May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2012
Wasiirka Maaliyadda Kenya oo sheegay in dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab uu culeys dhaqaale ku keenay

Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Wasiirka maaliyadda Kenya, Uhuru Kenyata ayaa sheegay inaysan Kenya oo keliya bixin karin dhaqaalaha lagula dagaalamayo Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in dagaalkan uu culeys dhaqaale oo weyn ku hayo dalkiisa.

Uhuru KenyataWasiirka oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab uu yahay canshuurta laga soo ururiyo shacabka dalka, isagoo sheegay

"Shaki kuma jiro in dagaalkan uu culeys dhaqaale ku hayo Kenya... kuuma sheegi karo lacagta ku baxda, balse waxaan kuu caddeyn karaa inuu culeys dhaqaale oo weyn jiro," ayuu yiri Kenyata.

Wasiirka oo la taliye u ah ra'iisul wasaaraha Kenya ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in dagaalka ay Kenya ku jirto uu yahay mid aysan keli ku ahayn, balse uu yahay dagaal ay kula jirto koox argagaxiso ah oo khatar ku ah dunida oo dhan.

"Danta ayaa kugu qasbaysa inaad dagaal gasho adigoo aan doonayn... dagaalkan waan ku qasbanaanay waayo waxaa khatar la geliyay dhaqaalaheenna oo ku tiirsan dalxiiska," ayuu yiri Kenyata.

Mr. Uhuru Kenyata oo ka mid ah xubnaha u sharraxan xilka madaxweynimo ee Kenya oo doorashadiisu ay dhacayso sannadkan ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray inay hoos u dhigeen khatartii kaga imaanaysay Al-shabaab oo uu sheegay inay weerarro ka fulin jirtay gudaha dalkeeda, gaar ahaan goobaha dalxiiska.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyada Kenya wuxuu sheegay inay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ka rajeynayaan inay ka taageen dhaqaalaha dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

19/01/2012 3:15 PM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL)- Wefti ka socda hay’adda UNFPA ayaa booqday Cisbitaalka magaaladda Boorama ee Fistula, halkaas oo indho indhayn ku sameeyeen hawlaha kala duwan ee ka socda cisbitaalka. Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL)- Wefti ka socda hay’adda UNFPA ayaa booqday Cisbitaalka magaaladda Boorama ee Fistula, halkaas oo indho indhayn ku sameeyeen hawlaha kala duwan ee ka socda cisbitaalka.

19/01/2012 8:38 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Guddiga caalamiga ah ee la socodka burcad-badeedda ayaa sheegay in burcabadeedda Soomaalida ay tahay khatar ugu weyn ee weerarrada ku haysa maraakiibta dunida isaga gooshta.

19/01/2012 8:03 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Booliiska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta tababar ku saabsan xoojinta ciidanka iyo hoggaamintooda uga furay Muqdisho 96 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya.

19/01/2012 7:36 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug nabadoon Suldaan Siciid Suldaan Cali, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilkaas geystay.

19/01/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta magacaabay guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa kuwaasoo ka kooban sagaal xubnood.

19/01/2012 7:13 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka DAMAL,Md: Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay hawlaha ururka si hoose oo dadka lagu kasbanayo u wadaan, waxaanu xusay inay golaha deegaanka usoo sharaxi doonaan dhalinyaro ka soo shaqeeyey horumarka arrimaha bulshadda.

19/01/2012 5:37 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Qaraxan oo ahaa mid guud si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa ciidamada Itoobiya lagula eegtay xaafadda Howl-wadaag ee galbeedka Baladweyne, gaar ahaan agagaarka halka lagu magacaabo Ceelka Faarax Geeddi.

19/01/2012 3:35 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Hay'adda MSF ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ay xirayso msharuuceeda caafimaad ee ugu weyn oo ay kawadday Muqdisho, kaddib dilalkii laba shaqaalaheeda ka tirsan loogu geystay Muqdisho, laakiin waxay sheegtay inay sii wadayso mashruucyada kale ee Muqdisho iyo gobollada dalka ay kawaddo.

19/01/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Golaha wasiirrada DKMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa in isbedel aan buurnayn lagu sameeyo sidoo kalena lagu soo kordhiyo xubno cusub, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo wax ka bedel lagu sameeyo xukuumadda uu hoggaaminayo, Dr C/weli Maxamed Cali Gaas.

19/01/2012 2:48 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Qaxootigii Itoobiyaanka ahaa ee magan-galyadda u soo doontay Somaliland oo daggan magaalada Hargeysa ayaa qaar ka mid ahi u jiifaan xannuuno kala duwan oo lasoo darista, halka saddex caruur ah ay labaddii cisho ee lasoo dhaafay u geeriyoodeen nafaqo-darro iyo macaluul ku hasatay.

19/01/2012 2:25 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray gudaha iyo daafaha degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ramsiga ah ee ka dhashay dagaalkan.

19/01/2012 2:23 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa barta Twitter-ka ay ku leeyihiin kusoo bandhigtay magacyada iyo sawirrada laba sarakaal oo Kenyan ah oo ay toddobaadkii kasoo qafaasheen deegaanka Gerille ee gudaha dalka Kenya.

19/01/2012 2:17 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Wafdiga ka socda maamulka Awdal State oo baryahan safar ku joogay Muqdisho ayaa waxay kulan la yeesheen wasiirka macdanta iyo biyaha DKMG ah ee Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Dhicisoow.

19/01/2012 2:14 AM EST
Khamiis, Jannaayo 19, 2012 (HOL) − Diyaaradaha dagaalka ee kenya ayaa shalay gelinkii danbe abaaro 5:30 pm duqeymo ka geystay deegaanka Buulo-Xaaji oo 90-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.

19/01/2012 12:00 AM EST
Khamiis January 19, 2012 (HOL) − Hay'adda samafalka ISHARDO SOMALIA (International Society For horn of Africa Relief & Development Operation), ayaa deeq raashin ah ugu qaybisay degmada Hodan ee Zona K ee magaalada Muqdisho qoysas barakacyaaal ah