4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Madaafiic khasaare geystay oo xalay ku dhacay Degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir

Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay madaafiic xalay ku dhacay degmooyinka Boondheer iyo Wardhiigley oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe xilli dadku ay hurdayeen, iyadoo laga maqlay magaalada inteeda badan hugunka madaafiicda, mana jiraan warar kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaailya oo ku saabsan duqeymahan.

"Shan qof hal qoys kasoo jeeda ayaa ku dhaawacmay degamda Boondheere, kaddib markii hoobiyeyaal ay ku dhaceen gurigii ay ku noolaayeen, qaarkood xaaladdooda waa mi daran," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Boondheer oo magaciisa ku soo koobay Cali Nuur.

Madaafiicda xalay ku dhacday degmooyinkan ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxay tiradoodu ahayd shan, waxaana ay imaanayaa xilli ay hay'adaha ammaanku ka wadeen Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay howlgallo lagu adkeynaya ammaanka.

Bar Internet oo taageerta Al-shabaab ayaa lagu daabacay in xalay illaa toddoba madfac ay ku weerartay Al-shabaab xarunta madaxtooyada, qaarkoodna ay gudaha u galeen xarunta, inkastoo aysan sheegin khasaare ay dhaliyeen.

Duqeyntan ayaa waxay imaanaysaa xilli ay Al-shabaab sheegtay inay xoojinayso howgallada ay kawaddo magaalada Muqdisho ee ay uga soo horjeeddo dowladda, xilli ay bartamihii sannadkii hore isaga baxeen degmooyinka gobolka, balse waxay inta badan sheegaan inay weli xubno u joogaan Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay tan iyo markii lasoo doortay madaxda dowaldda cusub ee Soomaaliy oo duqeymo caynkan oo kale ah lala beegsado xarunta madaxtooyada, iyadoo la xusuusto in intii uu xilka hayay madaxweynihii hore dhowr jeer duqeymo lala eegtay madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood ku dhacay kaamam ay ku jireen dad barakacayaal, kuwaasoo ay gaareen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya