Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, July 19, 2012
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo imaamyadda masaajidada ka codsaday in la mideeyo wakhtiyadda Salaadda
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Wasiirka diinta iyo owqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa culimadda iyo imaamyadda masaajidada magaaladda Hargeysa, isagoo usoo jeediyey in la mideeyo wakhtiyadda salaadda, maadaama oo bishii barakaysnayd ee Ramadaanta la galayo.
Sheikh KHaliil Cabdilaahi iyo culimadda ayaa isla gartay qodobo ku haboon wakhtiyadda la eedaamayo iyo mideynta eedaanka si aanay dadku ugu jahawareerin, maadaama oo masaajidaddu isku dhow yihiin
“ in eedaanka salaadda subax ee hore iyo xilliga salaaddu joogto la kala gartaa, in labadda eedaan ee salaadda subax ay u dhexeyso afartan daqiiqo, in salaadaha dhamaan eedaankooda iyo aqiimiskoodda ay u dhexeyso labaatan daqiiqo haddii ay ku yaallaan xaafaddo dhexdood, haddii ay suuq tahayna ay u dhexeysa wakhti 15 daqiiqo ah,”ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo la hadlayey imaamyadda masaajidadka iyo culimadda.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in loo diyaar garoowo bisha barakaysan ee ramadaan, isla markaana sheegay in fursad qaali ah oo sanadkiiba mar u timaadda dadka muslimiinta ah, waxaanu ku booriyey in loo guto sida diintu tilmaamayso, lagana ilaaliyo wixii dhaawac u keenay soonka iyo dadka soomanba.
Wasiirku waxa kale, oo uu digniin adag usoo jeediyey dadka bisha Ramadaan isku daya inay ka baayac mushtareeyaan cuntooyinka oo si dhuumasho ah uga iibiya dadka aan soomin, kuwaas oo uu sheegay in ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isla markaana aan lagu arki Karin wax cunto ah oo lagu kariyo suuqa oo si qarsoodi ah looga iibiyo dadka u bartan in aanay soomin.
Ciidamadda booliska iyo guddidda wanaagfarista Somaliland oo iskaashanaya ayaa bisha Barakaysan dabagalla dadka caadaystay inay bishan Ramadaan iibiyo cuntooyin si ay macaash uga helaan, kuwaas oo meelaha dooxyadda iyo meelaha kharsoon ka raadiya oo inta badan kula dhuuntaan, isla markaana xabsiga u taxaaba qofkii lagu arko isagoo iibinaya iyo isago cunayaba.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Youtube: Warbixin Cabdi Bile Cabdi oo London Lagu soo dhaweeyey : Baafo
7/19/2012 1:39 PM EST
Halyeyga Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeye magaalada London. Waxaa warbixintaan magaalada London nooga soo diray Ibrahim Baafo.
Shirweyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Puntland, gobollada dhexe iyo Itoobiya oo Garoowe ka furmay [SAWIRRO]
7/19/2012 1:18 PM EST
Khamiis, July 19, 2012(HOL): Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka furmay shir-weyne ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid 8-da gobol ee Puntland iyo deegaanada ay ka arimiyaan maamullada Ximin iyo Xeeb, Gal-mudug, gobolka Hiiraan, dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo hablo metelaya jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha ku nool.
Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo dhistay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha xoolaha dhoofiya [SAWIRRO]
7/19/2012 1:17 PM EST
Khamiis, July 19, 2012(HOL): Xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu dhisay dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha ka shaqeeya Xoolo dhoofinta ee ka jira deegaanada Puntland. Munaasabadii daladdan lagu dhisayey oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay madaxda rugta ganacsiga iyo mas'uuliyiin ka socotey wasaaradaha ganacsiga, maaliyadda iyo xanaanada xoolaha.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG oo dil toogasho ah ku fulisay afar Askari oo gacan ku dhiiglayaal ahaa
7/19/2012 9:35 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo horay loo xukumay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dil u geysteen askar kale iyo dad shacab ah.
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Odyaasha Dhaqanka
7/19/2012 9:20 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali, wasiirro iyo xubno ka socda beesha calaamka oo uu horkacayay ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa maanta kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, iyagoo ka dalbaday inay soo dedejiyaan soo gudbinta magacyada ergooyinka laga sugayo.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Magaalada Baladweyne kana warbixiyay safarro uu ku maqnaa
7/19/2012 9:05 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay kadib markii uu maanta dib ugu laabtay guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo hogaaminayay xubno ka tirsan maamulka gobolka.
Sheekh Shariif oo beeniyay in xukuumadii Farmaajo ay lacago lunsatay
7/19/2012 8:22 AM EST
Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in lacag gaaraysa 3.5 milyan oo lagu qoray warbixintii qaramada midoobay ay ku maqantahay xukuumadii ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
YAASIIN MAAXI: “Waxaan wax ku doonayaa Sinnaan iyo Soomaalinimo, wax intaas ka hooseeyana wax kuma doonayo” (SAWIRRO)
7/19/2012 8:14 AM EST
Khamiis, July 19, 2012(HOL): Siyaasiga yaasiin maxamuud ayaa la hadley soomaalida ku nool magaalada Borlänge ee dalka Sweden kaddib markii casuumaad ay u sameeyeen Soomaalida magaaladaas ku dhaqan.
Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Somalia oo sheegay in Malaayiin qof ay weli u baahan yihiin Mucaawino
7/19/2012 8:12 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mark Bowden oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in weli ay malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.
Kulan looga hadlayay sidii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u wada-shaqeyn lahaayeen oo Muqdisho lagu qabtay
7/19/2012 8:02 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD loogana hadlayay qaabkii ay odayaashu iskula shaqeyn lahaayeen.
Shan qof oo ku dhaawacmay Qaraxyo xalay ka dhacay Degmada Wajeer oo ku dhow Soohdinta Soomaliya iyo Kenya
7/19/2012 3:20 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen laba qarax oo xalay ka dhacay degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan.
Haweenka kulan ku yeeshay Muqdisho oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka
7/19/2012 3:20 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Kulan ay haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga dalbanayaan DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka inay tixigeliyaan saamiga ay ku leeyihiin dowladda ee 30% ah.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Warbixinta Guddiga Baarista ee Qaramada Midoobay ay kasoo horjeeddo nabadda Soomaaliya
7/19/2012 3:00 AM EST
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay warbixintii kooxda baarista Qaramada Midoobay ee uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii lagu eedeeyay inay tahay mid looga gol leeyahay in nabdda Soomaaliya lagu burburiyo, isagoo sheegay inaysan jirin hanti ay lunsadeen.
Somali News
Famine anniversary: Somalis dying on food walks
-
AP
7/19/2012 1:57 PM EST
DOLO, Somalia (AP) — The long, dusty walks from hungry homes to far-away refugee camps are again claiming lives in Somalia one year after up to 100,000 people died in the country's worst famine in generations.
Germany plans to regulate anti-piracy security firms
-
DW
7/19/2012 11:25 AM EST
Sea piracy off the coast of Somalia has dropped dramatically, in part as the result of private security forces accompanying the ships. The German government now wants to regulate their certification.
Majengo youth ‘recruiting terrorists’
-
The Star
7/19/2012 11:10 AM EST
The UN has warned that the Muslim Youth Council is continuously recruiting and training youth to fight in Somalia and launch attacks in Kenya. According to the UN monitoring group on Somalia and Eritrea, the MYC, which has since been renamed Al Hijra, is based in Majengo, Nairobi and is using its havens in Somalia to launch attacks in Kenya. "Monitoring Group investigations reveal that the MYC in particular has been deploying several operational cells to Kenya in recent months for this purpose," the report reveals.
The world must not tire of aiding Somalia
-
Gulf News
7/19/2012 11:00 AM EST
Governments, individuals and aid organisations must bridge the gap of Dh2b required in funds
2 held over attack on policemen in Mandera
-
Capital FM
7/19/2012 6:41 AM EST
Police announced on Wednesday they were holding three suspects over Monday night’s killing of a police officer in Mandera.
Roadside bombs target Ethiopian troops in Beledweyne
-
Sabahi Online
7/19/2012 6:39 AM EST
Roadside bombs in Beledweyne, central Somalia, targeted convoys of Ethiopian troops moving through the area Tuesday morning (July 17th), Garowe Online reported.
Salehi calls for restoration of peace to Somalia
-
IRNA
7/19/2012 6:36 AM EST
Foreign Minister Ali Akbar Salehi said on Wednesday that Iran hopes for restoration of peace, stability and tranquility to Somalia.
Red Emperor confirms oil shows at Somalia well
-
Stock Market Wire
7/19/2012 6:33 AM EST
Red Emperor Resources has confirmed. that the Shabeel North well in Puntland, Somalia, has penetrated a 50-metre gross section of upper Jesomma sands with oil shows.
East Africa's Seasonal Rains Are Seen Improving by USAID
-
Bloomberg
7/19/2012 6:18 AM EST
East Africa’s seasonal rains are improving after a delayed start that resulted in late crop planting, the U.S. Agency for International Development said.
Vancouverite Aweis Issa appalled and disturbed by impact of Islamic fundamentalists on Somalia
-
Straight
7/19/2012 6:13 AM EST
A long-time Vancouver resident has returned from his native Somalia with horrific tales of Islamic extremism.
Somali Refugee Population Exceeds One Million
-
VOA
7/19/2012 6:09 AM EST
The Somali refugee population is reported to have reached a sad milestone - more than one million people have now fled Somalia, according to the latest data from the United Nations Refugee Agency, UNHCR.
U.N. warns Somalia remains in need of assistance one year after famine declaration
-
NM Net
7/19/2012 6:07 AM EST
The U.N. warned Tuesday that more than 2.5 million people in Somalia remain in need of assistance despite international aid efforts and the situation could worsen unless more effort is made to build on gains since famine was declared in July 2011, Agence France-Presse reports.
Parents, government urged to collaborate for sake of Somali diaspora
-
Globe and Mail
7/19/2012 2:03 AM EST
Canada must give young Somali Canadians more opportunities to succeed or they will remain at high risk of being recruited into extremist organizations and gangs, two ministers from the independent government of Puntland in northeast Somalia said
Ethiopia says Meles "in good condition" after illness
-
Reuters
7/19/2012 1:45 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi has been treated for an illness and is "in good condition", a government spokesman said on Wednesday, amid rising speculation about the health of a man in power for two decades in a poor, violent corner of Africa.