Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Dec 9 , 2012
Afhayeenka AMISOM iyo Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay Qabsashada Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellad Dhexe
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay gudaha u galay degmadaas oo ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab, waxaase qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen saldhigga booliiska iyo buundada degmada iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
"Saakay ayaan la wareegnay gacan ku haynta degmada Jowhar; hadda waxaa lagu jiraan sugidda ammaanka," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo la hadlay warbaahinta, isagoo intaas ku daray: "Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isbarbar-socda ayaa galay degmada, waxaa dhacay dagaal kooban."
Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa isaguna u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay xoogaggoodu ka baxeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo ka bixitaankooda ku sheegay xeelad dagaal.
"Dagaalyahannadeenna xeelad dagaal ayaa uga saarnay Degmada Jowhar," ayuu yiri Abuu-Muscab, isagoo intaas ku daray: "Cadowga waxaan ku ugaarsan doonnaa gudaha iyo dibadda Jowhar."
Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa qabshada degmada Jowhar ku tilmaamay arrin weyn, isagoo sheegay inay la wareegeen saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahayd bartamaha Soomaaliya.
"Qasashada degmada Jowhar waxay nagu hoggaaminaysaa inaan sugno ammaanka dadka ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka," ayuu yiri taliyaha AMISOM, Jen. Gutti. "Ciidamadeenna isku dhafka ah hadda waxay gudaha degmada ka sameysteen difaacyo, dadkana degmadana waxaan ugu baaqaynaa inay is-dejiyaan."
Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmada Mahadaay ee Shabeellada Dhexe oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar, iyadoo taasina ay u sahashay ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM inay qabsadaan garaoonka diyaaradaha ee Jowhar oo dhinaca waqooyi ee degmadaas ku yaalla.
Ciidamada AMISOM ayaa waxay horay uga qabsadeen degmooyin ay Al-shabaab awood badan ku lahayd, kuwaasoo ay ka mid tahay Kismaayo oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xisbiga KULMIYE oo iska fogeeyay inay ku shubteen Codadkii Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland
12/9/2012 7:25 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay in xisbigiisu uu ku shubtay codadkii doorashada Somaliland ee bishii hore dhammaadkeeda la qabtay, isagoo sheegay in haddii ay cabsho jirto loo baahan yahay in laga dacwoodo maxkamadaha dalka.
Boqollaal Qof oo lagu Qab-qabtay Howlgallo ay Ciidamada Booliska Kenya ka Sameeyeen Xaafadda Islii - Nairobi
12/9/2012 6:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran oo ay shalay ilaa xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ku qab-qabtay in ka badan 300 oo qof oo u badan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo si Rasmi ah ula Wareegay Gacan ku haynta Magaalada Jowhar
12/9/2012 3:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe; kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah.
Xoogaggii Ururka Al-shabaab oo isaga baxay Jowhar iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku Wajahan Degmadaas
12/9/2012 2:03 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas iyadoo sii daayay maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.
Bambaano lagu weeraray Shineemo Aflaam iyo Ciyaaro laga Daawanayay oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac
12/9/2012 1:51 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay ku dhawaad shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bambaano xalay fiidkii lagu weeraray shineemo Muqdisho oo ku taalla degmada Wadajir, xilli halkaas lagu daawanaya ciyaaro iyo filimaan kale.
Somali News
AU, Somali troops capture Islamist stronghold
-
AFP
12/9/2012 7:29 AM EST
Nairobi: African Union troops and Somali forces seized the formerly Islamist-held town of Jowhar on Sunday, wresting control of one of the largest remaining towns held by the Al Qaida linked Al Shabab, officials said.
Friends shocked after York University student shot in alleged home invasion
-
Toronto Star
12/9/2012 7:26 AM EST
Friends of a York University student killed in an alleged Mississauga home invasion early Friday are shocked by his sudden death.
President Welcomes Japans Direct engagement with Somalia.
-
OFP
12/9/2012 7:23 AM EST
(Mogadishu, Somalia, December, 08, 2012) The President of the Federal Republic of Somalia H.E. Hassan Sheikh Mohamud welcomed Japan’s decision to directly support the government of Somalia.
Sudanese extremist cell members planned to fight in Somalia
-
ST
12/9/2012 7:20 AM EST
December 8, 2012 (KHARTOUM) – Members of an extremist cell uncovered in East Sudan were planning to travel to Somalia and join ranks of Islamic insurgents there, Sudan Tribune has learned.
Northern Fleet ship to reinforce anti-piracy mission near Somali coast in January
-
RBTH
12/9/2012 7:19 AM EST
The Severomorsk anti-submarine ship from the Russian Northern Fleet in January will join a tactical unit of the Pacific Fleet ships, which is to start performing an anti-piracy mission near the Somali coast within the next few days, a Russian Navy Main Staff spokesperson told Interfax-AVN on Saturday.