5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2012
Madaxweynayaasha Hiiraan State iyo Middle Shabelle State oo isku raacay inay hal maamul ku midoobaan (SAWIRRO)


Sabti, February 11, 2012(HOL): Xaflad ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne ah oo lagu qabtay hotelka Andulus ee magaalada Nairobi ayaa looga dhawaaqay in la isku daray maamullada Hiiraan State iyo Middle Shabelle State (Shabeellaha dhexe) oo ay kala hogaamiyaan Maxamuud Cabdi Gaab (Hiiraan State) iyo Cali Madaxey Jawle (Middle Shabelle State).

Waxaana ay sheegeen kadib wadohadallo dheer inay ku heshiiyaan samaynta hal maamul goboleed oo waafaqsan dastuurka federaaliga ah oo dhigaya in labo gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan maamul goboleed.


Madaxweynaha Hiiraan State Maxamuud Cabdi Gaab ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan horumarka dadka ku nool labadaasi gobol, iyagoo hoostagi doona dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweynaha Shabeellaha dhexe Cali Madaxey Jawle ayaa tilmaamay inay go’aankan qaateen iyagoo fiirinaya rabitaanka shacabka ku dhaqan labadaasi gobol oo uu ku sheegay inay yihiin dad is jecel oo waligoodba uu ka dhexeeyay wada noolaansho wanaagsan.


Xaflada ayaa waxaa ka hadashay xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalle oo ku tilmaantay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kuwa ugu khayraadka badan dalka, lagana sugayo inay khayraadkooda wax ka siiyaan Soomaalida kale.

Xildhibaanada ayaa ku boorrisay hogaamiyayaasha maamuladan isku biiray inay dhowraan xuquuqda haweenka oo ay siiyaan kuraas badan si loo ilaaliyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin siyaasada iyo horumarka.

Aamino Shariif oo kamid ah haweenka aqoonyahanka Soomaaliyeed oo kulankaasi ka hadashay ayaa jeedisay khudbad qiiro leh oo ay uga digtay Soomaalida sii socoshada nidaamka 4.5 oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid ay Soomaalidu dhexdeeda isku gumaysanayso.

Aamino waxaa ay sidoo kale dhaliishay maamul goboleedyada ku sii badanaya dalka oo ay ku sheegtay inay tahay qabyaaladii oo la casriyeeyay.

Hogaamiyayaasha Hiiraan State iyo Shabeellaha dhexe ee isku biiray ayaa labaduba ah maamulada wadanka dibadiisa looga dhawaaqay ee aan ku sugnayn gudaha dalka Soomaaliya.









Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya