4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya oo difaacay doorka ay Dowladda Kenya ee ku Saabsan Arrimaha Jubbooyinka
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay markii ugu horreysay arrimaha Jubbooyinka isagoo xusay in arrintaas aysan ahayn mid culeys badan leh, ayna tahay in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato arrimaha Jubbooyinka.

Desalegn ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Al-jazeera isagoo sheegay in Kenya ay ka mid tahay urur goboleedka IGAD qorshaheeduna uu yahay in Jubbooyinka loo sameeyo maamul ay ka dhex-muuqdaan dhammaan beelaha ku nool gobolladaas.

"Soomaaliya hadda waxaa ka muuqata rajo wanaagsan; waxaana dhameystirmaya  qorshaha nabadda, waana arrin ku timid dadaal badan oo ay sameeyeen dalalka dariska la ah Soomaaliya," ayuu ra'iisul wasaaraha Itoobiya ku yiri wareysigiisa.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inaysan wax wanaagsan ahayn in lagu eedeeyo Kenya inay taageerto qabiil gaar ah oo ku nool Jubbooyinka, isagoo xusay in madaxweynaha Soomaaliya ay aad uga doodeen arrinta ka taagan gobollada Jubbooyinka.

"Madaxweynaha Soomaaliya markii uu halkan (Addis Ababa) noogu yimid waxaan ka doodnay arrimaha Jubbooyinka; waxaana isla garanay in loo sameeyo maamul ay ku jiraan dhammaan beelaha Soomaalida, waana kaas mowqifka Kenya ee Jubbooyinka ku aaddan," ayuu yiri Desalegn.

Hadalka ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo weli uu taagan yahay muran ku saabsan maamul u sameynta Jubbooyinka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku adkeysanayso inay iyadu maamul u sameyso Jubbooyinka, halka kooxaha ku sugan Kismaayo ay ku adkeysanayaan inay iyagu sameystaan maamul.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu dhawaan dalka Kenya u tago safar ku saabsan ka hadalka arrimaha Jubbooyinka, iyadoo gobolladaas intooda badan gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya