Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Aug 21, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Mxamuud (Siillaanyo) ayaa Itoobiya uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zenawi.
“Waxaan dadka Itoobiya iyo mandaqada geeska afrika uga tacsiyadaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Meles Zenawi, wuxuu ahaaa nin door weyn ku leh geeska afrika iyo Afrikaba guud ahaan,”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo BBC-da la hadlayey, waxaanu sheegay inuu ilaalin jiray nabdgalyada geeska afrika.
“Itoobiya aad bay iskugu wanaagsanaayeen Somaliland ilaa wakhtigi Halganka, waana wadan weyn oo mar walba wax iskaga xidhan yihiin labadda umaddood, marka wada shaqaynta xaga nabadgalyada, siyaasada, hurumarinta, ganacsiga waa mid lagama maarmaan ah” ayuu raaciyey Siilaanyo Mar uu ka hadlayey xidhiidhka ka dhexeeya labadda dhinac.
Xafiiska Itoobiya ku leedahay Magaaladda Hargeysa ayaa iyaguna furay buug loogu baroordiiqayo geerida Meles Zenawi, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu buugaas soo saxeexayo, isla markaana uu ka qaybgali doono aaska loo samayn doono Ra’isal wasaraaha Itoobiya.
Dhinaca kale, waxa iyana magaaladda Hargeysa ka furan ilaa shan jaamacadood oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kaas oo boqolaal arday wax ka bartaan, waxa kale oo jira arday farobadan oo waxbarasho u joogga Itoobiya iyo qaar waxbarasho bilaash ay siisay dawladda Itoobiya oo ciidamadda iyo shaqaalaha dawladda iskugu jira.
Haseyeeshee, Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan u arkay geeridaasi, qaar ka naxay iyo qaar soo dhoweeyeyba, haseyeeshee dadweynaha ayaa intooda badan sheegeen inuu Meles aad u taageeri jiray Somaliland, isla markaana Baasaboorka Somaliland ay si toos ah ugu gali jireen Itoobiya, iyadoo gaadiidka shacabka qaarkoodna waraaq ka qaadan jiray xafiiskooda Itoobiya ay ku tagi jireen ilaa Addis ababa, halka qaarkoodna ka duuli jireen garoonka magaaladda jigjiga, iyadoo baryihii dambe wasiiraddu ay inta badan ka duuli jireen garoonkaasi Jiga Jiga ee Itoobiya, taas oo aanay wax dhibaato ah kala kulmi jireen, waxaanay sheegeen in Ra’isal wasaarahaasi ahaa nin aad u yaqaan soomaalida oo aqoon badan u leh, iyagoo ka cabsi qaba ninka bedelo doona sida uu soomaalida ula dhaqmi doona.
Dhinaca kale, waxa ay sheegeen in Meles uu aad u taageeri jiray Sooomaalida Itoobiya, isla markaana u ogolaaday in deegaankooda maamulaan,mashaariic horumarineedna ka fuliyey, balse waxay tilmaameen in haddii nin kale yimaado ay keenayso in guud ahaan soomaalida cadaadis iyo dhibaato u keeni karo, isla markaana horumarka ka socda deegaanka iyo isku socodka uu xumaan doono, iyadoo aad uga cabsi qaba haddii nin ka soo jeedda amxaarada ama Oromadu la wareego taladda aanay soomaalida u fiicnayn.
Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa iyaguna Meles aad uga soo horjeestay markii uu ciidanka galiyey Somalia, kaas oo dhibaato badan ka geysteen koonfurta Somalia, iyadoo taariikhda markii ugu horaysay ee ciidanka Itoobiya ahi ay galaan caasimada Somalia, taasina ay ceeb ku ahayd ummaada Soomaaliyeed, iyagoo tilmaamaya inay aad uga xumaayeen ciidankaasi galay Somalia ee ilaa hadda ku jira.
Dadka qaar ayaa Aaminsan in geeridaas Meles Zenawi Itoobiya ku abuuri karto khilaaf hor leh iyo nabadgalyo daro, maadaama oo Meles ahaa nin awood iskugu haya qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya.
Haseyeeshee, waxa la eegi doona cidda bedeli doonta iyo itoobiya siday ahaan doonto Meles dabadii.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso
8/21/2012 1:29 PM EST
Talaado, August 21, 2012(HOL): Ciidamada la dagaalanka tahriibta ee gobolka Bari, ayaa howgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Shinbiro oo qiyaastii 30km dhinaca bariga magaalada Boosaaso kaga beegan, waxay kusoo qabteen tahriibayaal ay tiradoodu 200 ku dhowdahay iyo weliba gaadiid badeedkii ay ku safrayeen.
Youtube: Dhaartii Xildhibaanada Soomaaliyeed
8/21/2012 12:47 PM EST
Halkaan ka daawo munaasabaddii lagu dhaarinayey Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya
Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
8/21/2012 10:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Kulankii ay maanta ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya xarunta gaadiidka booliiska oo uu shir guddoomiye ka ahaa guddoomiyaha KMG ah, Jen. Muuse Xasan ayaa waxay cod aqlabiyad ku ogolaadeen guddiga doorsahada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa oo ka kooban 15-xubnood.
Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Somalia Siyaasadoodana aysan waxba iska bedelayn
8/21/2012 10:18 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka dowladda Itoobiya ahna wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Bereket Simon ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya aysan la baxayn, sidoo kalena aysan bedeli doonin siyaasadooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.
Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
8/21/2012 10:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia) ayaa ugu baaqay baarlamaanka cusub ee Federalka Soomaaliya inay doortaan musharaxiin ay ka go’an tahay dhaqanka xukun dimoqraadiyadeed.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka
8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.
Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu tahay 1,500 ayaa maanta u fariistay imtixaanka aqbalaadda ah ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardaydan ay kasoo qalin-jabiyeen dugsiyada sare ee dalka, doonaya inay waxbarashadooda horay u sii wataan.
Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug oo Magacaabay Qaybtii ugu horreysya Golihiisa Wasiirrada
8/21/2012 9:39 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul gobolleedka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay golle wasiiro cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug.
Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
8/21/2012 8:37 AM EST
Bandhiga faneedkan oo ahaa mid si weyn ay uga soo qeybgaleen dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey wariyayaasha Muqdisho waxaana maalgalinayey hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO.
Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
8/21/2012 6:48 AM EST
Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa ku tilmaantay geerida Ra'iisul wasaarihii Itoobiya inay tahay maalin taariikhi ah.
Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeyay Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
8/21/2012 4:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay guul la gaaray, iyadoo Mareykanka uu sheegay inuusan u dulqaadanayn cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso howlaha siyaasadeed ee Soomaaliay.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
8/21/2012 3:52 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in marnaba la qabli doonin maleeshiyo ku saleysan beelo iyo ururo diimeed ka sameysma magaalada Baladweyne.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
8/21/2012 3:38 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii labaad kaddib markii xalay fiidkii lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna doorteen guddoomiye KMG ah.
Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay
8/21/2012 3:16 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la shaacisay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.
Somali News
Munaasabadii Dhaarta Xildhibaanada Cusub ee Baarlmaanka Soomaaliya
-
HOL
8/21/2012 12:26 PM EST
Waxaa garoonka dayuurada ee magaalada Moqdisho lagu qabtay kulan lagu dhaarinayey xubnaha cusub ee baarlamaanka dalka Soomaaliya.
Somalia's Islamist rebels hail Ethiopia PM Meles' death
-
Reuters
8/21/2012 6:26 AM EST
Somali Islamist militants hailed on Tuesday the death of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi as an "historic day" and said Ethiopia, which has troops inside Somalia, would now crumble.
Kenyan, Ugandan troops battle al-Shabaab
-
UPI
8/21/2012 6:15 AM EST
The African Union Mission in Somalia's battle against Somali al-Shabaab militants continues.
SA hostages to face Somali captors
-
Independent Online
8/21/2012 6:14 AM EST
South African couple Bruno Pelizzari and Debbie Calitz will face some of the Somali pirates who took them hostage, East Coast Radio Newswatch (ECRN) reported on Monday.
EU anti-piracy fight with warships 'must go on'
-
BBC
8/21/2012 6:01 AM EST
The European Union should continue to use warships to tackle pirates off the coast of Somalia following a reduction in the rate of kidnappings, a parliamentary committee has said.
Somalia needs a 'paradigm shift'
-
UPI
8/21/2012 5:58 AM EST
Somalia needs "a new way of thinking" as it seeks to overcome a legacy of terrorism and civil war, the country's prime minister said.
Daring to be different, two venture to Somalia to give aid
-
OCRegister
8/21/2012 5:56 AM EST
Ray Meltvedt and Mike Crary of San Clemente say they were appalled at a lack of aid going to famine victims in a country ravaged by lawlessness, warlords and piracy. They went to Mogadishu, determined to see what a few committed people can do.
Somalia: confidence grows in Mogadishu
-
The Guardian
8/21/2012 5:51 AM EST
A rare mood of optimism is in the air but much will depend on how the new government is.
Meles, Ethiopian Leader Behind Economic Growth, Dies at 57
-
Bloomberg
8/21/2012 3:04 AM EST
Meles Zenawi, the Ethiopian prime minister praised for overseeing one of Africa’s fastest-growing economies and criticized by human rights advocates, has died from an infection after being sick for weeks. He was 57.
Statement by the Press Secretary on Somalia’s New Federal Parliament
-
White House
8/21/2012 2:24 AM EST
The United States welcomes today’s convening of Somalia’s New Federal Parliament. This marks an important milestone in completing the Roadmap to End the Somali Transition. We commend the people of Somalia for their hard work
kenya: Poll, Somali border row rattle oil explorers
-
Daily Nation
8/21/2012 1:37 AM EST
Next year’s General Election and a looming dispute over a maritime border with Somalia are causing jitters among oil explorers in the country, tempering the optimism that had been growing in the industry.
Somalia Olympic runner 'drowns trying to reach Europe'
-
BBC
8/21/2012 1:26 AM EST
A Somali Olympic athlete has reportedly drowned while attempting to reach Europe on a migrant boat.
Breaking News: Ethiopian PM Meles Zenawi dies after illness
-
BBC
8/21/2012 1:13 AM EST
Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi has died at the age of 57, state media say, after weeks of speculation about his health. Mr Meles was admitted to hospital in July. The nature of his condition has not been made public.