4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Garsoorayaal iyo Xeer-ilaaliyeyaal Tababar muddo sannad ah u socday loogu soo gabagabeeyay Muqdisho
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal tiradoodu ahayd 90 ayaa maanta tababar loogu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kaddib tababar u socday muddo hal sano ah.

Munaabsadda xirtaanka tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirkii hore ee garsoorka iyo arrimaha diinta iyo wasiirka cusub ee garsoorka iyo arrimaha diinta, iyagoo halkaas kasoo jeediyay khudbado ay kula dardaarmayeen garsoorayaashii iyo xeer-ilaaliyeyaashii tababarku u dhammaaday.

"Garsoorku waa meesha keliya ee haddii uu qofku hagaajiyo uu ku badbaadayo, haddii uu xumeeyana uu ku halaagsamayo, marka waxaan idin kula talin lahaa inaad garsoorka u gudataan si wanaagsan oo aanay eexi ku jirin," ayuu yiri wasiirkii hore ee garsoorka iyo arrimaha diinta, Sheekh Axmed Gaboobe.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ka codsaday garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha tababar loosoo gabgabeeyay inay u shaqeeyaan si ay daacadnimo ku dheehan tahay, isagoo xusay inay jiraan qorshayaal la doonayo in maxaabiista burcadbadeeda ah ee lagu qabto howgallada ka socda xeebaha Soomaaliya lagu soo wareejiyo dowladda Soomaliya si loola xisaabtamo dacwadoodana loogu qaado gudaha dalka.

"Maamullada Somaliland iyo Puntland waxay billaabeen in kooxaha burcad-badeedda ah ee lagu qabto xeebahoda lagu soo wareejiyo si ay u maxkamadeeyaan una xiraan," ayuu yiri Avv. Ilko-xanaf,. isagoo sheegay in dowladda Soomaaliyana ay waddo qorshe kaas la mid ah.

Wasiirka garsoorka iyo cadaaladda Soomaaliya, Cabdullaahi Abyan Nuur oo isaguna hadal jeediyay ayaa ku boorriyay sagaashanka qof ee dhameystay tababarka ku saabsan garsoorka iyo xeer ilaalinta inay ku shaqeeyaan si ay cadaaladi ku dheehan tahay, isagoo xusay in hadafka wasaaradda ka yahay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta garsoorayaasha Soomaaliyeed, si loo helo aqoonyahanno si daacad ah ugu adeega bulshadooda.

Ugu dambeyn, waxaa garssoorayaashii iyo xeer ilaaliyeyaashii tababarka loosoo xiray lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya aqoontooda, waxaana dhamaantood ay ahaayeen rag.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya