3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Kooxda Baarista Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Madaxda ugu Sarreysa DKMG Soomaaliya inay lunsadeen Hanti Qaran

Hiiraan Online
Ku aqriso Af-Ingriis

Axad, July 15, 2012 (HOL) - Kooxda Baarista (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha  soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac  ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay lunsadeen hanti gaareysa 131-milyan oo doollar.

Warbixintani ayaa eedeysay mas’uuliyiinta kala ah: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,  Afhayeenka baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul  wasaaraha dowladda KMG ah, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole.

Af-hayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan:

Warbixintu waxay ku eedeysay, Shariif Xasan Sheekh Aadan in ku dhex-jiray lunsasho hanti Qaran iyo bixin qandaraasyo uu siiyay dad isaga saaxibadiis ah laga bilaabo markii loo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo ku-xegeenka ra’iisul wasaaraha xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

 Warbixintu waxay sidoo kale ku eedeysay Shariif Xasan inuu ka qayb-galay qaadashada lacag dhan 3-milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan bishii Abriil ee sannadkii 2009-kii. Shariif Xasan ayaa wuxuu sidoo kale lacag hal milyan ($1) oo dollar ah ka qaatay shirkadda SKA Air Logistics oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Shariif Xasan iyo rag ganacsi kala dhexeeyo oo kala ah: Shariif Axmed Ba’alaawi,  Jeneraal Gaafow oo ah madaxa waaxda socdaalka ee dowladda KMG ah iyo qusulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Imaaraadka Carabta, Cabdulqaadir Sheekhey ay saami  (share-holder) ku leeyihniin shirkadda Mondial Technology Information oo qandaraas lagu siiyay inay daabacdo dal-kugalka (Passport) Soomaaliya.

Shariif Xasan waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu heshiis iskiis ah la galay dowladda Suudaan si ay u soo daabacdo lacag shillin Soomaali ah (Sh. 1000, 2000, 10,000, 20,000, 50,000 iyo 100,000) oo la qiimo ah illaa 150-milyan oo doolar.

 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Gaas:

Guddiga baarista ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu deeqday xukuumaddii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo lacag gaareysa  10- milyan doollar, isla markaasna $5-milyan oo doollar ay siisay xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas. 

Ra’iisul wasaare C/weli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in $3.5 milyan oo doollar oo ka mid ah lacagtii ay dowladda Imaaraadka ku deeqday aysan soo gaarin oo ay lunsatay xukuumaddii ra’iisul wasaare Farmaajo.  Sidoo kale  ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay guddiga inuu lacag $5 milyan ah dhigay bangiga dhexe ee dowladda Soomaaliya, laakiin arrintaas bangiga dhexe caddayn lagama hayo. Halkaas waxaa ka muuqda farqi u dheexya warbixinta ay  dhiibtay wasaaradda maaliyadda iyo caddaymaha bangiga dhexe yaalla.

Ra’iisul Wasaarihii hore  ee dowladda KMG  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo:

Guddiga baaristu wareysi lama yeelan ra’iisul wasaarihii hore, Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, laakiin ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in lacag dhan $3.5 milyan ay ku maqan tahay xukuumaddii Farmaajo, lacagtaa oo qayb ka ah $10 milyan oo doollar oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya.

Madaxweyne  Shariif Sheekh Axmed:

Warbixintu waxay sheegtay in madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen lacag dhan $3 milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan si loogu hormariyo hay’adda nabadgelyada Soomaalia (Somaali National Security Agency). Waxaa xusid muddan in arrinta madaxweyne Shariif lagu eedeeyay uu fuliyay Cabbaas Sheekh Maxamed (Jimcaale) oo ah agaasimaha shirkadda ASMJ General Trading, qaraabana la ah madaxweyne Shariif,  sida uu guddiga baarista u xaqiijiyay qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.  Cabbaas Maxamed ayaa xiriir dhow la leh dowladda  KMG ah isla markaasna si joogto ah ugu sii hormariya lacago,  raashina siiya ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo warbixintu sheegtay in boqolkiiba soddon (30%) lacagta dowladda soo gasha ay maamulaan saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG ah oo kala ah madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha.  Lacagta ku baxday saddexdaas xaafiis waxay sannadkii 2011 gaaraysay $12.6-milyan, halka kharajka ku baxay ciidamada ammaanka uu ahaa $13.4 milyan oo keliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole:

Madaxweyne  dowlad goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole ayay warbixintu ku eedeysay inuu qandaraasyo siisay sharikado shisheeye ah oo si sharci-doarro ah hub u soo galiyay deegaannada uu madaxda ka yahay taasoo kasoo horjeedda cunno-qabateyntii  hubka ee ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya.

Sharikadahaas qandaraasyada uu siiyo dowladda madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa ka mid ah: Pathfinder Corporation, Canmex, Africa Oil, Puntland Exploration Security Unit.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeyay dhowr jeer oo hore inay lug ku leeyihiin eedeymaha loo soo jeediyo ee ku saleysan lunsashada deeqaha la siiyo Soomaaliya iyo hantida Qaranka. Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu diyaar u yahay in baaris lagu sameeyo halka ay maraan deeqaha Soomaaliya ay ka hesho dalalka dibadda.

Bankiga Adduunka ayaa shirkii ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga bishii Juun ee sannadkan kusoo bandhigay warqado ku saabsan lacago fara badan oo loogu deeqay Soomaaliya, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay mareen. Iyadoo madaxda Soomaalidu ay sheegeen inaysan lacagahaas soo gaarin.

Halkaan kala bax warbixintaas oo dhan :  













Click here
7/15/2012 6:48 PM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) - Tartan kubada cagta ah oo loogu magac darey Somali Week Seattle ayaa waxoow si xiiso badan uga socdey garoomada Chief Sealth Stadium iyo Foster High Stadium kasoo eey ka qeyb galayeen 12 kooxood oo ka kala yimid magaaladan Seattle iyo Goboladda waaweyn ee dalka Mareykanka sida Minnesota, Denver, Utah, Oregon.

7/15/2012 9:00 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddidda Doorashooyinka Somaliland, Ciise Yuusuf Xamari ayaa ka hadlay tallo soo-jeedin ay u soo jeediyeen goleyaasha Sharci dejinta inay wax ka bedelaan Astaantii hore ee doorashooyinka lagu gali jiray oo ay ka dhigeen in number lagu galo si ay ugu fududaato hawlaha doorashooyinka, balse soo jeedintaasi guddidda Doorashooyinka waxa ku gacan saydhay golaha Guurtidda oo diiday in number lagu galo doorashooyinka, maadaama oo ay badan yihiin dadka aan waxna qorin waxna akhriyin, isla markaana ay ku wareerayaan dadkaasi qofkay codka siin lahaayeen, sidaa awgeed ay lagu gallo doorashadda sidii birigii hore ee astaan lagu gali jiray.

7/15/2012 8:59 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay mid kalena ku dhaawacmeen.

7/15/2012 7:57 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 16-qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaadyo bartamaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray salay oo Sabti ahayd booliiska federaalka dalkaas iyo kooxo muslimiin ah.

7/15/2012 2:55 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay iska-horimaadyo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Shabeellada Hoose iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

7/15/2012 2:35 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, isagoo sheegay inuu doonayo inuu u yimid si uu gacan uga gaysto abaaraha baahsan ee ka jira deegaanadaasi.

7/15/2012 2:32 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay meel qiyaastii 5-km u jirta magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.