Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Sheekh inuu doonayo in Baarlamaanka ku daro Dagaal-Oogayaal

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in heshiisyadii la gaaray aysan ku jirin inuu ka mid noqdo baarlamaanka cusub qof dagaal-oogenimo ku eedeysan ama xajir ah, isagoo sheegay in dadka doonaya inay kuwaas baarlamaanka ka mid noqdaan ay kasoo horjeedaan rajada yar ee Soomaaliya u bidhaantay.

"Heshiisyadii horay loo gaaray waxaa ka mid ah in cidda ka mid noqonaysa xubnaha baarlamaanka ay buuxiso shuruudo badan oo ay ka mid yihiin inuu xushmad ku dhex leeyahay bushada, inuusan ahayn dagaal-ooge iyo inuusan ahayn qof xagjir," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofkii aan xubnahaas ka mid ahayn uu xaq u leeyahay inuu dacwoodo ogaadana sababta loogu diiday ka mid noqoshada baarlamaanka, balse dadka maxkamadda sare loo gudbiyay ay yihiin kuwii dhibaatada geystay oo doonaya inay mar kale madax ka noqdaan dalkan.

"Dalkan in ka badan labaatan sano ayay dhibaato ka jirtay, waxaana sababay dad kuwaasoo dowladihii hore ka mid noqday oo fidno gudaha ka abuurayay, waxayna doonayaan inay ka horistaagaan inay baarlamaanka ka mid noqdaan dadka nadiifka ah ee wax-qaban kara," ayuu yiri Faroole

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xubnihii maxkamadaha Islaamka ay la mid yihiin dagaal-oogayaashii dalka ayna yihiin kuwa israadinaya, wuxuuna ku daray hadalkiisa in xubnahaas iyo kuwa doonaya inay baarlamaanka ka mid noqdan aysan ehel u noqon karin inay dalka hoggaamiyaan.

Hadalka madaxweynaha Faroole ayaa imaanaya iyadoo madaxda DKMG ahayd ay soo jeediyeen inaan shaqsiyaad gaar ah oo aysan maxkamadi dambiyo ku caddeyn aan la bartilmaameedsan oo ay ka mid noqon karaan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya 





Post your comments

8/27/2012 10:57 AM EST
Isniin, Agoosto 27, 2012 (HOL) - Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo saaray liiskii ugu dambeeyey oo gaaraya 255 xubnood, waxaana dhimman 20 xubnood

8/27/2012 10:44 AM EST
Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.

8/27/2012 9:42 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.

8/27/2012 9:30 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

8/27/2012 8:07 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

8/27/2012 7:39 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

8/27/2012 6:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:26 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/27/2012 3:59 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

8/27/2012 3:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.