4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Urur Siyaasadeed ay ku Mideysan yihiin Aqoon-yahannnada iyo Ganacsatada Puntland oo looga dhawaaqay Boosaaso
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Urur siyaasadeedkii saddexaad ee bishan gudeheeda la furo ayaa looga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari shalay oo Talaado ahayd. Ururkan oo magaciisu yahay [Midnimo] waxaa ku bahoobay in badan oo kamid ah aqoonyahanka iyo ganacsatada




waaweyn ee Puntland.

Munaasabad ay dad badani kasoo qayb galeen oo ka dhacday hoolka shirarka ee Hotel Jubba ayaana si rasmi ah loogu shaaciyey furitaanka ururka Midnimo iyo weliba ahdaaftiisa siyaasadeed.

Dr. Saadiq Eenow oo ah aqoonyahan si weyn dhulka Soomaalida oo dhan looga yaqaan, islamarkaana bare ka ah kulliyadda culuumta caafimaadka ee jaamacadda bariga Africa ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay inuu ururka sii guddoomiyo.

Wuxuuna mar uu warfidiyeenada la hadlayey sheegay: "in ururka Midnimo uu yahay urur siyaasadeed oo mucaarad ah islamarkaana yoolkiisa ugu weyni uu yahay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo horumarka Puntland".

Dr. Eenow ayaa dhinaca kale tilmaamay in ururka Midnimo uu xarumo ku yeelan doono dhamaan gobolada Puntland iyo dalalka dibadda ee ay jaaliyadda reer Puntland ku badan yihiin; si howshiisa looga dhigo mid furfuran.

Afartii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa Puntland ka furmay 4 urur siyaasadeed, waxaana ugu horeeyey urur ay furteen inta badan xubnaha ku jira xukuumadda xiligan talada haysa oo loo bixiyey Horseed, loogana dhawaaqay Garoowe.

Sidoo kale waxaa horaantii bishan labo urur siyaasadeed oo kale oo lagu kala magacaabo Hor-cad ( horumar iyo cadaalad) iyo (Ugub) looga dhawaaqay magaalada Boosaaso, wuxuuna ururka Midnimo noqonayaa kii 3aad ee Boosaaso ka furmay.

Dhowaan ayey ahayd markii guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ay kordhiyeen wakhtigii horay loogu qorsheeyey furashada ururada siyaasadda iyadoo lagu daray 3 asbuuc si fursad loo siiyo siyaasiyiinta ku taamaya in ay ururo siyaasadeed furtaan.

Ururada siyaasadda ee Puntland ayaa ku tartami doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka, waxaana sadexda urur ee ugu codadka bata loo aqoonsan doonaa sadexda xisbi ee rasmiga ah, kuwaasoo ku loolami doona hoggaanka siyaasadeed ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya