Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Aug 14, 2012
Diyaaradihii Uganda ee ku sii jeeday Soomaaliya oo burburkoodii laga helay bartamaha dalka Kenya (SAWIRRO)
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Saddex diyaaradood oo kasoo duulay dalka Uganda si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ku burburay Kenya iyadoo la sheeagyo in loogu talogalay inay ka qaybqaataan qabsashada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Diyaaradahan ayaa waxaa burburkooda laga helay dhul buurley ah oo ku yaalla baratmaha dalka Kenya, iyagoo qaar ka mid ah ay gubteen, waxaana la helay askartii la socday mid ka mid ah, kuwasaoo la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, iyadoo la sheegayo in maydadka laba askari oo ka mid ahaa kuwii diyaaradda saarnaana la helay goor dambe oo maanta ah.
Saraakiil u hadlay milateriga Kenya ayaa sheegay in dhaawacyada lagu daweynayo isbitaal ay ku leeyihiin meel ku dhow halka laga helay burburka diyaaradda, iyadoo duuliyii diyaaradda la helay lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
"Weli ma ogin cid ku dhimatay diyaaradaha, balse waxaa la helay toddoba askari oo dhaawacyo qaba. Balse waxaan sheegi karnaa in mid ka mid ah diyaaradihii aan dirnay ay ku dagtay Gaarisa," ayuu yiri afhayeenka milateriga Uganda, Col. Felix Kulayigye oo saxaafadda la hadlay.
Diyaaradahan oo lagu farsameeyay dalka Ruushka ayaa waxay xukuumadda Uganda ugu talogashay inay ku xoojiso ciidamada Midowga Afrika ayna ka qaybqaataan howgalka lagu doonayo in lagu qabsado degmada Kismaayo oo ay ku xooggan tahay Al-shabaab.
Guud ahaan diyaaradahan waxaa la socday 28 sarkaal oo ciidamada cirka Uganda ka tirsnaa, kuwaasoo loogu talogalay inay howgalka AMISOM fududeeyaan, si ay dowladda KMG ah ugu suurogasho inay dalka oo dhan la wareegto.
Ciidamada Midowga Afrika oo howlgalkooda ka billaabay Soomaaliya sannadkii 2007 ayaa waxay noqon lahayd markii ugu horreysay oo ay dagaalladooda ka qayb-qaataan diyaarado dagaal, iyadoo aan la ogeyn inay tani dib u dhigayso go'aankii Midowga Afrika ee ahaa in Kismaayo la qabto inta aysan dhammaan bishan Ogoosto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha
8/14/2012 7:55 PM EST
Talaado, August 15, 2012(HOL): Maalmihii aanu ka soo gudubnay waxaa isa soo tarayay war ku saabsan in Xarrakada Al-Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay dadka magaaladaas u xalaaleysay cunista hilibka Waraabaha ama Dhurwaaga.
Kulliyad lagu baranayo cilmiga Caafimaadka oo ay maalgelisay Hay'ad Turki ah oo dhismaheeda laga bilaabay Muqdisho
8/14/2012 10:10 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Dhismaha kulliyad lagu baranayo cilmiga caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Horseed oo ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ka howlgala ayaa waxaa maanta dhagax-dhigay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, Axmed Caydiid C/raxmaan.
Qaramada Midoobay oo ka digtay in la Weeraro Magaalada xeebeedda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
8/14/2012 9:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha dhinaca gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mark Bowden ayaa maanta ka digay in la weeraro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya
8/14/2012 9:27 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hoggaaminayo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada Kenya, Thuite Wmangi waxayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.
Tababar Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee deegaanka Muqdisho
8/14/2012 9:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan milateriga dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 602-askari ayaa maanta tababar loogu soo xiray xero tababar oo ciidamada dowladda KMG ah ay ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay ka qayb-qaadanayaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.
Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo sheegay inay Maanta shaacinayaan Xildhibaannada ay hayaan
8/14/2012 9:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan magacyada 150 xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka gudbeen baaritaankii lagu sameynayay.
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Magaalada Baladweyne ka sameeyay howgal lagu sugayay Ammaanka
8/14/2012 8:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay ka waday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiraan howlgal looga hortagayo falalka amaan darro ee mar marka qaar ka dhaca magaalada.
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda DKMG ah oo lagu dilay Afaafka hore ee Dekedda weyn ee Muqdisho
8/14/2012 7:04 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay afaafka hore ee dekedda Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyay hal ruux oo qori ka dafay askari ka tirsan ciidamada DKMG ah oo halkaas ku suganaa.
Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono
8/14/2012 6:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hanjabaado dil ah oo loo dirayo guddiga farsamada ee xulitaanka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dambeeyaan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay wataan loogu daro xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Danjire C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inuu soo celinayo Haykalkii Dowladnimo ee Soomaaliya ay lahayd
8/14/2012 5:23 AM EST
C/laahi axmed Cadow oo markale isu soo taagay doorashada madaxtinimada lana hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada lagu wado in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Muqdisho.
Somali News
UN warns of 'imminent' attack on the southern Somali port of Kismayo
-
AFP
8/14/2012 3:34 PM EST
NAIROBI (AFP) — The United Nations warned Tuesday of an impending assault on the southern Somali port of Kismayo, the largest remaining stronghold of the country's Al-Qaeda linked Shebab insurgents.
Two burnt Ugandan army helicopters found in Mt Kenya
-
Capital FM
8/14/2012 6:09 AM EST
The burnt wreckage of two Ugandan army helicopters was found Tuesday, two days after crashing in a remote mountainous region of Kenya while flying to war-torn Somalia, army officials said.
Troops gear up for Kismayu assault
-
Daily Nation
8/14/2012 6:02 AM EST
The long-planned assault on Somalia’s southern port town of Kismayu by the Kenya Defence Forces and their Amisom allies is probably only days away in what will be a decisive week for Somalia.
One man’s quest to rediscover the frugal traditions of Ramadhan
-
Daily Nation
8/14/2012 5:54 AM EST
The world’s estimated 2.1 billion Muslims have been observing Ramadhan, the month-long period of fasting, obligatory on all healthy adult members of the faith.
Ethiopian premier’s absence draws attention, speculation
-
Washington Times
8/14/2012 5:45 AM EST
Where in the world is Ethiopia’s prime minister?
Mombasa police question three Tanzanians over terror links
-
Xinhua
8/14/2012 5:42 AM EST
Kenya’s anti-terrorism police are interrogating three Tanzanians over suspicion of being members of the Al-Shabaab terror group, officials confirmed on Monday.
Bad weather hampers crash rescue
-
Independent Online
8/14/2012 4:09 AM EST
Three Ugandan military helicopters crashed in Kenyan airspace at the weekend on their way to Somalia and bad weather was hampering search and rescue efforts, a Kenyan defence spokesman said on Monday.
As Somali Election Nears, Candidates Accused of Corruption
-
VOA
8/14/2012 4:03 AM EST
As the process for ending Somalia's political transition gathers momentum, some presidential candidates have been accused of both interfering with the process of electing new parliamentarians and vote-buying ahead of the presidential election, which is due to take place on August 20.
AU Deputy Special Representative warns spoilers against intimidating Technical Selection Committee
-
AMISOM
8/14/2012 3:01 AM EST
Mogadishu - (AMISOM) The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Honorable Wafula Wamunyinyi has noted with great concern the behavior of some disgruntled individuals who are desperately trying to intimidate members of the Technical Selection Committee (TSC) by sending death threats through anonymous text messages and phone calls.
UN Secretary-General warns Somali leaders over parliament delays
-
AFP
8/14/2012 2:42 AM EST
UNITED NATIONS, Aug 13, 2012 (AFP) - UN Secretary-General Ban Ki-moon warned Tuesday that “intimidation and violence” could threaten the selection of a Somali parliament before a looming deadline, his spokesman said.
Copter Crash May Hinder Offensive in Somalia
-
NY Times
8/14/2012 2:07 AM EST
NAIROBI, Kenya (NY Times) — The Ugandan military has shifted heavy weaponry, including assault aircraft, into Somalia over the past few weeks, vowing to strike a final and decisive blow against the ShababIslamist militant group.