s child recruitment
-
WireUpdate
7/5/2012 7:02 AM EST
Somalia's Transitional Federal Government on Tuesday signed an action plan to end the recruitment and use of children in the East African country's national military, the United Nations (UN) said on Wednesday.
Kenyan Muslim groups 'to protect churches'
-
Myjoyonline
7/5/2012 6:54 AM EST
Muslim leaders in Kenya have agreed to form self-defence groups to protect churches following a deadly attack on Sunday.
Aid Group Warns of New Food Crisis in Somalia
-
VOA
7/5/2012 6:45 AM EST
Save the Children is warning that poor rainfalls and conflict threaten to push hundreds of thousands of Somalis back into hunger, just months after the country recovered from a devastating famine.
AID POLICY: Refugees in Kenya call for more effective aid delivery
-
IRIN
7/5/2012 1:30 AM EST
DADAAB, 4 July 2012 (IRIN) - Hundreds of thousands of Somali refugees in Kenya's northeastern Dadaab refugee camp depend on aid to meet all their basic needs; while they are grateful for the help and the relative security the settlement provides, many feel the aid could be managed in more effective ways.
China's Navy Gathers Good Will Off Somalia
-
IB Times
7/5/2012 1:28 AM EST
Four years after the United Nations called on nations around the world to help curtail piracy off the coast of Somalia, the situation off the failed African state's shores looks more or less unchanged.
Al-Shabaab claims responsibility for Garissa attacks
-
KBC
7/5/2012 1:24 AM EST
Somalia militia group Al-Shabaab has claimed responsibility for Sunday's twin attacks on two churches in Garissa County that left 17 people dead.
Somali President Inspects Sudanese Currency Printing House
-
SUNA
7/5/2012 1:11 AM EST
Khartoum - The Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has inspected printing of his country's currency at the Sudanese Company for Currency Printing.
UAE Navy chief seeks GCC alliance on piracy
-
The National
7/5/2012 1:10 AM EST
DUBAI // A joint GCC naval force should be formed to protect ships in waters where Somali pirates lurk, the commander of the UAE navy says.
Pair jailed for supplying ambulance
-
7Days
7/5/2012 1:08 AM EST
Two men have been locked up for three years for supplying an ambulance and medical equipment to an extremist group in Somalia.