Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa lagu dilay shan qof oo kalena waa lagu dhaawacay dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhagaalamay inta u dhexeysa isgoysyada KM-4 iyo isgoyska Taleex ee jidka Maka Al-Mukarama oo ah midka ugu mashquulka badan goobaha ay dowladdu ka taliso.
Dagaalka ayaa qarxay markii ciidammo daacad u ah Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) iyo ciidammo dowladda ka tirsan, iyadoo labada dhinac markii dambe la heshiisiiyay, waxaana goobta ku haray ciidamadii ka amarqaadanayay Jen. Yuusuf Indhacadde.
"Waxaan arkay qof rayid ah iyo dhaawacyada shan qof oo ay ku jiraan askartii dagaalku u dhexeeyay," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii u sugnaa halka u dagaalku ka billowday, iyadoo ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadka ay dib u furmeen markii uu dagaalku dhammaaday.
Gaarigii ay wateen ciidamada dagaalka la galay kuwa Jen. Yuusuf Indhacadde oo ay rasaasi ku dhacday ayaa waxaa halkaas kawaday ciidamo kale oo dowladda ka tirsan, kuwaasoo labada dhinac dhexdhexaadiyay.
Ciidamada AMISOM oo saldhigyo ku leh halka uu dagaalku ka dhacay ayaan wax jawaab ah ka bixin rasaasta ay ciidamada DKMG ah Soomaaliya isku dhaafsadeen isgoyska KM-4 oo ah isgoyska ugu mashquulka badan goobaha ay dowladdu ka taliso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya