Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, July 21, 2012
Ra'iisul Wasaaraha DKMG Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Farsamo ee Xulista Ergooyinka
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno wasiirro ah ayaa maanta la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga farsamo ee soo xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xulista xubnaha baarlamaanka, kaasoo looga hadlay dedejinta howlgaha lagu ansixinayo dastuurka iyo go'aan ka gaarsinta odayaal la isku haysto.
Shirkaan oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa waxaa markii u soo xirmay la hadlay saxaafadda wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo sheegay in rajo wanaagsan ay tuseen guddiyadii ay la kulmeen oo dhan.
"Guddiga farsamo ee xulista ergooyinka waxaan kala hadalnay waxay ahayd sidii aan u heli lahayd halka ay howshu marayso, warbixinno ayaan ka qaadannay, rajo wanaagsan oo muujinaysa inaan waqtiga la dhaafayn," ayuu yiri C/raxmaan Xoosh.
Sidoo kale, wasiirka wuxuu sheegay inay la kulmeen guddiga xallinta khilaafaadka odayaasha dhaqanka, kuwaasoo ay kala hadleen saddex illaa afar oday oo la isku haysto, isagoo sheegay inay ku wargeliyeen in caawa illaa berri subax ay kusoo dhameystiraan arrintan si howsha ay u sii socoto.
Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in baaqashadii kulanka ansixinta dastuurka ee maanta ay ku timid sababo farsamo, isagoo sheegay iay socdaan diiwaan-gelinno dhinaca faraha ah oo ergooyinka laga qaadayo, si loo hubiyo marka ay galayaan xarunta shirka.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in howlaha harsan lagu dhameystirayo waqtigii loogu talogalay, isla markaana ay odayaashu ku gudo jiraan xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Maalinta Af-Soomaaliga qoran iyo London
7/21/2012 9:42 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Annagoo soo dhaweyneyna bisha Ramadaan ee Barakaysan, madaxda ururrada Soomaalida ee UK iyo dhammaan dadka jecel dhaqanka, afka iyo akhriska waxaa lagu martiqaadayaa kulan-dhaqameed muhiim ah oo hordhac u ah xuska 40-guurada qoraalkii Far-Soomaalida.
Maamulka Gobolka Bay oo xabsiga dhigay Maanta howlwadeeno ka tirsanaa Hay'adda Samafalka Islaamic Relief
7/21/2012 9:39 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay maanta hawl-wadeenno u shaqeynayay hay’adda samafalka ee Islamic Relief iyo nin ganacsade ah.
NATO oo Beesha Caalamka Weydiisatay inay qayb ka qaataan sidii lagu Cirib-tiri lahaa Burcadbadeedda Soomaaliya
7/21/2012 9:25 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Isbahaysiga NATO ayaa beesha caalamka weydiistay inay qayb ka qaataan sidii loo ciribtiri lahaa burcadbadeedda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay aad hoos ugu dhigeen weerarradii burcad-bdeedda ay ka fulin jireen biyaha Soomaaliya iyo kuwa ku dhow.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo booqday Saado Cali
7/21/2012 8:26 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, oo uu horkacayey madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa duhurnimadii maanta booqday fanaanada Saado Cali Warsame, oo shalay ku dhaawacantay shil gaari, xilli ay dhinaca magaalada Garoowe kusoo jeedey.
Kenya oo ka digtay Weerarro ay Xarakada Al-shabaab ka geysato dalkooda inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan
7/21/2012 8:20 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Al-shabaab waxay qorsheynaysaa weerarro ay ka geysato magaalada Nairobi inta lagu jiro bisha Ramadaan, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay maanta oo Sabti ah billowdaan ayaa laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Kenya.
Ciidamada Ammaanka Puntland oo dooni hub waday kasoo qabtay Marsada Degmada Caluula ee Gobolka Bari
7/21/2012 7:45 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay dooni yar oo nooca kaluumaysiga ah, taasoo la sheegay inay kusoo jeeday degmada Caluula ee gobolka Bari.
Abaaro ka taagan Koonfurta Soomaliya kaddib hal sano markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday Macluushii Soomaaliya
7/21/2012 7:31 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Hal sano kadib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in laba gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ay macluuli ka dilaacday ayaa waxaa laga soo sheegayaa gobollo badan oo Koonfurta ku yaalla abaaro khatar ah, kuwaasoo ay sababeen roobabkii xilliga oo yaraaday.
Xaaladda Caafimaad ee Fanaanadda Saado Cali oo soo hagaageysa iyo Weriyeyaal ku Geeriyooyda shilkii shalay oo Garoowe lagu aasay
7/21/2012 7:06 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Xaaladda caafimaad ee fanaanadda Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame ayaa soo hagaagaysa, kaddib markii ay shalay shil ku gashay inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe. Dhaawaca fanaanadda ayaa isugu jira, jab kasoo gaarey gacanta midig iyo nabaro fudud oo kaga dhacay qoorta iyo wejiga.
Shiweynihii lagu Ansixin lahaa Qabyo-Qoraalka Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo dib u dhac uu ku yimid mar kale
7/21/2012 6:49 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Iyadoo maanta lagu waday inuu Muqdisho ka furmo shirweynaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kaasoo lagu sheegay cillad farsamo oo dhinaca xulidda ergooyinka ah.
Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool Waddanka Mareykanka oo howlo dayactir ah ku billaabay Isbitalka Dhoobleey
7/21/2012 6:47 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Howlahan lagu dayactirayo isbitalka Dhoobleey ayaa waxa gacan ka geeystay qurbajoog ku dhaqan dalka Mareeynkanka oo kasoo jeeda gobollada Jubooyinka, waxaana dayactirku uu ku socdaa dhamaan qeybaha kala duwan ee Isbitalka.
Barack Obama oo Mamnuucay Dhoofinta Dhuxusha Somalia, Sheegayna in la Cunno-qabteynayo ciddii ku lug yeelata Musuq-maasuqa Deeqaha Soomaaliya
7/21/2012 4:07 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay dhaqaale ka hesho Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta DKMG ah iyo AMISOM, isagoo sidoo kale sheegay in cunno-qabteyn la saari doono cid walba oo ku lug yeelata musuq-maasuqa dhaqaalaha loogu deeqo Soomaaliya iyo kuwa askareeya caruurta.
Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Muqdisho iyo dhac loo geystay Dukaanno ganacsi
7/21/2012 3:42 AM EST
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay howgallo lagu sugayay ammaanka ka sameeyay Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay isla xalay kooxo ku labisan dharka ciidamada oo wata gaadiid dagaal ay dhac u geysteen dukaammo ganacsi oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.
Somali News
Maine Somali group speaks out against sexual violence
-
SunJournal
7/21/2012 7:54 PM EST
LEWISTON, Maine — More than 100 people huddled together Thursday night in the center of Kennedy Park to talk about something that is normally not discussed within the Somali community — sexual violence and what can be done about it.
Political instability complicates situation
-
Gulf News
7/21/2012 7:45 PM EST
Country has been with no effective government for nearly 21 years.
VP: Kenya remains on high terror alert
-
Capital FM
7/21/2012 8:06 AM EST
The government has reassured that the country’s security forces are on high alert to prevent terror attacks in Kenya, hours after Al Shabaab militants warned of attacks in the country during the Muslim holy month of Ramadhan.
Garissa church attack suspect in court
-
KBC
7/21/2012 8:04 AM EST
A man arrested in connection with the Garissa church attack that left 17 worshippers dead and over 60 others injured was Friday arraigned before a Garissa court charged with two counts of robbery with violence and a separate charge of engaging in a criminal activity.
Kenya: VP urges unity in Ramadhan message
-
Daily Nation
7/21/2012 7:56 AM EST
Vice President Kalonzo Musyoka has urged Kenyans of all faiths to unite.
AU Somalia Mission Urges Smooth Transition
-
CRIENGLISH
7/21/2012 7:50 AM EST
The African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) on Friday called on politicians to ensure a smooth ending for the transitional process that is scheduled to lead to elections in late August, said a statement on Friday.
Somali women convene in Garowe to discuss draft constitution
-
Sabahi Online
7/21/2012 7:47 AM EST
Women officials across Somalia gathered in Garowe on Thursday (July 19th) at the Puntland Development and Research Center to discuss their role in the proposed federal government, Somalia's Garowe Online reported.
NATO says it's winning war against Somali piracy
-
Reuters
7/21/2012 7:12 AM EST
The threat from Somali pirates is receding but the international community must continue to work together to eliminate the menace, a NATO official said on Saturday.
African Union Wishes Somalia Ramadan Kareem
-
New Vision
7/21/2012 7:06 AM EST
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission on Somalia, Ambassador Boubacar Diarra, has today sent his best wishes to the people of Somalia as they mark the start of the Islamic Holy month of Ramadan.
Somalia seizes weapons said to be from al-Qaida bound for al-Shabab militants
-
AP
7/21/2012 7:04 AM EST
A government official in Somalia says security forces have seized a boat carrying weapons that were being smuggled from al-Qaida militants in Yemen to fighters in Somalia.
Shabaab warns of attacks in the city
-
Daily Nation
7/21/2012 4:13 AM EST
Al-shabaab is planning terror attacks in Nairobi over the month of Ramadhan that starts on Saturday, police have said.
US plans to give Kenya drones in Shabaab war
-
Daily Nation
7/21/2012 4:08 AM EST
The United States plans to provide eight small drones to Kenya as part of a new package to help combat Somalia militia Al-Shabaab.
Police to examine fire that killed teen
-
AAP
7/21/2012 3:20 AM EST
Investigators are on their way to the West Australian south coast to examine a property that burned on Friday night, killing a teenager.
A Somali migrant's perilous journey to South Africa
-
BBC
7/21/2012 3:12 AM EST
Johannesburg, SA (BBC) - The 32-year-old spent three months travelling through Kenya, Tanzania, Malawi, Mozambique before finally reaching South Africa, where he says he now has asylum status. His journey involved being crammed in a fishing boat....