4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka oo sheegay inay ka go'an tahay inay isku furaan Gobollada Soomaaliya

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay isku furaan dhammaan gobollada Soomaaliya, kaddib markii isaga iyo saraakiil kale ay saxaafadda kula hadleen degmada Jowhar.

Jen. Dhego-badan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dhawaan isku furi doonaan gobolka Shabeellada dhexe illaa gobolka Bari ee Puntland, sidoo kalena ay isku furi doonaan dhammaan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

"Qorshaheennu waa inaan isku furno Jowhar iyo Bari, sidoo kalen gobollada ku yaalla Koonfurta ayaa iyagana isku furi doonnaa, inta arrimahaas ay suurogal ka noqonayaanna dagaalka waan wadaynaa," ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Magaalada Jowhar ayaa laba casho ka hor waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, iyagoo afhayeen Al-shabaab u hadlay uu sheegay inay xeelad dagaal awgeed uga baxeen degmada Jowhar.

Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo isaguna wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe ay wadaan qorshe ay degmooyinka kale ee gobolkaas ku qabsanayaan, isagoo xusay in dhowr degmo oo gobolkaas ka tirsan ay Al-shabaab isaga baxday.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay in xaaladda degmadu ay tahay mid aad u deggen, iyagoo sheegay inay dib u furteen ganacsigooda aysanna jirin cid dhibaatooyin u geysatay.

Col. Maxamed Saney oo isaguna ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe ayaa isaguna sheegay inay yihiin kuwo deggen degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay gobolkaas, wuxuuna xusay inay kasii shaqeyn doonaan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya