4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Saddex ka mid ah Ilaalada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo loo Qabtay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Saddex ka mid ah ilaalada ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo uu ku jiro madaxii ilaalada oo Cali Yare lagu magacaabo ayaa loo qabtay qaraxii Tiyaartarka Muqdisho ka dhacay afartii bishan kaasoo ra'iisul wasaaruhu uu ka badbaaday.

Ciidamada nabadsugidda DKMG ah ayaa saddexdan qof qabtay xalay fiidkii iyadoo loo gudbiyay xabsi ay maamulaan halkaasoo lagu weydiinayo su'aallo ku saabsan qaraxaas oo Al-shabaab ay sheegatay in loo fududeeyay fulintiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay HOL heshay ayaa sheegaya in saddexda qof ay ku jirto haweeney lagu magacaabo Qadro, sidoo kalena uu ka mid yahay wiil lagu magacaabo Cabdi Yaasiin.

Qaraxii ka dhacay Tiyaartarka Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan lix qof oo ay ku jireen madaxdii isboortiga dalka, waxaa sidoo kale dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray u dhintay xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud iyo Faysal Xaaji Cali Amiin oo ka mid ahaa la taliyeyaasha ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Weerarkan oo shaki badan dhaliyay ayaa wuxuu madaxweynaha Soomaaliya dusha ka saaray mas'uuliyaddiisa wasaaradda wafaafinta DKMG ah, inkastoo wasaiirku uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha qaraxaas.

Guddiyo wasiirro ah ayaa loo saaray sidii ay qaraxaas baaritaan ay ugu sameyn lahaayeen, iyadoo saddexdan qof ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo loo qabto tuhun la xiriira qaraxii Tiyaatarka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo wax laga weydiiyay qaraxii ka dhacay Tiyaartarka Muqdisho ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inay Al-shabaab ka dambeysay, baaritaanna uu socdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya