Weerar lagu dilay Tiro ka mid ah ciidamada Puntland oo saakay aroortii hore ka dhacay deegaan ku dhow degmada Boosaaso

Talaado, Feberaayo 14, 2012 (HOL) − Wararka laga helayo degmada Boosaaso gobolka Bari ee Puntland ayaa waxay sheegaeyaan in dagaal ka dhacay sakaay aroortii hore deegaan lagu magacaabo Sugurre oo 40-km koonfur kaga beegan Boosaaso uu sababay dhimashada askar badan oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Xoogagga weerarka soo qaaday oo la sheegay inay taabacsan yihiin Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ah wadaad-diimeed dagaal kula jira Puntland, waxaana weerarkaas lagu dilay 17 ka mid ah askarta booliiska Puntland, inkastoo dowladda Puntland aysan weli ka hadlin weerarka.

"Weerarka waxaa lala beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland oo ku yaalla Sugurre khasaare badan ayaa kasoo gaaray weerarka, deegaankana waxaaa muddo kooban la wareegay ciidamada xoogagga weerarka soo qaaday," sidaa waxaa saxaafadda u sheegay mid ka mid ah saraakiisha Puntland oo magaciisa ka gaabsaday.

Lama oga khasaaraha kasoo gaaray xoogaggii weerarka qaaday dagaalka, inkastoo uu muddo kooban socday dagaal, waxaana weerarkan lagu laayay askarta Puntland uu imaanayaa xilli shalay uu wasiirka ammaanka Puntland sheegay inay howlgal ay ka sameeyeen buuraha Golis kusoo qabteen nin la dhashay Sheekh Maxamed Siciid Atam.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow goobta la weeraray ayaa sheegay in salaaddii subax ee saakay kaddib ay maqleen dagaalka, waxayna xuseen in laga dareemayo hadda deegaankii uu dagaalku ka dhacay dhadhaqaaqyo ciidamada oo ay wadaan ciidamada Puntland.

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxay tan iyo bartamihii sannadkii 2010 ay dagaa kula jirtay ciidammo taabacsan wadaad-diimeedka Atam oo ciidamo ku haysta buuraha Golis ee Puntland.

Inkastoo maamulka Puntland uu horay u sheegay inay ka takhaluseen xoogaggii ka amar-aadanayay Sheekh Maxamed Atam ayaa haddana wuxuu weerarkani muujinayaa inaysan weli burburin oo ay khatar ku yihiin maamulka Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya