Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Dec 27, 2012
Siminnaar ku saabsan sidii wax loo bedeli lahaa dhaqamada xun ee colaadaha laga dhaxlay oo Muqdisho lagu qbatay
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Siminnaar ku saabsan sidii dhaqamada xunxun iyo colaadaha loogu bedeli lahaa dhaqanka nabadda iyo tubta toosan ayna ka qayb-qaadanayeen dhallinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho.
Siminaarkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay'adda Somali Women Development Organisation ee loo yaqaan (SOWDO) isla markaasna ay gacan ka geysatay hay'adda Somali Intelectual Banadir Region Organisation oo xarunteedu tahay dalka Sweden ayna maal-gelisay hay'adda lagu magacaabo Forum SYD.
Tababarkan ayaa waxaa loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatooyinkii 22-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhashay dagaaladii sokeeye iyo colaadihii is daba-joogga ahaa ee raadka weyn ku yeeshay dhaqanka iyo nabadda Soomaaliya.
Madaxa hay'adda SOWDO, Faaduma Cabdullaahi Macallim Axmed oo khudbad ka jeedisay furitaankii seminaarka ayaa sheegtay in ujeeddada loo qatay siminnaarkan ay tahay sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilal iyo gabdho ee dhaqankoodu ku doorsoomay dhibaatooyinkii dalka soo maray muddadii ay jireen dowlad la'aanta iyo colaadaha.
"Tababarkan wuxuu socon doonaa inta u dhexeysa 27-ka December 2012 illaa 02-da Jannaayo 2013-ka, waxaana loogu talogalay inuu ka kala dhaco magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Mudug si dhallinyarada looga wacyi-geliyo inay bedelaan wixii dhaqan-xumo ah oo ay ka dhaxleen colaadaha Soomaaliya ka dhacay, waxana u jeedinaynaa mahad-gaar ah hay'adihii gacanta ka gaystay iyo kuwii maal-geliyay siminnaarkan," ayay tiri Faadumo.
Sidoo kale, waxaa furitaanka siminaarka ka hadlay, Axmed Maxamed oo ah madaxa hay'adda Somali Intelectual Banadir Organisation oo fadhigeedu yahay Sweden, isagoo xusay in siminaarkaan ay soo billaabeen toban sano ka hor si wax looga qabto dhibaatooyinka ay keeneen dagaallada sokeeye sida xad-gudubyada, dilalka, kufsiga iyo ku-tumashada xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay in siminaarka uu muuhimad ballaanran u leeyahay dhallinyarada.
Ugu dambeyn, madaxa hay'adda Somali Intelectual Banadir Organisation wuxuu xusay in tababarkan uu fursado shaqo u abuuri karo dhallinyarada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii gaaray 22-kii sano ee lasoo dhaafay; isla markaasna looga gudbi lahaa wadiiqooyinka xunxun si ay cagta u saaraan waddada nabadda kana qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Puntland iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo Booqday Jaamacadaha Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]
12/27/2012 4:02 PM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta booqday qaar kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Boosaaso.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal: "Nabaddoonnada Puntland waxay ka mud yihiin dadka, cid sharciga ka weynina ma jirto"
12/27/2012 3:57 PM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL)- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay xarigga nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo ay dhowaan ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen.
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo si Heer sare ah loogu soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)
12/27/2012 12:37 PM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) —Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose, iyadoona wafdiga ay si diiran degmadaasi ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo Maalintii labaad Muqdisho ka sameeyay howgallo lagu qabqabtay kooxo hubeysan
12/27/2012 7:48 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalintii labaad maanta howgallo lagu qabqabanayay kooxaha hubeysan ee dhibaatooyinka ka geysta caasimada ka fuliyay Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Afrika Nelson Mandela oo laga saaray Isbitaal looga daweynayay Xanuun
12/27/2012 7:22 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa laga saaray xalay isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria oo looga daweynayay xanuun kaga dhacay sambabada loogana saaray dhagaxaan kilyaha kaga jiray, isagoo la geeyay gurigiisa si uu ugu nasto.
Isku-tagga Hay'adaha ka shaqeeya Howlaha Bani'aadamnimada Soomaaliya (SHOC) oo kulan ku yeeshay Muqdisho
12/27/2012 6:55 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Hay'adahan oo ka kooban 45 hay'adood oo maxalli ah ayaa 35 ka mid ah waxay kulan ballaaran ku yeeshay shalay oo Arbaco ahayd magaalada Muqdisho, kaasoo ay kaga hadleen arrimo quseeyay gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya.
Qarax ka dhacay Magaalada Mandheera iyo dab khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay Suuqa Xerada Qoxootiga ee IFO
12/27/2012 6:21 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku dhaawacantay qarax xalay lala beegsaday goob lagu caweeyo oo ku taalla agagaarka saldhigga booliiska magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo sidoo kale uu dab khasaare hantiyeed geystay uu xalay ka kacay xerada qoxootiga IFO ee dalka Kenya.
Saraakiisha Hay'adaha Amniga Dowladda oo ka warbixiyay howgallo ay kusoo Qab-qabteen dad iyo hub kala duwan
12/27/2012 2:22 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay'adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixinayay howgallo xalay laga sameeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho oo lagu soo qabqabtay kooxo falal ammaan-darro ka waday degmooyinkaas iyo hub kala duwan.
Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Soomaaliya oo Maanta u dhoofay Xarunta Jubbada Hoose ee Kismaayo
12/27/2012 2:02 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda dowladd Soomaaliya oo heer wasiir ah ayaa saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib muran ku saabsan maamul u sameynta Kismaayo oo u dhexeeyay xoogagga Raaskambooni iyo dowladda Soomaaliya.
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay sii wadayso duqeymaha iyo weerarada ay la beegsanayso Magaalada Magaalada
12/27/2012 1:54 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo bishii Ogoosto ee sannadkii hore isaga baxday degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada duqeymaha ah ee ay la beegsanayso madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ah goobta ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.
Somali News
Alabama terror suspects pleads not guilty
-
AP
12/27/2012 10:39 AM EST
A Mobile man pleaded not guilty on Wednesday to charges of providing support to international terrorists.
How the world's navies ignored the plight of a hijacked ship for nearly three years
-
Telegraph
12/27/2012 10:35 AM EST
How's this for a seasonal tale to warm the hearts? After almost three years in captivity, the crew of the Iceberg 1, a cargo ship hijacked by Somali pirates, are home after finally being rescued.
US: Somalia Travel Warning
-
US Dept of State
12/27/2012 10:34 AM EST
There is no U.S. Embassy or other formal U.S. diplomatic presence in Somalia. Consequently, the U.S. government is not in a position to assist or effectively provide services to U.S. citizens in Somalia. In light of this and continuous security threats, the U.S. government recommends that you avoid all travel to Somalia.
Khat seized, six arrested in CT
-
The New Age
12/27/2012 10:31 AM EST
The narcotic weed khat from east Africa has found its way to the Cape and is becoming part of the increasing problem of drug usage on the Cape Flats.
Somali forces intensify operations against al-Shabaab in Hiran
-
Sabahi
12/27/2012 1:25 AM EST
Al-Shabaab's leaders and foot soldiers are on the run after losing significant ground to the Somali National Army and allied forces in a series of recent battles, security officials say.
Somali forces, African Union troops secure more areas
-
Press TV
12/27/2012 1:23 AM EST
Government forces backed by African Union troops have secured an area of 30 kms North West of the capital Mogadishu. Security forces say that the capture of Saqiro sub-district and its surroundings has dealt a big blow to the Al-Shabaab fighters who have used such locations to stage sporadic attacks on the capital.
Turkey sends 27 tons of humanitarian aid to Somalia
-
Turkish Press
12/27/2012 1:22 AM EST
Turkey’s Disaster and Emergency Management Presidency (AFAD) sent 27 tons of humanitarian assistance to Somalia, via a cargo plane provided by Turkish Airlines.
Tropical Cyclone 4 hits Somali coast
-
Sabahi
12/27/2012 1:22 AM EST
Tropical Cyclone 4 hit the eastern coast of Somalia on Tuesday (December 25th) with wind speeds reaching 65 kilometres per hour, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.
It's training men: the Irish building an army in Africa
-
Irish Independent
12/27/2012 1:21 AM EST
Our boys are helping these men to become good soldiers, says Declan Power
US retools terror war in scramble for Africa
-
WSW
12/27/2012 12:18 AM EST
The US military has announced that it is dedicating a US Army brigade to carry out continuous operations on the African continent. According to the Associated Press report on the decision, it is “part of an intensifying Pentagon effort to train countries
Budget challenge for Dlamini-Zuma at AU
-
BDLive
12/27/2012 12:15 AM EST
PERHAPS ABBA’s song, Money, money, money, should be the African Union (AU) anthem. Similar refrains were the depressing mood music throughout most of the 39-year existence of its predecessor, the generally unlamented Organisation of African Unity (OAU),...