4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Hay'adda UNOCHA oo sheegtay in Soomaali gaaraysa Afar milyan oo qof ay u baahan yihiin Gargaar Bani'aadamnimo
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hay'adda isku-duwidda gargaarka bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA ayaa sheegtay in xaalad cunno-yari iyo mid bani'aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya; iyagoo sheegay in afar milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo oo kala duwan.

Ku xigeenka madaxa hay'adda UNOCHA, Edem Wosornu waxay sheegtay in weli ay tahay Soomaaliya goob ay ka jirto xaalad cunno-yaraan oo aad u daran dunida oo dhan, iyadoo xustay in guulo laga gaaray abaarihii sannadkii hore ku dhuftay.

"Soomaaliya weli waxay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay ka jiraan mushkiladaha bani'aadmnimo, wixii ka dambeeyay abaartii 2011 waxaa la gaaray guulo waaweyn, balse 12 bilood kaddib weli waxaa jira mushkilado cunno-yaraan ah," ayay tiri Wosornu.

Edem Wosornu waxay sheegtay in roobabkii da'ay sanadkan ay wax weyn ka tareen hoos u dhigga gargaarka bani'aadnimo ee Soomaaliya ay u baahan tahay, balse ay weli jiraan dad gaaraya afar milyan oo qof oo u baahan gargaar bani'aadamnimo oo kala duwan.

"Dad gaaraya 2.1 malyan oo qof oo ka mid ah afarta milyan waxay u baahan yihiin gargaar inkastoo ay awood u leeyihiin inay helaan raashin baahidooda dabooli kara, balse waxay u baahan yihiin waxyaabo aasaasi ah. Sidoo kale 1.7 milyan oo kale oo kasoo baxay abaarihii sannadkii hore ayaa u baahan gargaar deg-deg ah, iyadoo ay sababi karto inay dib ugu laabtaan dhibaatooyinkii hore haddii aanay helin gargaar deg-deg ah," ayay tiri Wosornu.

Sarkaaladdu waxay sheegtay in gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ay yihiin kuwa ay ku nool yihiin dadka gargaarka bani'aadamnimo u baahan, gobolladaas oo ah kuwii ay Al-shabaab ka joojisay hay'adaha gargaarku inay ka shaqeeyan, balse ciidanka dowladda kuwa caawinaya isku dayaan inay ka saaraan Al-shabaab.

"Hay’adaha gargaarka waxay isku dayeen inay cunno hawada kasoo daadiyaan si looga gudbo xayiraadda iyo jidgooyada ay Al-shabaab u dhigtay gargaarka, hase yeeshee howlaha noocaasi ah ma ah kuwo sii socda," ayay tiri Wosornu.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in colaadda Soomaaliya ka jira oo lasoo af-jaro ay yihiin kuwa keliya ee looga gudbi karo mushkiladaha cunno-yaraan ee ka taagan Soomaaliya, sidoo kalena UNOCHA waxay sheegtay in badbaadada dadka u baahan gargaarka ay ku xiran tahay hadba sida ay u soo go'aan dalagyada beeraha.

Dhawaan ayay hay'adda UNOCHA iyo kuwa kale ee gargaarka dalbadeen lacag 1.3 billion oo dollar ah, kuwaasoo lagu gargaarayo dadka u baahan caawinaadda saddexda sano ee soo socota.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in qorshahan afar ujeeddo laga leeyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaqiijinta in qof waliba uu helo kaalmo naf badbaadin ah, gaar ahaan caruurta nafaqa-darridu heyso iyo dadka ay haystaan xaaladaha ay ka mid yihiin cunno-yaraanta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya