Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Barakacayaal muwaawinooyin kala duwan loogu qaybiyay degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir ayaa waxaa ka dhac u geystay dad ku hubeysan midiyo iyo ulo sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii mucaawinada laga dhacay oo saxaafadda la hadlay.
“Saakay waxaa nala siiyay mucaawino waana nalaga dhacay. Dhammaan wixii aan helnay iyo kaararkii waa nagala qaatay,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd 25 haween ah oo dhaca loo geystay, iyadoo sheegtay in dadka qaarkood dhaawacyo loo geystay.
Haweeneydan oo aan magaceeda sheegin ayaa xustay in dadka dhaca u geystay ay ahaayeen rag, ayna ka qaateen mucaawinadii ay soo qaateen saakay oo ay ka mid ahaayeen caano-boore, maacuun iyo bustayaal.
“Wixii saakay dhacay wax lala yaabo ahayd – dhibaataada oo dhanna waxaa noo geystay maamulka degmada Dharkeynlay – aniga waxaa igu yaalla dhaawac la igu gaarsiiyay toorreey markii la iga dhacayay xoogaa mucaawino ah oo aan gaari gacan ku sitay,” ayuu yiri oday ka mid ah dadkii mucaawinada laga dhacay.
Inkastoo aan la ogeyn cidda mucaawinadan bixisay, haddana ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmooyinkaas iyo dowladda dhexe, iyadoo labadaas degmo ay ka mid yihiin kuwo ay ku sugan yihiin dadkii kasoo barakacay waqooyiga Muqdisho badankood.
Kooxaha dhaca geystay ayaa la sheegay inay goobta ka qaateen alaabtooda, waana markii ugu horreysay oo ay kooxo ku hubeysan midiyo iyo ulo ay degmooyinka ay ka taliso dowaldda dhac ugu geystaan dad barakacayaal ah oo gargaar loo qaybiyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya