4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2012
Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka Sameeyay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howgallo ballaaran ka fuliyay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen dad badan.

Howlgalladan ayaa ah kuwo looga hortagayo kooxo la sheegay in ay ku labistaan dharka ciidamada dowladda islamarkaasina lacago baad ah ka qaata gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Sarkaal lagu magacaabo Axmed C/laahi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howgalladii saaka ay kusoo qabqabteen kooxo uu sheegay in ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda islamarkaasina doonayay in ay lacago baad ah ka qaataan gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Masuulkani ayaa sheegay in xabsi loo taxaabay ragga ay soo qabqabteen, isagoona sheegay intaa ku daray in howlgalladu ay socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay gaadiidleyda ka dhex shaqeysa labada magaalo ay ka cabanayeen kooxo soo qaata tuutaha ciidamada dowladda islamarkaasina lcago baad ah ka qaata gaadiidka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya