Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Dec 2 , 2012
Xaalad deganaasho oo laga soo sheegayo deegaan Mareer ee gobollka Galguduud oo ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beelleed
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.
Hasse ahaatee dadka deegaannka ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacyadii diriray wali ku wada sugan yihiin aagaga dagaallka, islamarkaana ay wadan isku hub urursi iyo dhaq dhaqaaq u muuqda mid colaadeed.
Dagaallkii shalay ka dhacay deegaannka Mareer oo ka tirsan degmada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ku dhintay dad kor u sii dhaafaya 10 ruux halka tiro intaa ka sii badanna ay ku dhaawacmeen.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaallka labada beellood uu salka ku hayo baarago xoolaha ka cabi jireen oo la duugay iyo waliba dhul daaqsimeed leysku heysto, taasoo keentay in uu gacan hadal dhaxmaro labada dhinac.
Waxgaradka iyo odayaasha ku dhaqan gobollka Galguduud ayaa ugu baaqay labada beelleed in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal.
Dagaallka labada dhinac dhaxmaray ayaa soo gaaray ilaa xalay fiidnimadii, waana tan keentay khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay dagaallka.
Dadka ku dhaawamay oo kor u sii dhaafaya 20 ruux ayaa la kala dhigay goobo caafimaad oo ku kala yaala degmada Cadaado iyo deegaannka Ceel-garas ee gobollka Galgaduud sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb.
Gobollka Galguduud inta badan waxaa ku soo noq noqda dagaallada salka ku haya muranka la xiriira hab-ka loo wadaago dhul daaqsimeedka, ceelasha biyaha iyo waliba isticmaalka baraagaha, mana ah dagaallkii ugu horeeyay ee noocsiisa ah ee ka dhacay gobollka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya
Post your comments
Faahfaahin ku Saabsan Booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ee Magaalada Baladweyne
12/2/2012 12:33 PM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wafdi uu horkacayay wasiirrka wasaarrrada gaashaandhiga dalka Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
Hay’adda la dagaalanka Cudurka HIV/AIDS oo soo bandhigay Heerka uu Somaliland ka marayo fiditaanka cudurkan halista ah
12/2/2012 5:56 AM EST
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Hay’ada la dagaalanka cudurka halista ah ee HIV/AIDS ee Somaliland ayaa ka warbixisay halka uu dalka ka marayo cudurkaasi iyo xakameenta ay ku sameeyeen fiditaanka cudurkaasi.
Wafdi ka Socda Dalka Jabuuti oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
12/2/2012 5:15 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka Sameeyay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
12/2/2012 4:19 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howgallo ballaaran ka fuliyay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen dad badan.
Xafiiska HOL ee Magaalada London oo Booqday Xarunta Laga Maamulo Howlgallada Ka Dhanka ah Burcad Badeedda Soomaaliya (Warbixin)
12/2/2012 4:06 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Maalintii Khamiista bishuna ahayd 29/11/2012 ayay Hiiraan Online u suurto gashay in ay booqato xarunta laga maamulo howlgalka ka dhanka ah burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.
Xaalad deganaasho oo laga soo sheegayo deegaan Mareer ee gobollka Galguduud oo ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beelleed
12/2/2012 3:45 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.
Somali News
38 dead in Somali clan violence
-
UPI
12/2/2012 5:35 PM EST
DHUSAMAREB, Somalia, Dec. 2 (UPI) -- A clan clash in Somalia's central Galgadud province left 38 people dead and many more injured, witnesses said.
East African Community defers Somalia's request to join
-
Sabahi
12/2/2012 5:34 PM EST
The East African Community (EAC) decided Saturday (December 1st) to defer membership applications from South Sudan and Somalia, Tanzania's The Guardian reported.
Call to give asylum-seekers a chance to contribute
-
Australian
12/2/2012 5:32 PM EST
RAHMA Abdirahman has a blunt message for the Gillard government. The Somalian-Australian, 26, believes a scheme to place asylum-seekers in the community without work rights will lead to crime, disengagement, poverty and an increase in illegal work.
At least 26 killed in Somali clan battles
-
AFP
12/2/2012 5:47 AM EST
MOGADISHU — Fierce fighting between heavily armed rival clans in war-torn Somalia has killed at least 26 people in a dispute over grazing land and water, officials said Sunday.
From Somalia to Pittsburgh: Bantu refugees find cause to celebrate new lives in America
-
Post Gazette
12/2/2012 5:45 AM EST
The women gather in brightly colored fabrics. The men, many in suits and ties, test the sound equipment and ask the women to hush the babies and children. A council of elders sits on stage. It is a Sunday afternoon at the University of Pittsburgh's O'Hara Student Center, and Pittsburgh's Somali Bantus are having their first community celebration.
Somaliland rises from the rubb
-
IPS
12/2/2012 5:43 AM EST
Hargeisa - As Somalia starts to emerge from its quagmire of instability and chaos, 20 years of relative peace and stability are starting to pay dividends for its close neighbour Somaliland, as this November it struck its first major oil deal since seceding from Somalia in 1991.