3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo xalay ku Geeriyooday London iyadoo lagu aasi doono Magaalada Muqdisho
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo ahaa wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda iyo lacagta Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain maqribnimadii xalay isagoo 93 jir ahaa.

Marxuumka ayaa tobankii sano ee ugu dambeeyay dalka ka maqnaa, wuxuuna u dhintay xanuun toddobaadyadii ugu dambeeyay hayay, iyadoo lagu wado in maydkiisa la keeno Muqdisho maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo aaso.

"Aabbahay wuxuu 1919 ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna xildhibaano iyo wasiir kasoo noqday dowladihii rayidka ahaa ee Soomaaliya, markii kacaanku uu dalka ka curtay wuxuu noqday ganacsade oo uu illaa hadda ahaa," ayuu yiri Axmed Cismaan Axmed Rooble oo ka mid ah wiilasha uu dhalay marxuumka.

Sidoo kale, Siciid oo isaguna ka mid ah wiilasha uu dhalay Cismaan Axmed Rooble ayaa sheegay in aabbihii uu ifka uga tagay 107 oo isugu jira wax uu dhalay iyo intii ay sii dhaleen, isagoo xusay in lagu aasi doono Muqdisho.

"Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaan rajeynaynaa in maydka marxuumka la keeno Muqdisho, waxaana lagu aasi doonaa masjidka Macallin Biimaaloow oo ku dhow suuqa Bakaaraha ee Muqdisho," ayuu yiri Siciid Cismaan Axmed Rooble.

Caruurta uu dhalay Marxuumka ayaa tiradooda lagu sheegay 31 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo sii dhalay 76 caruur ah, waxaana marxuumka uu muddo u xirnaa dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/11/2012 6:32 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Guddida Doorashooyinka ayaa arrintii khilaafku ka taagnaa ee natiijadda degmadda Hargeysa iskaga gudbiyey maxkamadda gobolka Hargeysa, iyagoo soo jeediyey in cidii dacwad qabta loo gudbiyo maxkamadda gobolka.

12/11/2012 6:21 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su'aalo weydiiyay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

12/11/2012 6:13 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ciidamo maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM ayaa maalmihii ugu danbeeyayba siweyn isugu howlanaa sugida amniga magaalada Baladweyne.

12/11/2012 5:55 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Fannaaniinta kala ah; Qaalid Shariif Axmed (King Qaalid), Cabdixakiin Ciise Geeddi (Farayare) iyo Xasan Cujeer Cajami ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

12/11/2012 2:25 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desaleng ayaa ka hadlay markii ugu horreysay arrimaha Jubbooyinka isagoo xusay in arrintaas aysan ahayn mid culeys badan leh, ayna tahay in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato arrimaha Jubbooyinka.

12/11/2012 2:20 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee AMISOM ay difaaci doonaan xuquuqul aadanaha Soomaaliya, kaddib markii shalay la qabtay maalinta xuquuqda aadanaha ee adduunka oo ku beegnayd Isniintii shalay.