Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Dec 11, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Natiijadii Muranka Badan Dhalisay u Gudbiyay Maxkamadda Gobolka Hargeysa
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Guddida Doorashooyinka ayaa arrintii khilaafku ka taagnaa ee natiijadda degmadda Hargeysa iskaga gudbiyey maxkamadda gobolka Hargeysa, iyagoo soo jeediyey in cidii dacwad qabta loo gudbiyo maxkamadda gobolka.
Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Qaranka Ciise Yuusuf Xamari ayaa sheegay inay dib u eegeen codadkii degmadda Hargeysa, isla markaana ay saxeen degmadda Faro weyne oo ka tirsan magaaladda Hargeysa oo si khalad ah loo laba qoray dhibceheedii.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay isku fahmi waayeen xisbiyada qaabka dib loogu tirin lahaa doorashooyinka, taasina ay keentay inay natiijadii gobolka Hargeysa ee cabashadu ka timid u gudbiyaan maxkamadda gobolka Hargeysa si looga garnaqo.
Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska komishanka doorashooyinka, waxaanu u qornaa sidan; "Gudida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiiladda xisbiyadda iyo goob joogeyaal caalami ah iyo kuwo gudaha”.
Waxa intaas lagu daray “Komishanka Doorashooyinka qaranku wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa. Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda”.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in cidii dacwad qabtay ay u gudbiyaan maxkamdda Gobolka Hargeysa “Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyadda, ururadda iyo xisbiyadda iyo Murashaxiinta. Komishanku waxay kula tallinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa. Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weyn-na ay adduunka kaga yeelatay in la dhawro."
Arrintani waxay timid ka dib markii ay guddida iyo xisbiyadu isku mari waayeen qaabka loo marayo tirinta dambe, sidaa darteed ay ka noqdeen go’aankoodii hore ahaa dib u tirinta, isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka si ay uga garnaqdo.
Haseyeeshee, dib u sixidan ayaa xildhibaanadii soo baxay ku keenaysa isbedel, kuwaas oo qaar ka mid ah ay wax iska dhimanayaan dhibcihii codadkooda, inkastoo aanay komishanku wali si cad u sheegin isbedelka ku yimid dhibcihii is bedelay, waxaase wararku sheegayaan in xildhibaano hore loo shaaciyey inay soo baxeen inay dhibcahan la saxay ku keentay inay hadhaan, halka kuwo hadhayna dhibco u soo siyaadeen.
Si kastaba ha ahaatee,gudoomiyaha ururka UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in aan lagu aamini karin gudidan doorashooyinka masuuliyada culus ee ay hayaan, waxaanu ka codsaday inay is casilaan, inkastoo uu sheegay in aanu ku qanacsanayn natiijada ay soo saareen, balse waxa uu sheegay inuu danta qaranka ku dhaafayo natiijadda ay soo saareen, si aanay ummadda dhibaato uga iman, isla markaana uu tixgelnayo nabadgalyadda shacabkiisa.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo xalay ku Geeriyooday London iyadoo lagu aasi doono Magaalada Muqdisho
12/11/2012 7:10 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo ahaa wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda iyo lacagta Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain maqribnimadii xalay isagoo 93 jir ahaa.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo su'aalo weydiiyay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
12/11/2012 6:21 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su'aalo weydiiyay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kuwa Midowga Afrika oo si buuxda isaga Kaashanaya Sugidda Amniga Baladweyne
12/11/2012 6:13 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ciidamo maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM ayaa maalmihii ugu danbeeyayba siweyn isugu howlanaa sugida amniga magaalada Baladweyne.
Fannaaniin Soomaaliyeed oo uu ku jiro King Qaalid oo Magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay
12/11/2012 5:55 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Fannaaniinta kala ah; Qaalid Shariif Axmed (King Qaalid), Cabdixakiin Ciise Geeddi (Farayare) iyo Xasan Cujeer Cajami ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya oo difaacay doorka ay Dowladda Kenya ee ku Saabsan Arrimaha Jubbooyinka
12/11/2012 2:25 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desaleng ayaa ka hadlay markii ugu horreysay arrimaha Jubbooyinka isagoo xusay in arrintaas aysan ahayn mid culeys badan leh, ayna tahay in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato arrimaha Jubbooyinka.
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay Difaacayaan Xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed
12/11/2012 2:20 AM EST
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee AMISOM ay difaaci doonaan xuquuqul aadanaha Soomaaliya, kaddib markii shalay la qabtay maalinta xuquuqda aadanaha ee adduunka oo ku beegnayd Isniintii shalay.
Somali News
Somalia Olympic boss ready to risk all for sport
-
AFP
12/11/2012 8:55 PM EST
LONDON — Somalia’s acting National Olympic Committee president, Duran Farah, recently said he was aware of the danger he faced but was prepared to risk all as he tries to rebuild his country’s sporting infrastructure.
New hope for Somalia, says scholar MP
-
CNN
12/11/2012 8:51 PM EST
(CNN) -- War-torn Somalia moved a step closer to stability this September after picking its first president elected on home soil in decades.
Man gets 10 years for Somalia terror plan
-
AAP
12/11/2012 8:47 PM EST
A CHICAGO man has been sentenced to nearly 10 years in prison for plotting to travel to Somalia to take up arms with the al-Qaeda linked militant jihadi group the Shebab.
Somali woman gets prison for terror support
-
AP
12/11/2012 8:44 PM EST
SAN DIEGO (AP) — A Somali-born woman was sentenced Tuesday in San Diego to eight years in prison for routing money to a terrorist organization in her native country.
Radio and electronic media edge out newspapers in Somalia
-
Sabahi
12/11/2012 8:34 PM EST
"Print media is declining day after day," Abdullahi Mohamed told Sabahi. "A few years ago, there were more than 50 daily, weekly and monthly newspapers published in Mogadishu alone, but now there are only three daily newspapers in the city."
Things We Lost In The War
-
CBC Ideas
12/11/2012 6:00 AM EST
The East African nation of Somalia is the definition of a failed state. It has been without a central government since 1991, when the country's dictator Mohamed Siad Barre was overthrown. What followed were two decades of civil war, anarchy, failed Western intervention, Islamic fundamentalism and famine. Somali-born IDEAS contributor Hassan Ghedi Santur returns to his home-land to explore, "Things We Lost in the War." Part 2 airs Tuesday, December 11.
Disturbance showed need for cheap housing
-
Columbus Dispatch
12/11/2012 5:57 AM EST
Managers of a Northeast Side apartment complex are discussing a different application process for subsidized housing after Columbus police resorted to pepper spray to clear a huge crowd that gathered at a nearby church on Saturday morning.
AMISOM vows to protect human rights in Somalia
-
Xinhua
12/11/2012 5:51 AM EST
NAIROBI, Dec. 10 — The Africa Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) has vowed to protect human rights of the Somali people as the world marked the International Human Rights Day on Monday.
Father apologizes to family of murdered Centre High student
-
CBC News
12/11/2012 5:50 AM EST
The father of a man convicted Monday in the murder of a Centre High student two years ago apologized to the victim's family.
UNICEF leads Child Health Days to stem the tide of preventable childhood diseases across Somalia
-
UNICEF
12/11/2012 5:47 AM EST
BOSSASO, Somalia, 10 December 2012 – The journey to defeat the diseases that kill thousands of children every year in Somalia starts in the chilly light of dawn
Mahiga welcomes Grand Stabilisation Plan for Somalia
-
Sabahi
12/11/2012 5:42 AM EST
Special Representative of the United Nations Secretary General for Somalia Augustine Mahiga on Saturday (December 8th) welcomed the Inter-Governmental Authority on Development's (IGAD) Grand Stabilisation Plan for Somalia.
Somali criminal is still in prison ten YEARS after completing his sentence
-
Mail Online
12/11/2012 5:41 AM EST
A Somali rapist who cannot be deported because of human rights laws has spent nearly a decade in prison since completing his sentence – at a cost to taxpayers of £400,000.
Military conference in Abu Dhabi hoping to tackle piracy
-
7 Days in Dubai
12/11/2012 5:38 AM EST
Royal Marine commandos stormed 10 Somali pirate ships and rescued 43 sailors during a four-month operation, a British naval officer told a military conference in Abu Dhabi on Monday.
Drug bail for ex-pirate hostage
-
The Citizen
12/11/2012 5:36 AM EST
THE former victim of a Somali pirate kidnapping, Debbie Calitz, and eight others appeared in the Hatfield District Court in Pretoria yesterday on drug-related charges, after the group were arrested in a flat in Constantia Park at the weekend.
WFP continues fight against hunger in Somalia
-
Examiner
12/11/2012 5:35 AM EST
The UN World Food Programme (WFP) says progress is being made in fighting hunger in Somalia but cautions there is much work to be done.