5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2011
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qorshaha Xasilinta dalka


Arbaco,  October 26, 2011(HOL): Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee dalka, Qorshaha Qaranka ee Amniga iyo Xasilinta, siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa, xaaladda bani’aadannimo iyo arrimaha gargaarka.

 

Golaha ayaa ugu horreynti waxa uu warbixinta amniga ka dhageystay guddiga amniga oo ka warbaxiyay halka ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa golaha uga warbaxiyay xaaladda ay ku sugan tahay ammaanka gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan waxa uu ka warbiyay afduubkii ka dhacay Gaalkacyo oo lagu afduubtay shaqaale u shaqeynayay Qaramada Midoobay sheegayna inay ku daba jiraan; sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa warbixin Golaha ka siiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya oo guulo la taaban karo kasoo hooyay dagaalka ay kula jiraan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Waxaa maanta si wadajir ah ay golaha u ansixiyeen qorshaha qaranka ee amniga iyo xasilinta dalka oo nuqulkii ugu danbeeyay la horkeenay golaha kadib markii lagu soo daray talooyinka gobollada iyo saraakiishii Soomaaliyeed, qorshaha ayaa ahaa qodob muhiim ah oo ka tirsan Roadmapka la filayo inay dawladdu fuliso sanadkan.

 

Golaha ayaa sidoo kale wuxuu ka dooday siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa isagoo isla gartay in lagu daro sharcigii No. 108 ee baarista musuqmaasuqa oo soo baxay 8-dii April 1968, iyadoo guddi wasiirro ah loo saaray si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan, golahana kusoo celshaan si loo ansixiyo.

 

Ugu danbeyntii, golaha ayaa ka dooday arrimaha gargaarka iyo caqabadaha ka haysta Hey’adaha gargaarka ka shaqeeya Airpor-ka iyo dekedda iyagoo faray in baaritaan lagu sameeyo warbixin faafaahsanna golaha lagu soo celiyo.