Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Aug 13, 2012
Dab xoog leh oo baabi'iyay qaybo ka mid ah Suuqa Xerada IFO oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Dab xooggan ayaa khasaare xooggan ka geystay suuqa xerada qoxootigsa IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab, halkaasoo ay ku jiraan in ka badan Nus Malyuun qof oo u badan Soomaali.
Lama oga waxa sababay dabka, balse wararka ayaa sheegaya inuu baabi'iyay dhowr dukaan oo kuwa ganacsiga ah, iyadoo dadka ku jira xeradaas ay goor dambe oo xalay dabka damiyeen.
"Xalay saqdii dhexe ayuu dabku billowday, wuxuuna ka billowday haanta biyaha hoosteeda. Ma garanayno sababta uu ka billowday balse wuxuu gubay 20 goob ganacsi oo isugu jiray dukaamo iyo bakhaaro," ayuu yiri goobjooge ku sugan xerada IFO oo saxaafadda la hadlay.
Goobjoogaha ayaa sheegay inaan la garanayn khasaaraha maaliyadeed ee uu ka dhashay dabka, iyadoo ay dadka xeryaha Dhadahaab ku jira ay aad ula yaaban yihiin waxa xiligan kusoo beegay gubashada suuqyada xeradaas.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii suuqa weyn ee xerada Xagar-dheer uu dab xooggan baabi'iyay, mana jirto ciidammo Kenya ah oo u gurmaday dadka ku jira xeryaha xiliyadii uu dabku kacayay, kuwaasoo ahaa xilliyo habeen ah.
"Dadweynaha ayaa dabka damiyay, ma jirto cid kale oo noo soo gurmatay, markii aan ciidamada ku wargelinnay dabka waxay noo sheegeen inaysan xilligan imaan karin xeryaha sababo dhinaca ammaanka ah awgood," ayay tiri haweenkay ka mid ah dadkii ku sugnaa xerada IFO xilligii uu dabku socday.
Xeryayaha IFO, Xagar-dheere iyo Dhagaxley oo ku yaalla Dhadhaab-Kenya ayaa lagu sheegayaa kuwa ugu weyn dunida, waxaana ku jira dad ka badan 500,000 oo qof, kuwaasoo 470,000 oo ka mid ah ay yihiin qoxooti Soomaaliyeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Danjire Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyne
8/13/2012 9:01 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in toddobaadka soo socda lasoo dooran doono afhayeenka baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Beelaha una dhoofay dalka Sucuudi Carabiya
8/13/2012 9:00 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay guddiga xalinta khilaafaadka ee ku kulansan Muqdisho, isagoo ugu baaqay guddiga in la xalliyo cabashooyin ku saabsan musuqmaasuqa ee beelaha qaarkood soo gudbiyaan.
Madaafiic Culus oo la isku Weydaarsaday duleedka Degmada Afmadow ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose
8/13/2012 5:18 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in xalay duleedka degmadaasi ay madaafiic isku weeydaarsadeen ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Al-shabaab.
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Wakhtigii ay Doorashooyinka Golaha Deegaanku dhacayaan
8/13/2012 5:08 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland ay dhici doonaan maalinimadda Arbacadda ee bisha November 28, 2012
Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Suxufi
8/13/2012 5:00 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay gallinkii dambe ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir mid ka mid ah suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Muqdisho ku sugan.
Madaxweynaha Soomaliland oo soo dhaweeyay guushii uu gaadhay Mo Faarax, isagoo Dhallinyarada ku guubaabiyay inay ku daydaan
8/13/2012 4:45 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa hambalyo u diray guusha weyn ee uu soo hooyey Orodyahanka caanbaxay ee Maxamed Faarax ee u orda dalka Ingiriiska.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Mandheere ee Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ku dilay Baadari Kenyan ah
8/13/2012 4:36 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa bartamaha magaalada Mandheera ee dalka Kenya ku toogtay baadari Kenyan ah, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan baadariga la dilay halka uu ka yimid.
SHARIIF XASAN: "Haddii xilka Madaxweynenimo la ii doorto Soomaaliya waxaan ku maamulayaa Cadaalad"
8/13/2012 3:57 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee uu xilligiisu gabagabada yahay, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxnimo ee Soomaaliya uu dalka ku hoggaamin doono cadaalad.
Xukuumadda Uganda oo sheegtay in diyaarado dagaal oo ay u dirtay Soomaaliya lagu waayay Hawada dalka Kenya
8/13/2012 3:48 AM EST
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegaty in tiro ka mid ah ciidamadeeda iyo diyaaradaha nooca qummaatiga u kaca ah ee helicopter-ka loo yaqaan oo ay u dirtay Soomaaliya si howgalka socda uga qaybqaataan lagu waayay hawada dalka Kenya.
Somali News
Toronto rapper K'naan to publish children's picture book on his life
-
CP
8/13/2012 7:03 PM EST
TORONTO - Toronto rapper K'naan plans to publish a children's picture book about his life.
Judge Gives Somali Pirate 12 Life Sentences
-
AP
8/13/2012 6:54 PM EST
A federal judge ordered a Somali pirate on Monday to serve a dozen life sentences in prison for his role in the hijacking of a German merchant vessel and a U.S. yacht, saying the hostage negotiator was lucky he wasn't facing the death penalty.
2 Pre-Teen Pirates Sent Back to Somalia
-
AP
8/13/2012 12:37 PM EST
Two Somali children traveling the high seas with pirates are being sent back to Somalia. The two pre-teens — ages 12 and 11 — were captured in January with 12 other Somalis ...
UN decries death of 2 journalists in Somalia
-
AP
8/13/2012 12:30 PM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) —Two more Somali journalists were killed in the nation's capital, bringing the number of journalists slain in the country this year to nine and highlighting the dangers media workers continue to face in the Horn of Africa nation despite increased security in Mogadishu.
Rescuers find one Ugandan copter gunship, 2 missing
-
Reuters
8/13/2012 12:24 PM EST
KAMPALA (Reuters) - Uganda said on Monday the pilot and four crew of a Somalia-bound Ugandan attack helicopter that made an emergency landing in Kenya had been rescued but two other gunships and ten crew members were still missing in the same area.
Somali government must end assassinations
-
AFP
8/13/2012 11:57 AM EST
NAIROBI (AFP) — Somalia's government must end a wave of assassinations that has struck the volatile capital Mogadishu as leaders jostle for power ahead of elections next week, the AU and UN warned Monday.
SOMALIA: Activists laud ban on FGM/C, say implementation will require more
-
IRIN
8/13/2012 9:59 AM EST
Activists have welcomed a ban on female genital mutilation/cutting (FGM/C) in the new constitution of Somalia – a country where 96 percent of women undergo one of the more extreme forms of the practice – but warn that translating the law into action will require more than just a legal declaration.
Nigerian troops kill 20 Boko Haram Islamists
-
AFP
8/13/2012 5:50 AM EST
Nigerian troops on Sunday killed 20 suspected Boko Haram Islamists in the restive northeastern city of Maiduguri, a senior officer said, an account quickly denied by the militant group.
Refugees needed more support after quakes
-
Voxy
8/13/2012 5:40 AM EST
Most former refugees coped well in Christchurch’s earthquakes despite none of them an experiencing an earthquake before, a University of Canterbury (UC) study has found.
Al Shabaab 'promised kidnapped kids paradise to become suicide bombers'
-
DM
8/13/2012 5:37 AM EST
Al-Qaeda inspired Somali terrorist group Al Shabaab kidnapped young children in the troubled country and brainwashed them to become suicide bombers to launch future attacks on the West, it has emerged.
SOMALIA: Hard Times For The Bad Guys
-
Strategy Page
8/13/2012 5:34 AM EST
Somali pirates have fallen on hard times. Last month, for the first time in five years, there was an entire month with no ships taken or even attacked. The last ship taken was a wooden fishing boat seized on June 19th. The last attack was on June 26th, when an unsuccessful attempt was made against a cargo ship. Part of this was due to bad weather as July and August are the monsoon (rainy) season off Somalia. It's more than weather, however, as pirate activity is down 60 percent for the first six months of the year.
‘Missing’ Ugandan choppers sighted in Mt Kenya forest
-
CapitalFM
8/13/2012 3:39 AM EST
NAIROBI, Kenya (CapitalFM) – One of the three Ugandan helicopters that went missing over Kenyan airspace on Sunday has reportedly been sighted within Mt Kenya forest.
FEATURE-Africa's pirates have demands - and letterhead, too
-
Reuters
8/13/2012 3:06 AM EST
Welcome to the Pirate Action Group. Pirate commander Jamal wishes to congratulate you on being hijacked. Kindly speak to his negotiator about your ransom, bearing in mind that his demands are similar for every vessel he seizes.