Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Dec 31, 2012
Al-shahaab oo sheegtay inay Gobolka Shabeellada dhexe kula dagaalamayso Ciidamada Dowlada iyo AMISOM
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo bishan looga qabsaday dagaal la'aan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay ku weerarayaan degmooyinka gobolkaas ee ka maqan gacantooda, iyagoo sheegay in gobolka uu galay xaalad dagaal.
Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-tukade) oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay inay qorsheynayaan weerarro ay la beegsadaan ciidamada ku sugan degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM.
"Xaaladda gobolka Shabeellada dhexe waa mid dagaal waxaana wadnaa qorshe aan ku weerarayno deegaannada ay cadowgu kaga sugan yihiin, sida degmooyinka Jowhar iyo Balcad iyo weliba inta u dhexeysa," ayuu yiri Sheekh Kaba-ku-tukade.
Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerarrada ay qaadayaan ay noqon doonaan kuwo ay ku dhiig-bixinayaan ciidamada deegaannadaas ku sugan oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku soo duulay dalka iyo isku xukunka diinta Islaamka.
"Dhawaan gobolka Shabeellada dhexe waxaa ka billaaban doona dagaallo ugu dambeyn lagu qaban doono Xamar, waxayna dagaalladeennu noqon doonaan kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah iyo kuwo toos ah," ayuu yiri hadalkiisa ku daray.
Dowladda Soomaaliya ayaan wax hadal ah kasoo saarin hanjabaadda Al-shabaab ee ah inay weerarro toos ah iyo kuwo dadban la beegsan doonto ciidamdooda ku sugan gobolka Shabeellada dhexe.
Tan iyo markii uu billowday sannadkan waxaa xoogagga Al-shabaab lagala wareegay deegaanno badan oo ay xoog ku lahaayeen; kuwaasoo ay ka mid yihiin Baydhabo, Baladweyne, Xudur, Kismaayo iyo Marko.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xiisad Dagaal oo ka taagan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
12/31/2012 7:46 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) —Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Xarakada Al-shabaab.
MADAXWEYNE SIILAANYO "Doorashooyinkii dalkeena ka dhacay waxay noo soo jiideen sumcad uu Caalamku noogu Hambalyeeyay"
12/31/2012 7:39 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa sheegay inay si xor oo xalaal ah u dhacday doorashadii golaha deegaanka ee bishii November 28 ka dhacday dalka, waxaanu tilmaamay inay sumacadii Somaliland doorashadaasi kor u qaaday.
Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorame oo keenay khasaare Nafeed iyo Madaxda dhaqanka oo nabad ku baaqay
12/31/2012 7:35 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, ilaa saddex kalana way ku dhaawacmeyn Mudaharaad balaadhan oo shalay ilaa xalay fiidkii ka socday magaaladda Boorame, kaas oo lagaga soo horjeeday farogelin ay sheegeen inay xukuumaddu ku hayso doorashadda golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
Hillary Clinton oo Isbital la dhigay kadib dhaawac madaxa kasoo gaaray
12/31/2012 6:26 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Xoghayaha arimaha dibadda dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa la dhigay isbital ku yaal magaalada New-york ee dalka Mareykanka kadib markii la ogaaday in dhiig xijiro ah uu u fariistay madaxa.
Cudur halis ah oo ay keento Kaneecada oo ka dillaacay Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya
12/31/2012 4:42 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka dillaacay cudur halis ah oo wata qandho daran, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay dagaal kula jiraan sidii cudurkaas ay u xakameyn lahaayeen.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dalbaday Xukuumadda inay u soo gudbiso tirada ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah
12/31/2012 1:42 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiistay xukuumadda Soomaaliya inay soo gudbiso tirada ciidamada dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah ee mushaarka la siiyo, iyadoo dalabkan uu imaanayo xili mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya ku shaqeynasyso sannadka soo socda 2013.
Ahlusunna oo shaacisay inay ciidamadeeda geilysay heegan buuxa baaqna u dirtay Dowladda Soomaaliya
12/31/2012 1:40 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen shir muddo toddobaad ah uga socday magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxay ku sheegeen in heegan buuxa la geliyay ciidamadooda, isla markaana la siinayo tababrro ay uga mid noqdaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Somali News
EU Naval Force Warship BNS Louise Marie Once Again Apprehends Suspect Pirates at Sea
-
EU NAVFOR
12/31/2012 10:20 AM EST
Just 12 days after EU Naval Force warship BNS Louise Marie apprehended five suspect pirates at sea off the Somali Coast, the Belgium frigate has once again located a suspect skiff - this time with three men on board.
Tour helps ease immigrants' worries about school menus
-
Star Tribune
12/31/2012 12:36 AM EST
Learning how foods are prepared and what goes into them, as well as getting tips on nutrition, was eye-opening for Somalis.
Dulles CBP seizes over 213 pounds of khat in air cargo
-
Examiner
12/31/2012 12:33 AM EST
According to a CBP press release dated Dec. 28, 2012, the U.S. Customs and Border Protection officers seized over 213 pounds of khat that was shipped as air freight from Doha, Qatar to Washington Dulles International Airport.
UP sailor freed by Somali pirates gets his ‘second life’
-
Indian Express
12/31/2012 12:30 AM EST
Santosh Yadav of UP’s Ballia district is among five Indians who have been freed from the captivity of Somali pirates after 33 months.
Mandera Disease outbreak
-
HOL
12/31/2012 12:25 AM EST
Hundreds of people have reportedly been affected by Dengue fever in Mandera County in northern Kenya.