Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Dec 12, 2012
Hoggaamiyaha Al-shabaab oo sheegay in Kenya ay ku Fashilantay Duullaankii ay kusoo qaadday Soomaaliya
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo farriin maqal ah soo dhigay bar Internet oo taageerta Al-shabaab ayaa ku sheegay inay weli iyagu ka taliyaan gobolladii ay Kenya qabsatay, isagoo fariin u diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu sheegay in Kenya ay isku dayday inay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka; balse ay ku guul-darreysatay, isagoo xusay in weli ay iyagu ka taliyaan deegaannadii ay la wareegeen ayna rajeynayaan inay dib uga qabsadaan deegaannadaas.
"Kenya waxay isku dayday inay baabi'iso sharafta, sumcadda iyo caqiiqada muslimiinta Soomaaliya ku dhaqan, waxay isku dayeen inay na khiyaanaan balse Alle ayaa iyaga dhagray. Gobollada Kenya ay sheegtay inay qabsadeen innaga waxay noola muuqdaan inay weli gacanteenna ku jiraan, weli halkaas waxaan ka faafinnaa kalimadda towxiidka, zekada ayaan ka qaadnaa, amniga ayaan sugnaa, tacliintii islaamiga ahna waan ka fidinnaa, taasna waxay ku tusaysaa inaan weli ku leennahay galaangal lama oran karo way naga qabsadeen," ayuu yiri hoggaamiyaha Al-shabaab.
Sidoo kale, hoggaamiyuhu wuxuu sheegay inay weerarro la beegsadaan saldhigyada ay Kenya kaga sugan tahay Soomaaliya, sidoo kalena ay Kenya gudaheeda ay ka geystaan weerarro, taasoo uu ku sheegay inay muujinayso awoodda ay leeyihiin u leeyihiin inay ka aargutaan Kenya.
Amiirka Al-shabaab wuxuu dalalka dariska la ah Soomaaliya uu ku eedeeyay awood ballaaran u isticmaaleen duulaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya ku dhaqanka sharceeda Islaamka cunaha u qabtaan, balse taas uma suurogelin. Isagoo xusay in lagu qabto Soomaaliya shirar looga arrinsanayo dagaal ka dhan Islaamka.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa farriintiisa baaq ugu diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya isagoo ku boorriyay inay la dagaalamaan xukuumadaha dalalkooda ka jira, wuxuuna si gaar ah ula hadlay muslimiinta Itoobiya isagoo ku boorriyay inay ka faa'iideystaan geeridii ku timid Meles Zenawi oo ku sheegay inay tahay fursad weyn.
"Hadda waxaa la joogaa casrigii jihaadka iyo kacdoonka, waa inaadan ku qancin inaad tihiin dadka laga tiro badan yahay, waayo waxaa fursad idiin ah geeridii ku timid Meles Zenawi," ayuu yiri Abuu-Zubeyr.
Farriintan ayaa noqonaysa tii labaad oo hoggaamiyaha Al-shabaab uu soo saaro tan iyo markii ay ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo Itoobiya ay deegaano badan kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Hoteladda Magaalada Hargeysa oo Maanta ay buux-dhaafiyeen Dhallinyaro [SAWIRRO]
12/12/2012 11:29 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Magaalada Hargeysa waxa maanta ka dhacay aroos wadareedkii ugu badnaa sanadkan, waxaana dhamaan camirnaa hoteellada waaweyn ee inta badan ay ka dhacaan xafladaha meherka iyo aroosyada iyadoo la waayay hoolal la kiraysto.
Shil sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Waddada ugu Mashquulka badan Magaalada Muqdisho
12/12/2012 8:39 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiray nin Injineer ah ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay isgoyska Dabka ee waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale uu shilkaas ku dhaawacmay wadihii gaariga shilka galay oo ahaa nooca raaxada.
Garsoorayaal iyo Xeer-ilaaliyeyaal Tababar muddo sannad ah u socday loogu soo gabagabeeyay Muqdisho
12/12/2012 8:17 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal tiradoodu ahayd 90 ayaa maanta tababar loogu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kaddib tababar u socday muddo hal sano ah.
Urur Siyaasadeed ay ku Mideysan yihiin Aqoon-yahannnada iyo Ganacsatada Puntland oo looga dhawaaqay Boosaaso
12/12/2012 7:19 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Urur siyaasadeedkii saddexaad ee bishan gudeheeda la furo ayaa looga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari shalay oo Talaado ahayd. Ururkan oo magaciisu yahay [Midnimo] waxaa ku bahoobay in badan oo kamid ah aqoonyahanka iyo ganacsatada waaweyn ee Puntland.
Maxkamado ku yaalla Mareykanka oo Xukunno kala duwan ku ridday Laba qof oo Taageero u fidiyay Al-shabaab
12/12/2012 7:04 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa gabar Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay lacag gaaraysa 1,450 doollar u dirtay dalka Mareykanka ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay nin Suuriya u dhashay oo la sheegay inuu doonayay inuu ku biiro Al-shabaab.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Waddanka Jabuuti iyo Wafdi la socda oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho
12/12/2012 6:15 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen safarka ay ku yimaadeen Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Gaarisa ee dalka Kenya oo sheegay in la qabtay dad Soomaali ah iyo hub ay wateen
12/12/2012 2:25 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay shalay gallinkii dambe lix qof oo Soomaali ah iyo hub ay wateen, kuwaasoo la sheegay inay ka yimaadeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayna hubka u wadeen degmada Gaarisa.
Hay'adda UNOCHA oo sheegtay in Soomaali gaaraysa Afar milyan oo qof ay u baahan yihiin Gargaar Bani'aadamnimo
12/12/2012 1:58 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hay'adda isku-duwidda gargaarka bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA ayaa sheegtay in xaalad cunno-yari iyo mid bani'aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya; iyagoo sheegay in afar milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo oo kala duwan.
Somali News
Piracy group: Make sure Somali pirates aren't paid
-
AP
12/12/2012 3:37 PM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — A U.K.-led Piracy Ransom Task Force says the shipping industry must adopt additional measures to ensure that payments aren't made to pirates after a successful attack.
Kenya - big trouble in little Mogadishu
-
News24
12/12/2012 3:35 PM EST
Nairobi - Bustling with business, the Kenyan capital's Eastleigh district is dubbed "little Mogadishu" after the anarchic capital of Somalia, where so many here fled from for a new, more peaceful life.
Bonn train station bomb scare suspects freed
-
DW
12/12/2012 2:04 AM EST
German police have freed two men who were taken into custody over a suspected attempt to set off a bomb at the main train station in Bonn. Authorities are still looking for a third man.
Alabama men arrested on terrorism charges, accused of violent plot
-
Reuters
12/12/2012 2:02 AM EST
(Reuters) - Federal authorities arrested two Alabama men on terrorism charges on Tuesday, accusing them of plotting to wage violent jihad overseas after meeting online in 2010.
The Horn of Africa: rebuilding or in meltdown
-
Financial Times
12/12/2012 2:01 AM EST
There could hardly be a more poignant or devastating reminder of divisive instability that has spread throughout the Horn of Africa.
UN refugee agency receives $550 million for 2013
-
IBNS
12/12/2012 1:56 AM EST
New York, Dec 12 (IBNS) -Amidst expanding humanitarian crises in the Middle East and parts of Saharan and sub-Saharan Africa, government donors Tuesday pledged USD 550 million towards the work of the UN refugee agency next year.
PM assures all help to get hostages held by Somali pirates freed
-
Times of India
12/12/2012 1:54 AM EST
NEW DELHI: Prime Minister Manmohan Singh on Tuesday assured a delegation of Kerala MPs that the government will do everything it can to try and ensure the freedom of 42 Indian nationals currently held hostage by Somali pirates.
Increased terror threats dog Kibaki last years in office
-
Standard
12/12/2012 1:53 AM EST
Increased terror threats are one of the critical insecurity issues that President Kibaki had to deal with.
Suspects nabbed with grenades, pistols in Amuma
-
Capital FM
12/12/2012 1:42 AM EST
NAIROBI, Kenya, Dec 12 – Six suspected terrorists were on Tuesday arrested and three hand grenades and two pistols with 84 bullets recovered from them in the Amuma area of the Kenya-Somalia border.
Somalia marks Human Rights Day
-
Sabahi
12/12/2012 1:36 AM EST
Somalia marked Human Rights Day on Monday (December 10th) in a ceremony at Mogadishu's Aden Adde International Airport, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.