5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2011
Xildhibaan ka tiran baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL)  Mudane ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib xanuun lasoo darsay, iyadoo isla magaaladaas lagu aasay maanta.

C/llaahi Macallin Maxamed (Faax) oo ahaa mudanaha geeriyooday ayaa dhawaan kasoo laabtay dalka Ingiriiska oo u daweyn u tagay, waxaase xalay uu ku dhintay isbitaal ku yaalla xarunta dalka Kenya sida ay ehelladiisu saxaafadda u xaqiijiyeen.

Geerida mudanaha ayaa imaanaysa kaddib markii ay dhawaan xildhibaannada baarlamaanku ku kororsadeen saddex sano ah muddada ay shaqeynayaan, wuxuuna ka mid ahaa mudanayaashii hore ee baarlamaanka.

Xildhibaanno badan ayaa ka geeriyooday baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii uu howlihiisa ka bilaabay Muqdisho, iyadoo qaarkood la dilay halka kuwo kalena ay xanuuno kala duwan ugu dhinteen gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Aaska xildhibaankan geeriyooday ayaa waxaana ka qaybgalay xubno xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, ehelladiisa iyo qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Horraantii sannadkan ayaa waxaa xanuun ugu geeriyooday magaalada Muqdisho Hilowle Imaam Cumar oo a mid ahaa 550-mudane ee baarlamaanku uu ka kooban yahay, kaddib markii uu kasoo laabtay Sucuudiga oo uu daweyn u tagay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya