Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Dec 10, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo Saraakiil Booqasho ku tagay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab, iyadoo wasiirku uu sheegay in xaalad deggenaasho ah ay ka jirto degmadaas.
Mudane C/xakiin iyo wafdigiisa ayaa maray dhulka, wuxuuna sheegay inay si nabad-galyo ah ku tageen degmada Jowhar ayna dadka ku nool degmadaas si wanaagsan u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan degmada Jowhar safarkaygii ugu horreeyay ku imaado aniga oo ay i wehlinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, xaaladda degmada way wanaagsan tahay, dadkuna si diirran ayay noosoo dhaweeeyeen," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah oo weyn dhicin, waxayna degmadan ka mid noqonaysaa degmooyinkii sannadka laga qabsaday Al-shabaab.
"Qorshuhu waa mid ciidan, balse qorshaha degsan waa in ciidamada dowladda ay u sii gudbaan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burte oo daris la ah gobolka Shabeellada dhexe," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka jawaabay su'aal ahayd in howgalku uu sii soconayo in kale.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa waxay tan iyo sannadkan deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab; waxaana goobaha ay la wareegeen ka mid ah degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca Koonfureed ka xigta Muqdisho.
Ugu dambeyn, dadweynaha ku nool degmada Marko ayaa sheegay in xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, sidoo kalena aysan jirin wax dhibaatooyin ah ciidamadu ay u geysteen, waxaana maanta dib u furmay goobaha ganacsiga oo illaa shalay xirnaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Puntland oo furay mashruuc lagu dhisayo Runway-ga garoonka diyaaradaha ee Boosaaso (SAWIRRO)
12/10/2012 3:21 PM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu daah furayey mashruuc lagu ballarinayo garoonka magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn deegaanada Puntland.
Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kasoo Reeyneysa (SAWIRRO)
12/10/2012 11:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu dhawaan dhaawac kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay afaafka hore ee masjidka Al-hidaya oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Somaliland oo Markii ugu Horreysay ka hadlay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa, Farriinna u diray Guddida doorashooyinka
12/10/2012 8:48 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaaladda Hargeysa ee dhimashada iyo dhaawaca sababay, waxaanu guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay masuuliyada doorashadu ay iyaga saarantahay, isla markaana loo baahan yahay inay soo saaraan wax ummadda ku qanacdo.
Hay'adda WAANO oo Muqdisho ku qabatay Munaasabad loog Mahadcelinayo Abaalmarintii la siiyay Haweeney Soomaaliyeed
12/10/2012 8:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda WAANO oo ka shaqeynsa ka hortagga nafqo-darrada iyo taageerada haweenka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad loogu mahad-naqayo Maama Xaawo Aadan Maxamed oo dhawaan la siiyay abaalmarin ay ku muteysatay gargaaridda barakacayaasha.
Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiyada oo ka Arrinsanaya Qaab lagu Wada-qanco oo dib loogu noqdo Codadka Hargeysa
12/10/2012 7:19 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xisbiyada, ayaa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay kaga arrinsanayaan qaabka dib loogu eegi doonno tirinta codadka degmadda Hargeysa.
Tababar lagu Kobcinayo Hal-abuurka Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]
12/10/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda ILO iyo haya'dda Horn For Relief and Development (HRD) ayaa maanta tababar lagu kobcinayo hal-abuurka ganacsiga haweenka Soomaaliyeed Muqdisho uga furay 25 xubnood oo ka kala socday urrurada ganacsiga iyo dowadda Soomaaliya, iyadoo fulinta tababarka ay qayb ka tahay hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA.
Dadweynaha Somaliland oo cabsi ka muujiyey inay dhibaato keento tirinta codadka ee degmada Hargeysa ee dib loogu noqday
12/10/2012 6:29 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Dadweynaha Somaliland, ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey hadal hayey qaabka dib loogu noqonayo tirinta codadka degmadda Hargeysa, kaas oo ay is waydiinayeen sida loogu qanci karo hadii mar kale wax is bedelaan oo dad guulaysatay la yidhaa may helin.
Rag hubeysan oo Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi-Bair dalka Kenya ku dilay Askari iyo qof rayid ah
12/10/2012 5:03 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ku toogtay Askari katirsan ciidamada ammaanka Kenya iyo qof rayid ah, iyadoona sidoo kale dhaawac gaarsiiyay mid kale.
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo sheegay inaysan dib u soo laabanayn Isbaarooyinkii la qaaday (SAWIRRO)
12/10/2012 2:35 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin inay dib u soo isbaarooyinkii la qaaday, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan u dulqaadanayn in ruux ku labisan dharka ciidamada uu dhibaatooyo shacabka.
Somali News
Edmonton man found guilty of second-degree murder in beating death
-
Edmonton Journal
12/10/2012 4:56 PM EST
EDMONTON - A Court of Queen’s Bench judge threw out the testimony of an accused murderer Monday, saying he lied so many times to police and friends, he couldn’t be believed.
Time to send Somali refugees back home – Raila
-
Capital FM
12/10/2012 4:49 PM EST
NAIROBI, Kenya, Dec 10 – Prime Minister Raila Odinga says it is not enough to return Somali refugees associated with terror attacks to the Dadaab camp, as proposed by Internal Security Permanent Secretary Mutea Iringo on Saturday, terming it a stop gap measure.
K’naan on the self-censoring price of fame
-
Toronto Star
12/10/2012 4:04 PM EST
The fox, they say, once had an elegant walk, for which the other animals loved him. One day, he saw a prophet striding along and decided to improve on what was already beautiful. He set out walking but could not match the prophet’s gait. Worse, he forgot his own. So he was left with the unremarkable way the fox walks today.
AMISOM committed to protection of Human Rights
-
AMISOM
12/10/2012 2:12 PM EST
Nairobi, Kenya - As the world marks International Human Rights Day, the Special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Mr.Mohamat
Mama Hawa's fight against sexual violence
-
UNHCR
12/10/2012 12:37 PM EST
NAIROBI, Kenya, December 10 (UNHCR) - When a mother is raped in the night in Mogadishu, her children still need her to prepare breakfast in the morning.
Somalia’s tentative recovery
-
Dawn.com
12/10/2012 12:36 PM EST
FINALLY, some good news from Somalia: according to a new issue of the French weekly Paris Match, the Somali shilling has doubled in value against the dollar over the last two years. The international airport at Mogadishu has been refurbished, and now boasts of a duty-free shop. Turkish Airlines operates three weekly flights to Istanbul as a result of a visit by Recep Erdogan, the Turkish Prime Minister. Tellingly, the immigration form for arriving passengers no longer contains the old entry for firearms being carried in.
Somali sports supremo ready to pay ultimate sacrifice
-
AFP
12/10/2012 4:08 AM EST
Somalia's acting National Olympic Committee president Duran Farah told AFP he is aware of the danger he is in but he is prepared to risk all as he carries on his work trying to rebuild his country's sporting infrastructure.
Ex-hostage in dagga and magic mushrooms bust
-
Sowetan Live
12/10/2012 4:06 AM EST
Somali pirate kidnap survivor Debbie Calitz has been arrested in a police drugs raid in her Pretoria home
Photos show slices of Somali life in Twin Cities
-
Star Tribune
12/10/2012 4:03 AM EST
A one-day-only photo show documents the immigrant experience.
Utah Somali teen, who was abused in refugee camp, sentenced for rapes
-
SLTrib
12/10/2012 4:01 AM EST
Her voice stayed strong as she recounted the attack, step by step: night’s darkness, the knife’s blade, his demands, and her tears — how she tried so hard to hold them back, but how they came, and still do after one of the nightmares she cannot escape
A man arrested in possession of 6 G3 rifles and 16 bullets in Elwak as 3 people shot dead in Garrisa
-
HOL
12/10/2012 3:57 AM EST
A man arrested on Sunday afternoon in possession of six G3 rifles and 16 rounds of ammunition in Elwak, Mandera County, is to be taken to court on Monday.
Rebuilding Kismayo After Al-Shabab
-
Daily Beast
12/10/2012 3:55 AM EST
Retro white-metal-and-wood hospital beds—arranged in a cluster in the dappled shade of a broad tree—serve as the main emergency ward at Kismayo General Hospital. Emergency is the only kind of care the small team of hospital staff can provide with so few resources. For the past three years they’ve operated under the rule of Somalia’s al Qaeda–linked militants, Al-Shabab. “Explosion wounds and C-sections—that’s all we can cope with right now,” says the hospital director. His charges, 23 of whom arrived on the same day in October, when an IED exploded in town, suffer broken bones and injuries caused by shrapnel. Many also nurse gunshot wounds from stray bullets that government-aligned forces fired in the chaos after the attack.
About 300 Somalis to be taken to court in affiliation with Terror attacks in Nairobi
-
HOL
12/10/2012 3:37 AM EST
More than 300 suspects, most of whom are Somalis, are expected to be taken to court later today after they were arrested in a massive operation launched after the attack that left 5 killed and the area MP Yusuf Hassan hospitalized with fractured legs among 38 others with serious injuries.