Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa dagaal saaka ka dhacay Deegaanno ka tisran Gobolka Jubbada Hoose
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in ay ka qeybqaadanayeen diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay kaabiga ku hayaan deegaanka Birta dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.

Afhahayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max’ed Daahir Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay ku dileen 15 ka tirsan dagaalayahnnada Al-shabaab, tiro intaasi ka badanna ay ka dhaawaceen, wuxuuna sheegay in ay jiireen fariisimo dhowr ah oo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Afmadow isla markaasna ay haatan kaabiga ku hayaan deegaanka Birta Dheer.

Saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen inay ka-hortageen weerar ay soo qaadeen ciidamada huwanta ah, islamarkaasina ay dib ugu celiyeen halkii ay kasoo duuleen.

Sheegashada labada dhinac ka sokow ma jiraan warar madaxbannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee wararka aynu ka heleyno deegaanada ku dhowdhow halka uu dagaalka ka socdo waxa ay sheegayaan in weli ay rasaastu socoto islamarkaasina labada ciidan ay ku dagaalamayaan nawaaxiga deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubada Hoose.

Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in aysan joojin doonin dagaallada inta ay gacanta uga dhigayaan magaalada Kismaayo oo ay haatan u jiraan ku dhowaad 60KM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.