May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2012
Madaxa Ergayga Yurub ee Geeska Afrika oo ku hanjabay in haddii aan laga Shaqeyn Nabadda aysan dhaqaale bixinayn

Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos oo shalay booqasho ku tagay Muqdisho ayaa u sheegay Reuters in madaxda Soomaalida looga baahan yahay inay horay u wadaan geeddi-socodka nabadda hadii ay dhici waydana la joojin doono dhaqaalaha la siiyo.

Mr. Rondos ayaa sheegay in marka laga soo tago guulaha ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, haddana beesha calaamku ay dareemayso dabacsanaan ka jirta dib u habaynta hayadaha DKMG ah oo uu muran iyo musuqmaasuq hareeyay.

"Inta iska fariisano lacagta ma bixinayno, haddii ay dadka qaarkood geedi-socodka nabadda ay carqaladeeyaan waxaan ku darsanaynaa xisaabta, waana arrin haboon haddii aan niraaho go’aan ayaan qaadanaynaa," ayuu yiri Rondos.

"Waa inuu dhammaado dhaqantii isla xisaabtan la'aanta," ayuu ergaygu hadalkiisa ku daray, kaddib booqshadii uu Muqdisho ku tagay shalay oo ahady tii ugu horreysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay kowdii Jannaayo.

Ururka Midowga Yurub ayaa ah deeq-bixiyaha ugu weyn Soomaaliya iyagoo lacag gaarysa hal bilyan oo doollar ku bixiyay inta u dhexeysa 2008 illaa 2013 sidii loogu fulin lahaa arrimo la xiriira: maamul-wanaagga, waxbarashada, tababarka booliiska, mushaarka ciidamada AMISOM iyo ka hortagga falalka burcadbadeednimo.

Ergayga oo u dhashay dalka Giriigga ayaa sheegay in Midowga ay doonayso inay ku qanacdo howlaha lagu qabto lacagaha ay bixinayso, isagoo xusay in hadii aan wax laga qaban sugida nabadgelyada inta sanadka lagu jiro ay joojinayaan lacagtaas.

Ugu dambeyn, Rondos wuxuu sheegay in madaxda Soomaalida uu u sheegay inaysan siyaasad ahaan oranayn waan joojinay wixii aan bixin jirnay, balse ay adeegsan doonaan sharciyo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

09/02/2012 12:43 PM EST
Khamiis, Feberaayo 09,2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa galabta xilkii taliyaha Milatariga ka qaaday Gen: Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Abaanduulihii Ciidanka Milatariga Md:Ibraahin Caydiid Axmed , isla markaana u magacaabay taliye cusub Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) iyo Abaandule cusub Cabdilaahi X. Jaamac (Calas).

09/02/2012 12:14 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 09, 2012 (HOL)-- Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban qaabisay hay’adda CCD, oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan ayaa maanta lagu soo qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

09/02/2012 7:26 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey madaxweynuhu oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey kullamo uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya.

09/02/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Shirkii caadiga ahee ee golaha wasiirrada DKMG ah oo maanta uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arimaha amniga, laguna dhageystay warbixin ku saabsan safarkii ra’iisul wasaaraha, qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay iyo weliba barnaamijka ka guurista guryaha dowladda.

09/02/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ciidamada AMISOM ayaa waxay si isku mid ah u cambaareeyeen qaraxii lagu dilay dadka badan ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyagoo xusay inuu ahaa mid aad looga naxo

09/02/2012 7:17 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay inay Muqdisho ka fulinayaan mshaariic ay ku kacayso lacag gaaraysa 4.5-milyan doolar, kuwaasoo isugu jira dhismaha iskuullo, saldhigyo booliis, isbitaallo, wasaarado iyo xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

09/02/2012 7:17 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − In ka badan 150-Oday dhaqameed oo daggan Muqdisho ayaa maanta loo qabtay seminaar halku-dhigiisu ahaa "Sidee loo dhiirigelin karaa nabadda, ammaanka iyo xasiloonida bulshada Soomaaliyeed" oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda UYS.

09/02/2012 3:03 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Guddiga joogtada ah ee ururka jaamacadda carabta ayaa lagu wadaa inay qabtaan shir deg-deg ah 19-ka bishan Feberaayo kaasoo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya.

09/02/2012 3:01 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay munaasabad qalin-jebin ahayd oo lagu soo gaba-gabeynayay barnaamij lix bilood socday oo ururka SYL II uu tababarro xirfadeed, dhaqan-celin iyo wacyi gelin ku siiyay 500-arday ah.

09/02/2012 2:59 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Wasiirka caafiamadka DKMG ah ee Soomaaliya, C/casiis Sheekh Yuusuf oo ka hadlayay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inuu ahaa qarax lagu dilay dadka badan oo shacab ah.

09/02/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayso qaraxyada ay la beegsanayso xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho, kaddib markii ay sheegteen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay baar shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.