4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Madaxdii Isboortiga Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka


Arbaco, April 04, 2012(HOL): Saaka barqadii abbaarihii 11:45 daqiiqo ayaa waxaa uu qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed, kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Qaraxa oo uu fuliyay qof dumar ah oo ismiidaamisay ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed  (GOS) Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Saciid Maxamuud Nuur Mugaambe oo labaduba xilal sare ka hayay Isboortiga Soomaaliya.

Labadan Marxuum ee geeriyooday ayaa xilligii uu burburka dalka ku jiray waxay si aad ah isugu mashquuliyeen in ay horumariyaan Isboortiga Soomaaliya, isla markaana gaarsiiyay in Soomaaliya ay ka qeybgasho cayaaraha caalamiga ah iyo kuwa heer gobol, tiiyoo la ogsoon yahay in dalka Soomaaliya uu muddo dheer burbur ku soo jiray.


Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay xubno ka mid ah golayaasha Dowladda iyo dad rayid ah, kuwaasi oo markii qaraxa dhacayay daawanayay barnaamij lagu maamuusayay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay dib-u-yagleelka Taleefashinak Qaranka Soomaaliyeed iyo sanadguuradii 28aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo si weyn u cambaareeyay dadkii qaraxaas ka dambeeyay, isagoo tilmaamay in ay qaraxaas ka dambeeyeen argagixisada caalamiga ah iyo Al-Shabaab.

“Mar kasta oo ay wiiqanto awoodda kooxahan argagixisada ah, waxay ku soo noqdaan shacabka oo ay laayaan, waxaanse u sheegeynaa in qaraxyada iyo waxyaabaha ay sameynayaan aysan waxba u dhimmi doonin howlaha Dowladda iyo in ay sugto ammaanka”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare C/weli oo intaas ku daray in dowladda ay labuulaabi doonto wax-ka-qabashada ammaanka, aysanna ka hari doonin Al-shabaab illaa ay dalka ka xoreeyaan.

Intaas kaddib Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali waxaa uu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo uga tacsiyeeyay dadkii qaraxaas ku dhintay, sidoo kalena u rajeeyay caafimaad dadkii qaraxa ku dhaawacmay.



Wixii ku soo kordha kula soco wararkii dambe haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]