3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Maamulka Gobolka Bay oo Xabsiga dhigay sarkaal u shaqeynayay Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FOA
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, kaasoo ciidamada Baydhabo ay xalay kala baxeen gurigiisa.

Sarkaal ka xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo, Idiris Cabdi Dhakhtar ayaan la ogeyn sababta xabsiga loo dhigay inkastoo wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan in maanta ay socdaan dadaallo lagu sii daynayo.

"Idiris wuxuu ahaa khabiir dhinaca beeraha ah, waxaana xalay lagala baxay gurigii uu ka degenaa degmada Baydhabo, lama oga sabab loo xiray," ayuu yiri sakaal ka tirsan ha'yadaha Qaramada Midoobay oo la hadlay HOL.

Maamulka gobolka Bay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xariga sarkaalkan, balse mas'uuliiin maamulka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in sakaalka uu xiran yahay, balse way diideen inay sheegaan halka lagu hayo.

Xarigan sarkaalkan ka tirsan FAO ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo hay'addan ay dalbatay lacag ka badan 44 bilyan oo dollar si loogu caawiyo saddexda sano ee soo socota Soomaalida baahan, kuwaasoo ku sugan gudaha dalka iyo xeryaha qoxootiga.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa horay dhowr jeer loogu xiray saraakiil ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo aqoonyahanno kale, kuwaasoo markii dambe lasii daayay, iyadoo maamulka uusan sheegin sababta loo xiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/6/2012 10:42 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Shirkadda Diyaaradaha ee Oday express ayaa shaacisay in ay bilowday duulimaad joogto ah oo ay ku tagi doonto magaalada Beledweyne, iyadoona shirkadda ay markii ugu horeeysay shalay ka degtay garoonka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/6/2012 8:15 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku mamnuuceen ka ganacsiga hubka iyo direyska ciidamada, iyagoo sidoo kalena isku raacay in dib looga billaabo dekedda Muqdisho dhoofka xoolaha.

12/6/2012 7:52 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-jazeera ku sheegay inuu doonayo in wadahadallo uu la furo dalka ay dariska yihiin ee dalka Eritrea oo 12 sano uu kala dhexeeay dagaal ay ku dhinteen 70,000 oo qof.

12/6/2012 7:23 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxda kubadda cagta ee dalka Eritrea iyo dhakhtarkooda ayaa weydiistay dowladda Uganda magangalyo, iyagoo sheegay in haddii ay dalkooda ku laabtaan ay ka baqayaan inay xaalad khatar ah la kulmaan.

12/6/2012 7:00 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof oo u badan haween ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo ciidamada dowladda ay markiiba halkaas howlgal ka billaabeen.

12/6/2012 5:13 AM EST
Khamiis, December, 06, 2012 (HOL) -- Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay rag hubeysan ku toogteen magaalada Baladweyne guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade, ciidamada maamulka gobolka iyo AMISOM waxa ay ku howlanaayeen sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada.

12/6/2012 3:57 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan waaaxda California ee xaafadda Islii ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todobo kale.

12/6/2012 2:27 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Guul ayaa ku dhawaaqay Arbacadii shalay in shacabka iyo xukuumadda dalka Turkiga ay siin doonaan Soomaaliya taageero weyn oo dib loogu dhisayo, si ay beesha caalamka ugu noqdaan tusaale.

12/6/2012 2:21 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa xalay fiidkii kulan looga hadlayay ammaanka ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay AMISOM.

12/6/2012 2:20 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Dadweynaha reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyey is-waydiinayey urur waliba gobolada codadka uu ka helay iyo inta musharax ee usoo baxday, ayaa waxa iska soo daba dhacaya degmooyinkii u dambeeyey natiijadii ay ururadu iyo xisbiyadu ka haleen.

12/6/2012 2:12 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Muqdisho nabaddoon iyo haweeney rayid ah, iyadoo dilka nabaddoonka la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo ay markii dambe u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.