Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebta magaalada Kismaayo ayaa saaka aroortii markale gantaallo dhowr ah kusoo tuuray magaalada, iyadoona ay arintaasi keentay in dagaalyahannada Al-shabaab ay iyaguna dhankooda ku tuuraan madaafiic taasoo cabsi ku abuurtay dadka ku dhaqan Kismaayo.
Ma jiraan cid wax ku noqotay duqeyntii saaka, haseyeeshee Maraakiibta ayaa weli soo tuuraya madaafiic kusoo dhaceyso qeybo kamid ah magaalada.
Shacabka reer Kismaayo ayaa maanta bilaabay bakarac xooggan iyagoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto duqeymaha ay isweeydaarsanayaan xoogagga Al-shabaab iyo maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebta Kismaayo.
Goobjooge ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa HOL u sheegay in magaalada ay saaka aroortii ku bilowdeen gantaallo ay soo tuurayeen maraakiib ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn dekedda Kismaayo, wuxuuna sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay iyaguna dhankooda tuurayaan hubka lidka diyaaradaha.
“Dhawaqa Madaafiicda ay ridayaan Maraakiibta waa mid aan loo adkeysan Karin, dhulka ayaa kula gariirayo markuu dhacayo,” ayuu goobjooguhu hadalkiisii raaciyay.
Shacabka reer Kismaayo intoodii awoodi kartay waxa ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanada Gosha ee dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxa hawada magaalada Kismaayo ku dulwareegaya diyaarado nooca dagaalka ah, walow aysan jirin wax duqeymo ah oo ay geysteen.
Maraakiibtan ku sugan xeebta magaalada Kismaayo oo la aaminsayahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeyntii ugu danbeeysay ee ay ka geysteen magaalada Kismayo waxa ku dhimatay sedex qof halka ay ku dhaawacmeen ilaa afar kale, kuwaasoo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Maraakiib dagaal oo saakay duqeeyay Magaalada Kismaayo iyo Dadka Reer Kismaayo oo barakac billaabay
More News
- Youtube: Shirka wadamada Islaamka uga furmay dalka Boqortooyada Sacuudiga - Wariye Ibraahim Baafo
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu saameyn ma lahan haddii Ra’iisal Wasaaraha musharrax noqday”
- Afar qof oo shacab ah oo lagu afduubtay deegaanka Sool-joogto iyo waanwaan lagu jiro siideyntoodda
- Safiirka dalka Britain u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya (SAWIRRO)
- Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ku dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxnimo ee Soomaaliya
- Beelo Xoolaley ah oo uu soo dhexgalay muran dhuleed oo ku dagaalamay Nawaaxiga Deegaanka Hoosingoow
- Xogyayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ka digay dib u dhac ku yimaada Xulista Xidhibaannada Baarlamaanka Cusub
- Tartan K/Cagta ah oo lagu Maamuusayay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baladweyne
- Kooxo hubeysan oo xalay dilay Gudoomiyihii Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho