4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Sheekh Xasan Turki oo sheegay in Kooxda Raaskambooni oo uu horay uga tirsanaa ay la mid yihiin dowladaha cadowga ah

Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki) oo ka mid ahaa saraakiisha ururka Raaskambooni oo xiriir la leh hadda dowladda KMG ah ayaa sheegay in ururkaas uu ula mid yahay dalalka cadowgooda ah sida Kenya.

Wadaadkan oo shir jaraa'id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in xubnaha ururka ay markii hore la jireen iyaga haddana ay la jiraan dalalka cadowga ah ee kasoo horjeeda in diinta Islaamka la isku xukumo, sidaa daradeedna ay u arkaan kuwo ka baxay Islaamka.

"Ururka Raaskambooni markii hore wuxuu ahaa urur u dagaalamaya dinta Islaamka, balse hadda waa urur kasoo horjeeda islaamnimada, sidaa daraadeedna waa galo waxayna la mid yihiin dalalka cadowgeena ah," ayuu yiri Sheekh Xasan Turkey.

Hoggaamiyahan oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkan ayaa ka baxay, isagoo ku biiray ururkii Xisbul Islaam oo uu markaas hoggaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys, balse markii dambe u xuub-siibtay Al-shabaab.

"Qof walba oo muslim ah waxaa waajib ku ah inay dagaalada socda ka qaybqaataan, waayo waxaa lagu soo duulay diinta islaamka," ayuu Sheekhu hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in ruux walba ay tahay inuu diintiisa difaaco isagoo aan meel kale eegayn.

Mas'uuliyiinta Al-shabaab ayaa waxay tan iyo markii ay Kenya soo gashay gudaha Soomaaliya wadeen goodin ay ku sheegayaan inay ka aargudan doonaan Kenya haddii ay ciidamadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan ugala bixi waydo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya