5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2012
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Beledweyne kula kulmay Waxgarad, Madaxda Dooxada Shabeelle iyo Saraakiil Itoobiyaan ah


Jimco, Jannaayo, 6, 2012 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya  C/wali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi la socda ayaa maanta markii ugu horreysay waxaa ay booqasho ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan oo dhawaan lagala wareegay xoogagga xarrakada Al-shabaab.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha booqashadiisa ku wehliyay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xusseen Carab Ciise, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre, wasiirrka wasaarrada warfaafinta C/qaadir Jaahweyn, wasiirrka Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, Taliyaha ciidamada xoogagga dalka Soomaaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini, iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa oo ku socday ilaa saddax diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ka tirsan xoogaggii dhawaan la wareegay magaalada iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya, waxaana uu halkaa salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka mid ah ciidamada dowladda Itoobiya.

Intaas kadib waxaa loo soo galbiyay xarunta Jaamacadda Hiiraan University ee duleedka magaalada Beledweyne oo hadda saldhig u ah ciidamada dowladda Itoobiya, waxaana ay halkaa kulamo kula qaateen Saraakiisha dowladda Itoobiya, odayaasha dhaqanka iyo waliba mas’uuliyiinta xoogaggii ku wehliyay dagaallka ciidamada dowladda Itoobiya.

Ra’iisal wasaare C/ wali oo hadal u jeediyay xubnihii uu kulanka la qaaday ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku joogo magaalada Beledweyne oo sida uu yiri ah magaalo taariikh leh.

‘’Waxaa uga mahad celineynaa saraakiisha dowladda Itoobiya iyo ciidamadooda iyo xoogagga gacanta siinayay intaba sida ay uga guuleysteen Al-shabaab, waxaana idinla bar bar taagannahay taageeradeena ayuu yiri,’’ Ra’iisal wasaaare C/wali Max’ed Cali Gaas.


Odayaasha dhaqanka oo iyaguna hadallo koob kooban ka jeediyay halkaas waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan wafdiga dowladda ka tirsan ee soo booqday, isla markaana diyaar u yihiin dhinacooda in ay wada shaqeyn buuxda la yeeshaan dowladda KMG.

Saraakiisha dowladda Itoobiya oo iyaguna goobta ka hadllay ayaa sheegay in aysan howlgallada socda aheyn kuwo ku eg uun gobollka Hiiraan, laakiin ay jiraan gobollo kale oo ay ku sii wajahan yihiin, waxaana ay goobta ku soo bandhigeen  qorshaha ay damacsan yihiin iyo qaabka uu howlgalku u socon doono.

C/fitaax Xassan Afrax oo ah madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeelle oo goobta ka hadllay ayaa sheegay in howlgalka ciidamada Itoobiya ay ku wehliyeen xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle, isaga oo carabka ku dhuftay in ay mar walba soo dhaweynayaan nidaamka dowladnimo.

Wafdiga uu horkacayay Ra’iisal wasaaraha oo dad badani filayeen in uu gudaha u soo gali doono magaalada ayaa markii dambe halkiisa ka laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku sii sugayay diyaaradihii markii horeba ka soo qaaday magaalada Muqdisho.

Imaanshaha wafdiga ka socda dowladda KMG ee magaalada Beledweyne ayaa marka laga soo tago, dhinaca kale waxaa xusid mudan in maanta muddo labo sano ka badan markii ugu horreysay ay diyaarado soo cago-dhigteen garoonka magaalada Beledweyne oo aan shaqeyn tan iyo intii ay magaalada maamulayeen xoogaggii xarrakada Al-shabaab.








C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya