4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2012
Barnaamijka Hirgelinta Heesaha (Somali Idol) oo Sweden looga dhaqaaqay


Axad, January 15, 2012-Magaalada Västerås ee dalka Sweden ayaa xalay markii ugu horreysay looga dhawaaqay barnaamij la mid ah barnaamijkii heesaha hirgalay ee Soomaaliya balse loo bixiyay “Somali Idol”.

Xaflad si heer sare ah loo soo qaabeeyay oo ay ka qeybgaleen dad si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo saxafiyiin, fannaaniin iyo siyaasiyiin isugu jira iyo dadweyne ka kala yimid magaalooyinka dalka Sweden ayaa barnaamijkan lagu soo bandhigay, iyadoo uu soo agaasimay Ururka Horumarinta, Dhaqanka, Suugaanta iyo Saxaafadda Soomaaliyeed.

Waxaa xafladda ka hadashay Guddoomiyaha Somali Idol Fardowso Shiikh Xasan Kuuriya, waxayna dib uga taariikheysay sidii ay ku timid fikradda sameynta Somali Idol, waxayna xustay in ay fikraddaas aas-aasayaashii Somali Idol ku dhalatay bishii July 2011, gaar ahaan habeenkii lagu xusayay maalinta xornimada Soomaaliya ee 1-da, tan iyo xiligaasna ay soo wadeen dhismaha Barnaamijka Somali Idol.


Fardowsa waxaa kale oo ay xustay in ay qorsheynayaan in ay tartanka barmaamijka Somali Idol ay ku qaban doonaan Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyadoo ay rajaeynayaan in ay kaddibna u sii gudbaan Yurubta kale, ilaa ugu dambeynta ay dib ugu laabtaan dalka Jabuuti oo loo gartay in uu yahay mid xiligan ku habboon in bandhig faneedkaas oo kale lagu qabto.

Barnaamijka Somali Idol waxaa kaloo mas’uuliyiintiisa ka mid ah Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi oo guddoomiye ku xigeen ka ah, C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo isna Guddoomiye ku xigeen labaad ah.


Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi oo hadalkiisa uu u badnaa hadal suugaaneed ayaa ka hadlay madashii lagu soo bandhigayay Barnaamijka Somali Idol, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in la sameeyo barnaamijkan oo kale, wuxuuna xusay in markii dalka Soomaaliya nabadda ahaa uu jiray barnaamij la dhihi jiray heesaha hirgalay, kaasi oo ay ku soo bixi jireen fannaaniin Soomaaliyeed oo ku jirto hibada fanka, isagoo xusay in uu ka mid ahaa guddiyadii barnaamijkaas hirgelintiisa wax ku lahaa.

C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo Saxafi iyo Siyaasi isku ah ayaa isna ka hadlay madasha, wuxuuna sheegay in barnaamijkan Somali Idol uu noqon doono mid kaalin weyn ka ciyaara horumarinta Fanka Soomaaliyeed, bacdamaa uu dalka Soomaaliya dhan kasta u burburay fanka oo qiimo weyn ugu fadhiya dadka Soomaaliyeedna uu ka mid yahay meelaha burburka lixaadka leh uu ku dhacay.


C/raxmaan Diinaari wuxuu soo dhaweeyay in Jabuuti lagu qaban doono qeyb ka mid ah barnaamijka, wuxuuna caddeeyay in dalka Jabuuti la dhihi waa dalkii oo hooyo ee Soomaaliya oo kale, isla markaana ay ka jiraan fursado badan oo ku aaddan dib-u- soo nooleynta fanka Soomaaliyeed.


C/qaadir Maxamuud Walaayo oo isna Suxufi iyo Siyaasi isku ah ayaa isna ka hadlay xafladdii lagu soo bandhigayay Barnaamijka Somali Idol, wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay in barnaamijkan la qabto, kaddibna wuxuu dib ugu laabtay fanka iyo suugaanta iyo  kaalinta ay ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, maadaama dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad murti iyo af-maal ah oo suugaanta wax isugu sheega, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay burburka ku dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Fanka.

Al-Fannaan/Qoraa Bashiir Cali Xuseen ayaa isna ka hadlay madashii xalay, wuxuuna Bashiir soo dhaweeyay barnaamijkan bacdamaa uu isaguba ka mid ahaa fannaaniintii Soomaaliyeed ee ku soo baxay barnaamijkii heesaha hirgalay ee Soomaaliya. Waxaa uu xusay Bashiir in ay arrintan tahay mid loo baahnaa in xilli hore la sameeyo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in hirgelinta barnaamijkan uu Bashiir ahaan qeyb weyn ka qaadan doono.


Waxaa kaloo Xafladda ka hadlay C/salaan Axmed Jimcaale, Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur, C/llaahii Iimaan, guddoomiyaha jaaliyadda Katrineholm iyo qaar kale oo Barnaamijka Somali Idol mid ah.

Waxaa xusid mudan in isla xalayba ay tijaabo ahaan barnaamijka Somali Idol isugu tijaabiyeen seddex dhalinyaro ah (Gabar iyo 2 Wiil), kuwaasi oo heeso tijaabo ah qaaday, isla markaana codsaday in la dhiirigeliyo fankooda bacdamaa ay cusub yihiin isla markaana ay doonayaan in ay ka mid noqdaan tartamayaasha ugu horreeya.

Dhanka kale,  waxaa madasha heeso cajiib ah ka qaaday fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Xabiib Sharaabi, Bashiir Cali Xuseen, Feysal C/raxmaan  C/casiiss iyo Maxamed Yare iyo weliba DJ, Bashiir Maxamed Cusmaan (Bashka), iyadoo  sidoo kale ay halkaasi ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigeen kooxda Banaadir Midnimo ee magaalada Goteberg.

Barnaamijka Somali Idol ayaa wuxuu yahay mid la doonayo in ay ku soo baxaan fannaaniinta aan weli soo shaac-bixin ee doonaya in hibada faneed ee ku jirta ay bannaanka timaado, wuxuuna noqon doonaa mid ka qeybgalayaasha tartanka aysan masraxa la soo fuulin heeso fannaan kale.

DAAWO MUUQAALKA MUNAASABADDA





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]