4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in Hay'ad Turki ah ay dib u dhis ku sameynayso Waddooyinka Magaalada Muqdisho
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hay'adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga [TIKA] ay dib u dhis ku sameyn doonto waddooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.


Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hay'adda TIKA ay hadda waddo qorshe ay ku hagaajinayso meelihii ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo ay burburiyeen roobabkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka da'ay iyo bullaacado ku yaalla degmada Yaaqshiid.

"Hay'adda TIKA waxay billowday inay dib u dhis ku sameynayso marsha-biyeedka wadadda isku xirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo madaxtooyada, waxayna sidoo kale dayactir ku sameynaysaa biyo fariisin ku yaalla inta u dhexeysa KM-4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho," ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in haya'ddu ay degmada Yaaqshiid ka waddo sameynta bullaacado ay biyuhu maraan oo aan wax dayactir ah helin 20-kii sano ee u dambeysay, isagoo xusay in sannadka soo socda si rasmi ah loo billaabi doono dhismaha waddooyinka Muqdisho.

"Muqdisho waxay la mataanowday magaalada Istabuul ee dalka Turkiga, waxaana ay dowladda Turkigu ballaanqaaday inay dib u dhis ku sameynayso caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan waddooyinka gaaraya 36-km, bullaacadaha biyaha qaada iyo weliba marsha-biyoodyada ay dadku maraan," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Hadalka afhayeenka gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha dalka Turkiga, Cabdalla Gul uu sheegay maalin ka hor in dowalddiisu gacan ka geysanayso sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya