Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, July 1 , 2012
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Munaabasad lagu xusayay 1-da Luuliyo ayaa maanta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Banaadir, kaasoo ay ka qaybgaleen madax ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ku jiray madaxweynaha iyo kumannaan dadweyne ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo munaasabadda furay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay goob ammaan ah, ayna taas daliil u tahay xuska maalinta xoriyadda oo si nabad ah loogu qabanayo bartamaha magaalada.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiime gaar ah ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Soomaalida dibadda dalka ku nool uu u sheegayo in Muqdisho ay tahay nabad ayna kusoo laaban karaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo isaguna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay si weyn uga duwan tahay sannadkii hore maanta oo kale, isagoo sheegay in goobtan ay ku sugnaayeen Al-shabaab maanta ay iyaga ku sugan yihiin.
"Halkaan waxay ahayd sannadkii hore meel ay gacanta ku hayeen kooxaha nabadda diiddan, maanta waxaa gacanta ku haysa dowladda, mahadeedana waxaa iska leh ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Sheekh Shariif wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qayb ka qaataan sidii lagu soo celin lahaa nabadda iyo dowladnimada Somalia, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in sannadkan kiisa kale lagu gaaro bash-bash, barwaaqo iyo horumar.
Ugu dambeyn, dadweynihii dabaal-degga ka qaybgalay ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xuska 1-da Luuliyo lagu qabto sannadkan garoonka Banaadir Istaadiyum oo ay sannadkii hore gacanta ku haysay Al-shabaab.
Munaasabado kale oo kuwan la mid ah ayaa ka dhacay maamul goboleedka Puntland, deegaannada ay ka taliso Ahlusunna iyo weliba Koonfurta Gaalkacyo uu ka taliyo maamulka Galmudug.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xulka Spain oo ku guuleystay Koobka Qaaradda Yurub
7/1/2012 5:05 PM EST
Axad, July 01, 2012(HOL): Xulka Spain ayaa markii 2aad ku guuleystay koobka qaaradda Yurub kaddib markii uu 4—0 ku dhuftay xulka Italy oo rajo ka qabay in uu koobkan hanto.
Munaasabadda 1-da Luulyo oo si weyn looga xusay Magaalda Eskilstuna ee dalka Sweden (SAWIRRO)
7/1/2012 4:16 PM EST
Axad, July 01, 2012(HOL): Xaflad lagu maamuusayay 52 guuradii ka soo wareegatay markii ay Gobollada Koofureed ee Soomaaliya ay xornimada ka qaadeen gumeystihii Talyaaniga, sidoo kale ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden.
Dabley hubeysan oo Waqooyiga Gaalkacyo ku Toogtay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug ee Puntland
7/1/2012 8:34 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku toogtay xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka ee maamulka Puntland, Bashiir Cabdi Maxamed oo ku magac-dheeraa Garas.
Dabaaldagyada 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Nairobi, Taasoo ay ka qaybgaleen madax sare (DAAWO SAWIRRO)
7/1/2012 7:35 AM EST
Boqollaal Soomaali ah ayaa xalay isugu tagay gurigii hore ee safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay isugu yimaadeen qaar kamid madaxda qaranka.
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in sarkaal iyo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku dileen Dagaal ka dhacay Deegaanka Lafoole
7/1/2012 7:33 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerar ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ku dishay taliyihii ciidamada DKMG ah ee deegaankaas oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Faahfaahinno kasoo baxaya Weerarro khasaare badan geystay oo lagu qaaday Kaniisado ku yaalla Magaalada Gaarisa
7/1/2012 7:14 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ay ku jireen ayaa ku dhintay, 50-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday lagu weeraray laba kaniisadood oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
7/1/2012 7:08 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Dhowr sano kadib waxaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan munaasabad lagu maamuusayay 1-Luulyo oo ku beegan 1960-kii, maanta oo kale waqtigii ay ka xuroobeen gobollada Koonfurta Soomaaliya gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii labada gobol Koonfur iyo Waqooyi.
Madaxweynaha Somaliland oo Magaalada Dubia kula kulmay hoggaamiyihii Ururkii SSC, Saleebaan Xagla-Toosiye
7/1/2012 5:57 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa kulan kula yeeshay hotelka uu ka degan yahay ee magaaladda Dubia hogaamiyihii SSC ee Sool, Sanaag iyo Cayn.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose
7/1/2012 5:55 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Ciidmaada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Qooqaani oo hoostaga Degmada Afmadow, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin kala gaaray labada dhinac.
Qarax khasaare geystay oo lala eegtay Kaniisado ku yaalla Magaalada Gaarisa
7/1/2012 4:07 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Garisa ayaa sheegaya in goordhow qarax xooggan uu ka dhacay goob kaniisad ah oo ay ku sugnaayeen dadweeyne fara badan, iyadoona la sheegay in qaraxu sababay khasaarooyin lixaad leh.
Munaasabado lagu xusayay 1-da Luuliy oo xalay ka dhacay Gobollada Gedo, Bakool, Bay, Hiiraan iyo Shabeellooyinka
7/1/2012 4:00 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Munaasabado lagu xusayay sannad-guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed xoriyaddooda ka qaateen dalka Talyaaniga ayna midoobeen gobollada Koonfureed iyo waqooyi ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay gobollada dalka qaarkood.
Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan oo warqadihiisii aqoonsiga ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen
7/1/2012 3:34 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yemen Abubakar Cabdalla Al-Qarbi ayaa ka guddoomaya waqadihii aqoonsiga danjirenimo qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u magacowday magaalada Cadan, Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaan) kaddib kulan uu kula qaatay wasiirka oo ka dhacay Sanca.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in haddii fikir mideysan la qaato laga gudbi karo dhibaatada hadda jirta
7/1/2012 3:17 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in fikir mideysan la qaato si looga gudbo dhibaatada hadda jirta, dalkana loogu soo dabaalo dowladnimo iyo amni.
Somali News
Road to the Games, fraught with danger
-
Indian Express
7/1/2012 4:08 PM EST
Somalia have never won an Olympic medal, and are unlikely to begin their collection in 2012. With none of their athletes meeting qualifying standards, a tiny Somalian contingent will travel to London thanks only to the provision that each National Olympic Committee is guaranteed two slots.
Somalia National Day Celebrated in a Mogadishu Free of Al-Shabab
-
VOA
7/1/2012 3:58 PM EST
MOGADISHU, Somalia — For more than two decades, Mogadishu residents have marked Somalia's independence day under the threat of chaos and violence; but this year is different. Due to security gains and the return of relative stability to the Somali capital, citizens finally have something to celebrate.
DOOD QARAN (Qaybtii I)
-
Cabdulqaadir Aaden Mohamuud “J
7/1/2012 12:45 PM EST
Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya,
17 dead, 50 injured in twin Garissa church attacks
-
Daily Nation
7/1/2012 12:02 PM EST
Two police officers are among 17 people killed in two simultaneous attacks in Garissa when masked gunmen sprayed bullets and hurled grenades at Catholic's Central Cathedral and AIC churches, Kenya Red Cross say.
Somalia: 1st July, the independent day is highly marked in Mogadishu
-
allvoices
7/1/2012 8:22 AM EST
Highly well-organized celebrations that were being marked to the 52nd anniversary and independent day of 1st July when southern regions took independence and at the same time southern and northern regions of Somalia united having the first elected government in 1960 has last and today on Sunday occurred in the Somali capital Mogadishu and other parts of the country.
Two Canadians victims in Kenya kidnapping: report
-
AP
7/1/2012 8:16 AM EST
Two Canadians were among the four aid workers kidnapped in an attack at a Kenyan refugee camp near the border with Somalia, a security official said Saturday.
Somali president visits Bal’ad district in middle Shabelle
-
allvoices
7/1/2012 8:11 AM EST
President of Somali Transitional Federal Government,Sharif Sh. Ahmed accompanied by some of members of the executive council and security officials have today on Saturday reached Bal’ad district in middle Shabelle region observing the situation there since Somali national forces backed by African union peacekeeping forces chased Al-qaeda affiliates from there last week.
FM receives credentials of Somali Consul to Aden
-
Yemen News Agency
7/1/2012 8:10 AM EST
Foreign Minister Abu Bakr al-Qirbi received on Saturday a copy of the credentials of Ahmed Abdi Hassan , the Consul General of the Republic of Somalia in Aden province.
Djibouti sends extra soldiers to Somalia
-
allvoices
7/1/2012 8:06 AM EST
Djiboutian soldiers under the African union peacekeeping mission are expected to arrive in the Somali capital Mogadishu as Djiboutian president, H.E. Isma’il Omar Gelle announced 27th June this month during the celebration of 35th anniversary of their country’s independent day, the state media said.
United States assures Somalia of support beyond end of transition
-
Afrique en Ligue
7/1/2012 7:45 AM EST
The US has assured Somalia that it would continue to support the Horn of African nation after the current transition period. According to a statement from the State Department, the US gave the assurance in a message to Somalia on the occasion of its 52nd independence, to be marked 1 July.