Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Aug 11, 2012
Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Labaatan qoys oo ah agoomaha ku dhaqan xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa loo qaybiyey laba kun ($2000) oo doollarka Maraykank ah si caruurtaasi looga farxiyo maalinta Iidda, isla markaana ay ula iidi lahaayeen dadweynaha islaamka.
Qoysaskan agoonta ah ayaa waxa gacanta ku haya ururka Hiil oo saldhigiisu yahay wadanka Sweden,kuwaas oo shantii sanno ee u dambeeyey taageeri jiray qoysaskaasi, waxaanay ka bixiyaan lacagta waxbarashadda iyo nolosha kalaba.
Lacagtan loo qaybinayey qoysaskan danyarta ah ee beelaha Gabooye ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotey Ururka Hiil, guddida Xaafada, Boqorro, Salaadiin, Cuqaal, iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada.
Ururkan HIIL ayaa sheegay inay lacagtan ay ugu tallogaleen inay caruurta ka farxiyaan oo aanay u dareemin aabo la’aanta, waxaana Shiine oo ku hadlayey afka ururkan sheegay inuu mustaqbalka ku tallo jiraan inay agoomaha ku dhaqan xaafadan Daami ay u samayn lahayeen iskuul u gaar ah oo ay wax ka bartaan.
Waxaanu bulshada Soomaalidu ugu baaqay inay barnaamijkan khayriga ah ee lagu caawinayo agoontaas ay ka qaybgalaan oo ay taageer, isagoo sheegay in lacagtani ay iyaga dhexdoodu iska ururiyeen ee aanay cid kale ka helin ama ku caawin.
“ waxaan xasuustaa Awlaadayda Daranyadii iyo Diiftii haysatay 5 sanno ka hor, waayo waxay wada ahaayeen kuwo aan haysan Waxbarasho waxay wada joogeen xaafada, waxaan ku hamiyi jiray mararka qaar inaan ka dhigo Baalashlayaal si ay ugu soo helaan nolol maalmeedka qoyska, laakiin Alle fadligiisa waxaa hamigaygaas meesha ka saaray Ururka hiil oo hadda dhamaantood waxa ay wada dhigtaan Dugsiga Nuradiin iyo Madaariska Aflax iyagoo meel fiican ka maraya, waxbarashada teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahba, waxaanay Inanteyda ugu yar caruurtu hadda korka ka haysaa 10 jis oo Qur,aan ah”ayey tidhi Hooyo Saado Diiriye oo ka mid ah qoysaska ay kafaalo qaaday ururkan HIIL oo ka waramaysay marxaladii ay caruurteedu soo martay ka hor inta aanay kafaalo qaadin ururkan.
Barkhad Jaamac Xirsi oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshadda, ayaa ugu baaqay in Xukuumada, Shacabka, Iyo waliba ganacsatadu Xil gaar ah iska saaraan adeega ilaha Bulshada gaar ahaan kuwooda liita, waxaanu la lataliyaha madaxweynuhu balan qaaday iney sidii hore iyo si ka fiicanba ula shaqeyn doonaan Ururka Hiil. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay cidii wax u tartan agoonta ee ka qaybqaatada mashruucan uu janno ku helayo ilaahayna ugu dhowaanayo.
Gaadhsiinta lacagtan qoysaskan agoonta waxa hadalo ka soo jeediyey Boqor Axmed Ugaas Iman Warasame, Suldaan Daakir Xassan Khaliif Iyo Gudoomiye Xassan Sheikh Maxamed, iyagoo dhamaantood u mahad celiyey xilka iska saareen Ururuka Hiil, waxaanay cuqaashu bulshadda soomaalidda ka codsadeen inay taageeraan mashruucan wax loogu qabanayo agoomaha, sidoo kale waxay usoo jeediyeen in lala dagaalamo Takoorka oo dadka laga wacyigeliyo dhaqankan xun ee dadka walaalaha ah lagu kala saarayo.
Beelaha Gabooye ayaa mudooyinkii u dambeeyey u jeestay horumarinta dhalinyarada, iyagoo dugsiyo badan u sameeyey, halka qaarkoodna jaamacadaha kala duwan ee dalka ka soo baxeen, waxaana dhowaan dhismihiisa la bilaabay dugsi weyn oo loogu magacdaray Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi oo laga hirgalinayo xaafadda Daami oo ay degan yihiin beelaha Gabooye.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
8/11/2012 7:35 PM EST
Sabti, Agoosto 11, 2012 (HOL) -Diyaarado aan la garaneyn cid iska leh ayaa Caawa salaadii maqrib kadib duqeymo xooggan ku bilaabay magaalada Kismaayo, iyadoona gantaallada ay tuurayaan diyaaradahaasi ay ku dhaceen xaafado katirsan magaalada Kismaayo.
Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
8/11/2012 1:23 PM EST
Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa soo maanta soo bandhigtay makiinad casri ah oo loogu talagalay soo saarista shahaadooyinka asalka ah, si looga hortago shahaadooyinka faalsada ah ee aysan waxba ka ogayn dawlada Soomaaliya.
Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
8/11/2012 9:06 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubbada Hoose.
Guddiga xulista xidhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in meel gabo-gabo ah uu marayo liiska xildhibaannada cusub
8/11/2012 8:57 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta inay meel garbo-gabo ah u marayso liiska xildhibaannada baarlamaanka soo soo socda ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xubnahan ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii laga doonayay ayna dib ugu celin doonaan oday dhaqameedyadii soo xulay.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
8/11/2012 8:43 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay ugu digeen siyaasiyiinta Soomaalida doonaya in lasoo xulo xubno iyaga taageersan.
Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
8/11/2012 8:42 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha SSC Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ayaa isku afgartay qodobo la sheegay in lagu nabadaynayo deegaanka Buuhoodle ee baryihii u dambeeyey colaaddu ka taagnayd.
Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
8/11/2012 8:39 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Murashax ka mid ah kuwa u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay inay qaban doonaan dibadbaxyo ay uga horjeedaan qorshha ay madaxda dowaldda KMG ah ku doonayaan inay ku hagaan doorashooyinka.
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Bilad Abaalmarin ah siiyay hay'ad Turki ah oo ka howlagasha Magaalada Muqdisho
8/11/2012 7:46 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa billad abaalmarin ah guddoonsiiyay madaxa haya'dda safamlka ah ee Kisme Yok Mu oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howglala Muqdisho.
Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
8/11/2012 7:23 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn iskugu yimid ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedelkii iyo kaabistii lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.
Ururka Midowga Yurub oo Walaac ka muujiyay habka lagu soo xulsayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
8/11/2012 7:20 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka digay in la musuq-masuqo qaabka xulista xildhibaannada.
Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
8/11/2012 3:41 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda
8/11/2012 3:36 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Iyadoo ay fooda nagu soo heyso ciidda barakeysan ee Ciidul Fidirga ayaa Diyaargarow aad u weyn oo ku aadan munaasabadaasi laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Somali News
Murdered Somali Journalist Remembered
-
VOA
8/11/2012 4:23 PM EST
NAIROBI — Representatives of Somali media gathered in a Nairobi suburb on Saturday to honor the late Somali journalist Ali Shamarke, assassinated by al-Shabab militants five years ago. The Committee to Protect Journalists (CPJ) and the International Federation of Journalists (IFJ) both identify Somalia as the most dangerous place in Africa to be a journalist. Six journalists have been killed in Somalia this year alone.
Somali Olympic athletes seek asylum in the UK
-
HOL
8/11/2012 4:16 PM EST
The only two athletes representing Somalia at the 2012 Olympic Games in London, Mohamed Hassan Mohamed and Zamzam Farah, have formally requested asylum in the UK. The pair claims that they cannot return to Somalia or they will likely be killed by Al-Shabaab.
Mo Farah wins his second gold: Olympics athletics
-
NY Times
8/11/2012 3:02 PM EST
LONDON — Mo Farah of Britain ran toward the line in the 5,000 meters, a slow start becoming a burning finish at 3.1 miles. His eyes were wide, and his mouth was open, and 80,000 people howled him on toward his second gold medal.
Refugees in Aurora Worry About Gun Violence
-
PRI's The World
8/11/2012 5:16 AM EST
July’s mass shooting at a movie theater in Colorado took place in the state’s most ethnically diverse city. In recent years, thousands of refugees from around the world have settled in Aurora, Colorado, and the massacre has some of them questioning their safety in the new land they call home.
Kenya: I'm Qualified to Head Land Commission, Says Khalif
-
The Star
8/11/2012 5:12 AM EST
Abdulkadir Adan Khalif has declared that he is qualified to serve on the National Land Commission. Khalif, who appeared for vetting before Lands and Natural Resources parliamentary committees yesterday, said he has a wealth of experience on land matters. He denied he had any links with Somalia politics but said his clan extends to the neighbouring war-torn country.
Kenya needs more security to protect voters-poll chief
-
New Vision
8/11/2012 5:06 AM EST
Kenya needs to improve security to ensure that voters are not deterred by recent grenade and gun attacks and threats by a coastal separatist movement to disrupt the election due next March, the head of the electoral commission said on Friday.
Somali piracy remains a global shipping threat; responsible for growing kidnapping on land - UN
-
defenceWeb
8/11/2012 5:02 AM EST
In spite of a drop in attacks, Somali piracy remains a threat to global shipping and represents a humanitarian tragedy for hijacked seafarers and kidnapped hostages, according to a United Nations report. Somali pirates are currently holding 174 hostages and eleven vessels.
Turkish Relief Organization Receives "Outstanding Service Medal" in Somalia
-
JT Weekly
8/11/2012 5:00 AM EST
A Turkish relief organization, "Kimse Yok Mu", received "Outstanding Service Medal" for its welfare activities in Somalia.
Somalia prepares for presidential elections
-
Press TV
8/11/2012 4:58 AM EST
On Thursday, Somali capital Mogadishu witnessed mass demonstrations in welcoming the return of Mohammed Abdullahi Mohammed Farmajo, former Somali Prime Minister who is among the most influential presidential hopefuls set to challenge incumbent Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and more than two dozen others in the August elections.
Olympics-Athletics-Bolt, Farah quests highlight last night
-
Reuters
8/11/2012 2:41 AM EST
LONDON (Reuters) - Usain Bolt's attempt to win a sixth sprint gold medal in two Olympics as part of Jamaica's 4x100 metres relay team will be the climax of the last night of athletics at the London Games on Saturday.
Somali presidential candidates strike unity deal as election draws
-
Africa Review
8/11/2012 1:53 AM EST
Thirteen presidential hopefuls have announced that they have formed a coalition as the battle for battle-weary Somalia's top seat hots up. candidates, all men, hope to agree on a single candidate to contest the country's anticipated ....
Role of Private Universities in Higher Education in Africa
-
AU
8/11/2012 1:38 AM EST
The 10thAnnual Conference on Role of Private Universities in Higher Education in Africa kicked off on 8thAugust 2012, in view to assess the impact of private higher education provision on the revitalization of higher education in Africa and to bring some helpful developments on the role of private universities in higher education in Africa.