3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Ururka RAYS oo ugu baaqay inay is casilaan ama xasaanadda laga qaaddo Guddida Doorashooyinka Somaliland

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Guddomiyaha Urursiyaasadeedka Rays Mr; Xasan Maxmed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn Natiijada ay soo saareen guddida doorashooyinku, maadaama oo wax isdaba marin iyo musuqmaasuq badani uu hadheeyey, waxaanu ugu baaqay komishanka inay is casilaan mar haddii ay masuuliyadii ummadda u hayeen ka soo bixi waayeen.

Gudoomiyaha ururka RAYS, ayaa sheegay in danta guud iyo shacabka nabadgalyada jecel awgeed ay ku dhaafeen khaladaadka ku jira natiijada, ayna u hogaansanaan doonaan natiijadda ay maxkamaddu ku dhawaaqdo.

"Waxaan Tacsi u dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyarayadii Ku geeriyootay Banaan Bixii Magaalada Hargeysa ay kaga Cabanayeen khaladaad ku yimid Codokii ay dhiibteen, waxaan ILAAHAY Ka baryayaa Inuu Intii dhimatayna u naxariisto Inta Dhaawaca Ahna Caafimaad Deg-dega Siiyo"ayuu yidhi gudoomiyaha ururka RAYS oo ka hadlayey rabshadihii ay dadku ku waxyeeloobeen ee ka dhacay Hargeysa.

" Doorashadii Kadhacday Wadanka Sida La wada Ogyahay waa mid guud ahaan dhalisay muran iyo shaki faro-badan Komishanka Qaranku marnaba ma buuxin Kaalintii Laga Sugaayay Waxaana Si Cad U Muujijyeen inaanay danba ka lahayn khaladaadka iyo wax Isdaba marinta Baahsan ee ku suntanayd maalintii Codbixinta iyo Maalintii Ka Danbeeysay oo ay Meelaha Qaarkood Codbixintu Ka socotay"ayuu raaciyey, waxaanu intaas ku daray " Waxaa Xaqiiqo ah Waxaa Hargeysa ka dhacay wax aad uga xumi in ay ka dhaceen dhammaan gobalada dalka, in doorashadii si nabadgalya ah ku dhacday layslama diideen, marka laga reebo dagmooyinka dilku ka dhacay intaas goob-joogayaashu way sheegeen, laakiin in fool-xumo aad u weyni ay dhacday cidna kamay qarsoonayn isku soo wada duuboo doorashadan dil-dilaac weyn ayay dhex-dhigtay shacabka Somaliland, mustaqbalka doorashooyinka hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana si culus ayay u dhawacaysaa".

Ururka RAYS ayaa sheegay in danta guud ku dhaafayo khaladaadka badan ee ku jira natiijadda hordhaca ah, isla markaana u hogaansanaan doono go’aannka maxkamadda ka soo baxa.

" iyada oo ay adag tahay In Lagu Qanco Natiijada Hadana, markaanu Eegnay Baahida Nabdgalyo Uu Mudan yahay Shacabkayagu Sida Xalaasha Ah u Codeeyay Laakin La dulmiyay. Markaanu La Tashanay Tageerayaashayadii Aragnayna Inay ku weyn tahay Wadaniyada,Midnimada iyo Ilaalinta qaranimadoodu Waxaanu go’aansanay Inaanu Aqbalno Natiijada ay Ku dhawaaqdo Maxkamadu ee Ah Doorashadii La galay 28-11-2012. Waxaanu Soo Jeedinaynaa In Gudida Doorashada gacanta Ku Haysaa Shuruud La’aan Isku Casisho haddii ay taas garan Waydana Xasaanadda laga qaado."ayey ku tallo bixiyeen ururka RAYS.

Waxa iska soo daba dhacaya eedaha ay usoo jeedinayaan ururada siyaasadu guddida doorashooyinka, waxaana isna sidan oo kale u sheegay inuu danta guud u tanaasulayo ururka UMMADDA .

Sidoo kale, waxa iyaguna maanta shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa in ka badan kontomeeye musharax oo ah ka mid ahaa kuwii guddida doorashooyinka sheegeen inay hadheen, kuwaas oo guddida ka codsaday in wax ay ku qancaan la tuso, isla markaana dib loogu tiriyo codadkii ay ka heleen degmadad Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/13/2012 8:50 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlay ammaanka iyo horumarinta gobolka Hiiraan oo uu ka qaybgalay ugaaska beesha Xawaadle, ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

12/13/2012 8:41 AM EST
Khamiis, December 13, 2012(HOL): Xuska 40 guurada far-soomaaliga ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012ka. Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda Soomalida ee geeska Afrika.

12/13/2012 8:31 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ururka raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose uu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, isagoo xusay in dadkii horay uga barakacay magaaladaas ay dib ugu soo laabanayaan.

12/13/2012 7:45 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan albaabbadu u xiran yihiin kula qaatay, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Aarnauut Cali oo booqasho ku jooga Muqdisho.

12/13/2012 7:10 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dhameystiray xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, isagoo magacaabay shan wasiir u dowle iyo 20-wasiir ku xigeen.

12/13/2012 5:41 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Mukhtaar Xassan Maxamed oo 27-bishii November ee ina dhaaftay loosoo xiray ama loo qabtay dilka guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade ayaa qirty in uu galay danbiga loo soo xiray oo ah in uu ahaa shaqsigii gacantiisa ku toogtay guddoomiyaha.

12/13/2012 1:25 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay isku furaan dhammaan gobollada Soomaaliya, kaddib markii isaga iyo saraakiil kale ay saxaafadda kula hadleen degmada Jowhar.

12/13/2012 1:08 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn Al-shabaab iyo Al-Qaacida inta ay hubka wataan, balse ciddii ka tanaasusha fikirkooda ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan oo ay labada gacmood ku qaadayaan.

12/13/2012 1:04 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug ka dhacay dagaallo khasaare dhaliyey oo dhex maray ciidamada badda ee Puntland iyo kooxo burcad-badeed ah.