5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 27, 2012
Shirka Soomaalida ee loogu qabanayo London oo lagu casuumay Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Ahlusunna

Jimco, Jannaayo 27, 2012 (HOL) − Shirka London loogu qabanayo Soomaalida ayaa la sheegay in lagu casuumay maamullada Somaliland, Puntland, Galmudug, Ahlusuna iyo weliba DKMG ah, iyadoo la sheegay in shirkaas uusan ahayn mid dib u heshiisiin ah balse uu yahay mid looga hadlayo xaaladda ammaan ee dalka.

Ergayga Britain ee Soomaaliya, Matt Baugh ayaa sheegay in maamulladan ay ku casuumeen shirka, wuxuuse sheegay inuusan xaqiijin karin in Somaliland ay imaan doorto shirka iyo in kale, isagoo ugu baaqay dhammaan maamullada inay kasoo qaybgalaan.

"Shirkan waxaa mid looga hadlayo sidii nabad Soomaaliya loogu heli lahaa kaddib sannado badan oo colaado ah," ayuu yiri Mr Baugh oo BBC-da u warramayay isagoo intaas ku daray in shirkan lagu casuumay sidoo kale dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, shirkan lagu casuumay sida uu ergaygu sheegay dhammaan saxiixayaashii Raodmap-ka, waxaana dowladda KMG ah uga qaybgalay madaxda sare sida Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamankaa iyo ra'iisul wasaaraha.

"Qorshaha shirkan waa in caalamka la tuso dhibaatada ka jirta Soomaaliya gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo sidii xal loogu heli lahaa. Sidoo kale arrimaha aan diiradda saarayno waxaa ka mid ah burcadbadeedda," ayuu Mr Baugh.

Maamullada lagu casuumay shirkan ayaan ka hadlin, iyadoo Somaliland ay horay u sheegtay inay ka go'day Soomaaliya, balse caalamka kama aysan helin aqoonsi ku aaddan gooni-isku-taaggeeda.

Ergayga Britain ee Soomaaliya ayaa booqday dhawaan Muqdisho iyo Hargeysa, halkaasoo uu kulammo kula yeeshay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya