![]() |
Inta badan mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxay dalabadeen in dib loogu laabto miisaaniyadda lana kordhiyo lacagaha la siinayo ciidamada dowladda ee ka horjeeda Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan difaacyada hore.
Doodda oo aad u kululeyd ayaa markii ay xildhibaanada hadlayay soo gabagabeeyaan hadalkood waxaa la geliyay cod, iyadoo ay diideen miisaaniyadda in la ansixiyo 70 xildhibaan, halka ay ogolaadeen 54 mudane.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in 39 mudane oo ka mid ahaa kuwii joogay fadhiga baarlamaanka ee maanta ay ka maqnaayeen codeynta.
Prof. Jawaari ayaa ka dalbday wasaaradda maaliyadda Soomaaliya in sida uu sharciga dalku qabo ay muddo 30 maalmood ah ay miisaaniyadda ku keento baarlamaanka si cod loogu qaado.
Miisaaniyadda oo cadadkeedu ka badan yahay 103-milyan oo dollaarka Mareykanka ah ayaa noqonaysa ajandihii ugu horreeyay oo baarlamanaka Soomaaliya uu diido tan iyo markii la magacaabay bishii Ogoosto ee sannadkan, waxayna xildhibaannadu codsadeen in la dhimo kharashaadka xafiisyada madaxda sare ee dowladda oo aad u badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
