4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Dowladda Seychelles oo maamulka Puntland kusoo wareejisay maxaabiis horay loogu xukumay Burcad-badeednimo


Talaado, December 04, 2012 (HOL)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa maanta laga soo dejiyey 5 maxbuus oo in muddo ah ku jirey xabsi ku yaalla Seychelles, kadib markii ay maxkamadi ku riddey xukunno kala duwan oo la xiriira falal Burcad-badeednimo oo ay ku lug lahaayeen.

 

Raggan oo diyaarad gaar ah lagu keenay, waxaa gudaha garoonka kula wareegey mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid ahaayeen Taliyaha ciidamada asluubta Gen. Cali Nuur iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekedaha, gaadiidka badda iyo ladagaalanka Burcad-badeeda.

 

Shantan nin oo labo kamid ahi ay kasoo jeedaan deegaanada Puntland, sadexda kalena ay kasoo jeedaan gobollada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan in ay dalkooda hooyo mar kale dib ugu soo laabtaan, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin muddo dheer kadib in ay ciidooda soo caga dhigtaan.

 


Taliyaha ciidamada asluubta Puntland Gen.Cali Nuur oo isagu soo wareejinta raggan warbaahinta uga warbixiyey, ayaa sheegay in arintani ay qayb ka tahay heshiis ay horay u galeen maamullada ka jira Soomaaliya iyo qaar kamid ah dalalka ay ku xiran yihiin dadka loo qabtay falalka la xiriira Burcad-badeednimada.

 

Gen. Cali Nuur ayaa intaas raaciyey in ujeedada maxaabiistan dhinaca Puntland loo keenay ay tahay sidii ay inta xukunkooda uga dhiman dalkooda ugu qaadan lahaayeen, maadaama ay ku jiraan qaar muddadii ay dalka Seychelles ku xirnaayeen xabsiga aad ugu xanuunsaday.

 

Dhinaca kale waxaa isla maanta madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole -oo weli magaalada Boosaaso ku sugani uu xarigga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyey xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Qaybtan ayaa ah mid loogu tala galay in lagu xiro Burcad-badeed 40 qof kor u dhaafaya oo shanta maanta la keenay ay ugu horreeyaan.

 


Wuxuuna madaxweynuhu sheegay in arintani ay faa'iido weyn u tahay qoysaska ay raggani kasoo jeedaan, isagoo xusay in si wanaagsan loola dhaqmi doono, muddada ay xabsiga ku jiraanna loo sameyn doono dhaqan celin; si marka la sii daayo ay bulshada ula jaan qaadaan.

 

Waa markii ugu horeysey oo maxaabiis u xiran arimo Burcad-badeednimo oo dalka dibaddiisa lagu xukumay lagu soo wareejiyo Puntland, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli isla maanta sidan oo kale maamulka Soomaaliland loogu wareejiyey 9 nin oo iyaga laga keenay dhinaca Seychelles.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya