Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, July 26, 2012
Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain: "Waan soo Dhaweynayaa Warbixinta kooxda la-socodka Arrimaha Soomaaliya"
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha Afrika ee Birtain, Henry Bellingham ayaa soo dhaweeyay warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ay kasoo saareen Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida looga qabo in horumar dheeri ah laga sameeyo kor-u-qaadista daah-furnaanta Soomaaliya iyo in la hubiyo in Ku-meel-gaarnimada lagu soo gebagebeeyo waqtigii loogu talo-galay.
Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxay bishan soo saareen warbixin ku eedeynasa madaxda dowladda KMG ah inay lunsadeen hanti badan oo loogu deeqay shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in dhammaadkan July uu goluhu go'aan ka gaaro arrintan.
“Waan soo dhaweynayaa warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea. Caddeymaha ay ururiyeen kooxdu waa kuwo faahfaahsan oo si wanaagsan cilmi-baaris loogu sameeyey," ayuu yiri Bellingham oo ka hadlaya xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo-sooranka.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu muujiyay sida uu uga walwalsan yahay qaar ka mid ah waxyaabaha warbixintu soo ogaatay; isagoo sheegay inay ku dadaali doonaan inay sii baaraan arrimahaas. Wuxuuna sheegay inay dhibaato weyn tahay caddeymaha tilmaamaya in si xun loo maamulay maaliyaddii loogu talogalay Soomaaliya.
"Tani waan mid na xusuusinaysa dhibaatooyinka ka dhashay in Soomaaliya aanay ka jirin maamul hufan. Inta aan indhaha ku hayno marxaladda innagu soo fool leh ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waa in bulshada caalamku ay kordhisaa dadaallada wax looga qabanayo musuq-maasuqa laguna hubinayo in maaliyadda loogu talo-galay dadka Soomaaliyeed ay helaan dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka walaacsan tahay warbixintan. Waana middan tan aan la-hawlgalayaasheenna Soomaalida iyo kuwa caalamiga ugala shaqeynaynay soo-jeedin ku saabsan dhisidda guddi wadajir u maamula maaliyadda Soomaaliya.
Guddiga wadajirka ah ee maamulka maaliyadda wuxuu dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayasheeda awood u siinayaa inay muujiyaan in lacagta ay dowladdu helayso loo isticmaalo danta dadweynaha; lana ogaado in lagu xisaabtamayo.
Warbixin uu wasiirku soo saaray ayuu ku sheeagy in tani ay kordhinayso aaminka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya, dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka iyadoo kordhineysa daah-furnaanta maaliyadeed oo yareynaysa in fursad loo helo musuq-musaaq.
"Warbixinta kooxda la-socodka waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqsiyo badan loo hirgeliyo guddigan, waxaana aan ku faraxsan-nahay in muhiimadda ay arrintan leedahay mar kale uu carrabka ku adkeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo maanta si wadajir ah u oggolaadey qaraarka lambarkiisu yahay 2060 ee ku saabsan Soomaaliya iyo Eritrea," ayuu yiri Henry Bellingham.
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha Afrika ee Britain wuxuu soo dhaweeyay shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya oo shalay oo Arbaco ahayd ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah geeddi-socodka lagu soo gabgabeynayo xilliga KMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo shaqada ka joojisey Dhakhaatiirta ka hawlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
7/26/2012 10:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012-Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa soo saartay amar si kumeel gaar ah shaqada looga joojinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
Bannaanbax lagu dalbanayo inay xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo Ogoosto lana qabto doorasho xalaal ah oo Muqdisho ka dhacay
7/26/2012 8:32 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu dalbanayo in xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo 20-ka bisha Ogoosto ee soo sannadkan iyo in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.
Ciidamada AMISOM oo lagu wado inay dhammaadka bishan si rasmi ah ula wareegaan sugidda ammaanka Baydhabo
7/26/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugna Baydhabo oo 100 askari ka kooban ayaa waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan sugidda amniga degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay tageen bishii Abriil ee sannadkan.
Dadweynaha Somaliland oo si iskaa-wax-u-qabso ah Jidad laami ah kaga hirgaliyey Gobollada iyo Magaalooyinka Qaarkood
7/26/2012 7:55 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Labaddii sano ee u dambeeyey ayaa dadweynaha Somaliland ku baraarugeen inay iskood u samaystaan wadooyinka deegaanadoodda, si ay horumarka, ganacsiga iyo isku xidhnaanta magaalooyinkoodu u fududaato.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo lagu shaaciyay in Gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol
7/26/2012 7:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya oo ku taariikheysnayd 23-kii bishan oo aan weli saxaafadda loosoo bandhigin ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo lagu kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare.
Isbitaalkii ugu horreeyay oo la dhagax-dhigay Deegaanka Beer-gadiid oo ka tirsan gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRRO)
7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Deegaanka Beergadiid oo qiyaastii 48km u jira magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan ayaa la dhagax-dhigay markii ugu horeysay Isbitaal ay yeelanayaan bulshada ku dhaqan deegaannkaas oo dhibaato xoog leh ku qaba dhinaca adeega caafimaadka.
Qarammada Midoobay oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya
7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirweynaha ansixinta dastuurka ee shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Muqdisho, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda, ammaanka iyo deggenahaashaha Soomaaliya, xitaa haddii laga gudbo xilliga KMG ah.
Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maalintii galay iyadoo laga doodayo Qodobbada Dastuurka Cusub
7/26/2012 5:02 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Shirweynihii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad galay iyadoo ergadu ay ka doodayso qodobbada dastuurka, inkastoo aysan awood u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan.
Somali News
UK troops in Somalia 'aiding Africa Union force'
-
BBC
7/26/2012 10:04 AM EST
The UK has established a small military presence in Somalia, the British Ministry of Defence has confirmed.
Bomb scare in Nairobi
-
Daily Nation
7/26/2012 8:14 AM EST
Police have forced open an abandoned briefcase at a busy bus stage in Nairobi suspected to have contained a bomb.
UK Minister for Africa welcomes Somalia and Eritrea Monitoring Group report
-
HOL
7/26/2012 8:10 AM EST
Minister for Africa welcomes the Somalia and Eritrea Monitoring Group report, and emphasises the need to make further progress in promoting transparency in Somalia and in ensuring the Transition is completed on time:
The Humanitarian Forum urges international humanitarian community to take action for Somalia and Yemen
-
Reuters Alert Net
7/26/2012 8:04 AM EST
The humanitarian situation in Yemen and Somalia remains alarming and, if the humanitarian community does not take urgent action then we could see a repeat of the horrors of 2011. Problems must be solved in the home communities, even if access is difficult.
UAE stresses full support to counter piracy
-
Gulf Today
7/26/2012 8:01 AM EST
The United Arab Emirates has stressed its full support to develop the capacity of Somali national forces, especially its coast guard following the end of the transitional period in August with the aim of countering piracy off the Coast of Somalia.
Hamilton fashion show raising money for Somalia
-
CBC
7/26/2012 7:59 AM EST
The Living Rock is holding its 10th annual fashion show, and this year's event will raise money for World Vision relief efforts in Somalia.
War-torn Somalia’s assembly convenes to debate constitution
-
AFP
7/26/2012 7:56 AM EST
A special assembly tasked with voting on a new constitution for war-torn Somalia convened for the first time Wednesday, as the corruption-riddled government approaches the end of its mandate next month.
AFM Special Duties training team supports EUTM Somalia
-
Gozo News
7/26/2012 7:51 AM EST
The Armed Forces of Malta recently deployed a three-person infantry training team consisting of members of C (Special Duties) Company to the European Union Training Mission to Somalia (EUTM Somalia) which is based in Uganda.
SOMALIA: The Final Offensive
-
Strategy Page
7/26/2012 7:27 AM EST
The UN investigators are proving embarrassing to Somali and Kenyan leaders. Both countries are reported to be very corrupt, even to extent to keeping known Islamic terrorist supporters (usually leading clerics) out of jail in Kenya and leading to leaders of the TNG (Transitional National Government) of stealing 70 percent of the foreign aid sent to Somalia over the last few years.
China calls for further coordination on Somalia piracy
-
Xinhua
7/26/2012 7:25 AM EST
The international community should strengthen its coordination and cooperation on the Somalia piracy issue, a Chinese diplomat has said.
UN: Somalia Transition at ‘Decisive Phase’
-
VOA
7/26/2012 7:20 AM EST
The United Nations Security Council says Somalia's transition is at a “decisive phase” and must be completed by August 20.