Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Aug 21, 2012
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in safiirrada ay kala hadleen horumarka nabadda ee Soomaaliya iyo caqabadaha jira, isagoo xusay inay fikrado kala duwan wadaageen kaddibna ay isla garteen in la dardar-geliyo howlaha socda, wax walba oo caqabad ah oo jirana nabad lagu xalliyo.
"Waxyaabihii aan waxaa ugu weynaa waxaa ka mid ahaa xidhibaannadii ay guddiga farsamadu soo celiyeen waxa ka dhalan kara, aragti mideysan ayaana arrintaas ka qaadannay," ayuu Shariif Sheekh ku sheegay hadal uu saxaafadda siiyay markii uu soo dhammaaday kulanka; inkastoo uusan sheegay in go'aankii xildhibaannada lasoo celiyay ay ka gaareen.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in sidoo kale ay ka hadleen sidii ay u dhici lahaayeen doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa shaqada harsan.
Shariif Sheekh wuxuu sheegay inay sidoo kale isla garteen in marxaladda ay gashay Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay inay ka badalaato sidii hore ayna muujiso kalsooni dowladda dhexdeeda kalsooni shacabka Soomaaiyeed dhexdooda ah iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa rajada shacabka.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in safiirradu ay soo dhaweeyeen heerka ay Soomaaliya joogto, iyagoo sheegay inaysan maleynayn in hal sano halkaas lagu soo gaari karo iyagoo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan ayna taageerayaan howsha inay si wanaagsan u socoto.
"Mareykanka iyo Yurub waxay ka mid yihiin dowladaha ka qaybqaatay in howsha ay halkan soo gaarto, waxayna ku bixiyeen dhaqaale badan, iyagoo muujiyay inay ka go'an tahay inay taageeraan horumarka socda," ayuu yiri Sh. Shariif.
Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan oo isaguna warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada guddoonka baarlamaanka.
"Waxaan rajeynaynaa in howsha dhiman ay noogu soo dhameystirmaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana rajeynaynaa in Alle uu arrintaas noo fududeeyo si ay Soomaaliya uga gudubto halka ay taagan tahay meel muhiim ah ay ugu gudubto," ayuu yiri guddoomiyaha KMG ah ee Soomaaliya oo isaguna la hadlay saxaafadda.
Dhanka kale; madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh ayaa wuxuu uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Itoobiya geeridii ku timid ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo u dhinay xanuun muddo ka hayay caloosha.
"Shacabka iyo dowladda Itoobiya waxaan uga tacsiyeynaynaa geeridii ku timid Meles Zenawi maadaama uu ahaa nin ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka, sida la ogyahay marxalado kala duwan ayaan isla soo marnay, laakiin marxaladdii ugu dambeysay waxaan ahayn dad isku fiican oo dhinac kawada arka in geeska Afrika uu noqdo mid nabad ah, shacabkiisa iyo hoggaamiyeyaashiisna uu dhexmaro xiriir wanaagsan," ayuu yiri Shariif Sheekh.
Beesha caalamka ayaa dhawaanahan waxay dadaal ugu jireen sidii ay u dardar-gelin lahaayeen howlaha Soomaaliya ay uga baxayso xilliga KMG ah, iyagoo soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso
8/21/2012 1:29 PM EST
Talaado, August 21, 2012(HOL): Ciidamada la dagaalanka tahriibta ee gobolka Bari, ayaa howgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Shinbiro oo qiyaastii 30km dhinaca bariga magaalada Boosaaso kaga beegan, waxay kusoo qabteen tahriibayaal ay tiradoodu 200 ku dhowdahay iyo weliba gaadiid badeedkii ay ku safrayeen.
Youtube: Dhaartii Xildhibaanada Soomaaliyeed
8/21/2012 12:47 PM EST
Halkaan ka daawo munaasabaddii lagu dhaarinayey Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya
Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
8/21/2012 10:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Kulankii ay maanta ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya xarunta gaadiidka booliiska oo uu shir guddoomiye ka ahaa guddoomiyaha KMG ah, Jen. Muuse Xasan ayaa waxay cod aqlabiyad ku ogolaadeen guddiga doorsahada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa oo ka kooban 15-xubnood.
Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Somalia Siyaasadoodana aysan waxba iska bedelayn
8/21/2012 10:18 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka dowladda Itoobiya ahna wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Bereket Simon ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya aysan la baxayn, sidoo kalena aysan bedeli doonin siyaasadooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.
Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
8/21/2012 10:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia) ayaa ugu baaqay baarlamaanka cusub ee Federalka Soomaaliya inay doortaan musharaxiin ay ka go’an tahay dhaqanka xukun dimoqraadiyadeed.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas
8/21/2012 10:03 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Mxamuud (Siillaanyo) ayaa Itoobiya uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zenawi.
Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu tahay 1,500 ayaa maanta u fariistay imtixaanka aqbalaadda ah ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardaydan ay kasoo qalin-jabiyeen dugsiyada sare ee dalka, doonaya inay waxbarashadooda horay u sii wataan.
Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug oo Magacaabay Qaybtii ugu horreysya Golihiisa Wasiirrada
8/21/2012 9:39 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul gobolleedka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay golle wasiiro cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug.
Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
8/21/2012 8:37 AM EST
Bandhiga faneedkan oo ahaa mid si weyn ay uga soo qeybgaleen dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey wariyayaasha Muqdisho waxaana maalgalinayey hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO.
Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
8/21/2012 6:48 AM EST
Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa ku tilmaantay geerida Ra'iisul wasaarihii Itoobiya inay tahay maalin taariikhi ah.
Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeyay Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
8/21/2012 4:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay guul la gaaray, iyadoo Mareykanka uu sheegay inuusan u dulqaadanayn cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso howlaha siyaasadeed ee Soomaaliay.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
8/21/2012 3:52 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in marnaba la qabli doonin maleeshiyo ku saleysan beelo iyo ururo diimeed ka sameysma magaalada Baladweyne.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
8/21/2012 3:38 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii labaad kaddib markii xalay fiidkii lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna doorteen guddoomiye KMG ah.
Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay
8/21/2012 3:16 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la shaacisay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.
Somali News
Munaasabadii Dhaarta Xildhibaanada Cusub ee Baarlmaanka Soomaaliya
-
HOL
8/21/2012 12:26 PM EST
Waxaa garoonka dayuurada ee magaalada Moqdisho lagu qabtay kulan lagu dhaarinayey xubnaha cusub ee baarlamaanka dalka Soomaaliya.
Somalia's Islamist rebels hail Ethiopia PM Meles' death
-
Reuters
8/21/2012 6:26 AM EST
Somali Islamist militants hailed on Tuesday the death of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi as an "historic day" and said Ethiopia, which has troops inside Somalia, would now crumble.
Kenyan, Ugandan troops battle al-Shabaab
-
UPI
8/21/2012 6:15 AM EST
The African Union Mission in Somalia's battle against Somali al-Shabaab militants continues.
SA hostages to face Somali captors
-
Independent Online
8/21/2012 6:14 AM EST
South African couple Bruno Pelizzari and Debbie Calitz will face some of the Somali pirates who took them hostage, East Coast Radio Newswatch (ECRN) reported on Monday.
EU anti-piracy fight with warships 'must go on'
-
BBC
8/21/2012 6:01 AM EST
The European Union should continue to use warships to tackle pirates off the coast of Somalia following a reduction in the rate of kidnappings, a parliamentary committee has said.
Somalia needs a 'paradigm shift'
-
UPI
8/21/2012 5:58 AM EST
Somalia needs "a new way of thinking" as it seeks to overcome a legacy of terrorism and civil war, the country's prime minister said.
Daring to be different, two venture to Somalia to give aid
-
OCRegister
8/21/2012 5:56 AM EST
Ray Meltvedt and Mike Crary of San Clemente say they were appalled at a lack of aid going to famine victims in a country ravaged by lawlessness, warlords and piracy. They went to Mogadishu, determined to see what a few committed people can do.
Somalia: confidence grows in Mogadishu
-
The Guardian
8/21/2012 5:51 AM EST
A rare mood of optimism is in the air but much will depend on how the new government is.
Meles, Ethiopian Leader Behind Economic Growth, Dies at 57
-
Bloomberg
8/21/2012 3:04 AM EST
Meles Zenawi, the Ethiopian prime minister praised for overseeing one of Africa’s fastest-growing economies and criticized by human rights advocates, has died from an infection after being sick for weeks. He was 57.
Statement by the Press Secretary on Somalia’s New Federal Parliament
-
White House
8/21/2012 2:24 AM EST
The United States welcomes today’s convening of Somalia’s New Federal Parliament. This marks an important milestone in completing the Roadmap to End the Somali Transition. We commend the people of Somalia for their hard work
kenya: Poll, Somali border row rattle oil explorers
-
Daily Nation
8/21/2012 1:37 AM EST
Next year’s General Election and a looming dispute over a maritime border with Somalia are causing jitters among oil explorers in the country, tempering the optimism that had been growing in the industry.
Somalia Olympic runner 'drowns trying to reach Europe'
-
BBC
8/21/2012 1:26 AM EST
A Somali Olympic athlete has reportedly drowned while attempting to reach Europe on a migrant boat.
Breaking News: Ethiopian PM Meles Zenawi dies after illness
-
BBC
8/21/2012 1:13 AM EST
Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi has died at the age of 57, state media say, after weeks of speculation about his health. Mr Meles was admitted to hospital in July. The nature of his condition has not been made public.