4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2012
Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Arizona oo yeeshay kulan looga hadlay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay (SAWIRRO)


Isniin, January 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay, laguna maamuusayey waxyaabihii sanadkii la soo dhaafay u qabsoomay Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Arizona ee Wadanka Mareykanka (Somali American United Council of Arizona), ayaa xalay lagu qabtay magaalo madaxda Gobolkaasi ee Phoenix.

Xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen Ururrada dowliga  ah ee deegaanka iyo kuwa bulshada Rayidka, shaqsiyaad ka socday Xafiisyada Dowladda Mareykanka iyo walba marti kale, ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka xafiiska jaalidda muddadii uu shaqeynayey iyo waliba tiro-koob la sheegay in lagu sameeyey Soomaalida qaxootiga ah ee gobolka Arizona ku dhaqan.

Furitaanka Munaasabadda, ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay guddomiyaha Jaaliyadda Prof: Maxamed Cali Abuukar, oo sheegay in ay wax lagu farxo tahay in dadka Soomaalida ah ee gobolka ku dhaqan ay yihiin dad ka faa’iidaystay fursadihii ay heleen isla mar ahaantaasi ay yihiin dad wax badan ka bartay dhaqanka iyo nolosha bulshada ay la nool yihiin.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha xafladda qiimaha iyo qaayaaha badan oo ay ka mid yahiin madaxda dowlada Mareykanka ee gobolka iyo xafiisyada kale ee nagala qeybgalay xafladda caawa, sidoo kale waxaa maanta muhiim ah inaan soo bandhigno wax qabadka Jaaliyadda Soomaalida” ayuu yiri Prof: Maxamed Cali.


Munaasibadda ayaa intii ay socotay waxaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay kuwaasi oo isugu jiray shaqsiyaad ka socday maamulka dowladda gobolka Arizona, hay’adaha bulshada ee deegaanka, aqoonyahano, culimaa’udiinka iyo ganacsato, kuwaasi oo dhammaantood ka mideysnaa waxqabadka jaaliyadda iyo sida ay uga qeybqaateen horumarka  gobolka.

Sido kale waxaa xafladda ka hadlay Mr. Jack Salvatore oo ah qareenka u qaabilsan arimaha sharciyada jaaliyadda Soomaalida Arizona, waxaana uu sheegay in uu wax badan ka faa’iiday mudadii uu la shaqeynayey dadka Soomaaliyeed ku dhaqan Gobolka Arizonna, waxyaabahaas oo uu sheegay in ay ka mid yihiin dhaqanka iyo dabeecad wadaaga, waxaana uu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la tageero arimaha bulshada sida ciyaaraha iyo dhaqamada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Arisonna.


Ugu dambeyntiina, waxaa shihaado sharaf  halkaasi lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay munaasibada, kuwaasi oo loo arkayey in ay waxbadan ka soo qabteen arimaha horumarka bulshada, sida shabakada Hiiraan Online oo loo aqoonsaday in ay dhiirigelisay isla markaana ay tamar gelisay Soomaalida ku nool Arizona,  iyadoo shahaadadaasna uu  guddoomay Cabdiraxmaan Diiriye Nuur  oo ka mid ah Bahda Hiiraan Online.









Cabdiraxmaan D. Nur, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota Minneapolis