4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2012
Xaalad deganaasho oo laga soo sheegayo deegaan Mareer ee gobollka Galguduud oo ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beelleed
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.

Hasse ahaatee dadka deegaannka ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacyadii diriray wali ku wada sugan yihiin aagaga dagaallka, islamarkaana ay wadan isku hub urursi iyo dhaq dhaqaaq u muuqda mid colaadeed.

Dagaallkii shalay ka dhacay deegaannka Mareer oo ka tirsan degmada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ku dhintay dad kor u sii dhaafaya 10 ruux halka tiro intaa ka sii badanna ay ku dhaawacmeen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaallka labada beellood uu salka ku hayo baarago xoolaha ka cabi jireen oo la duugay iyo waliba dhul daaqsimeed leysku heysto, taasoo keentay in uu gacan hadal dhaxmaro labada dhinac.

Waxgaradka iyo odayaasha ku dhaqan gobollka Galguduud ayaa ugu baaqay labada beelleed in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal.

Dagaallka labada dhinac dhaxmaray ayaa soo gaaray ilaa xalay fiidnimadii, waana tan keentay khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay dagaallka.

Dadka ku dhaawamay oo kor u sii dhaafaya 20 ruux ayaa la kala dhigay goobo caafimaad oo ku kala yaala degmada Cadaado iyo deegaannka Ceel-garas ee gobollka Galgaduud sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb.

Gobollka Galguduud inta badan waxaa ku soo noq noqda dagaallada salka ku haya muranka la xiriira hab-ka loo wadaago dhul daaqsimeedka, ceelasha biyaha iyo waliba isticmaalka baraagaha, mana ah dagaallkii ugu horeeyay ee noocsiisa ah ee ka dhacay gobollka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya